Liqaye Posted September 12, 2009 Waxaa goor dhoweyd oo barqanimadii maanta ah soo dhamaaday aas heer Qaran ah oo loo sameeyey qaar ka mid ah naafadii xoogga dalka Soomaaliyeed oo xalay ku geeriyooday madfac ku soo dhacay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, iyadoo aaskaasina ay ka qeyb galeen mas’uulyiin sare oo ka tirsan Dowlada Somalia iyo dadweyne aaad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho. Meydadka curyaamiintan la aasay oo tiradoodu gaareysay illaa 9 ruux ayaa laga qaaday Isbitaalka Martiini iyadoo naxashyo kala duwan lagu sidoo, waxaana gawaari lagu gaarsiiyey qabuure ku yaala agagaarka dugsiga sare ee Booliska (iskoolo Bulusiyo) oo ku yaala degmada X/jajab ee gobolka Banaadir halkaasoo ugu dambeyntii lagu aasay dhamaantood, waxaana dadka ka qeyb galay aaska wejiyadooda ka muuqatay murugo iyo tiiraanyo aad u fara badan iyadoo qaarkoodna ay ilmadu ka qubaneysay. Taliyaha ciidanka Booliska Somaliyed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb gashay aaskaasi ayaa goobta ka hadlay aaska ka dib waxaana Jen. Qeybdiid uu sheegay in maanta ay tahay maalin madow oo nasiib daro ah lana aasayo qaar ka mid a curyaamiintii XDS ee u soo naafoobay difaaca dalka diinta iyo dalka Soomaliyeed, isagoo ku eedeeyey iney sidaa u galeen kuwo uu ku sifeeyey inaaney garaneynin qiimaha ay leedahay nafta bani aadamka, isagoo tacsi u diray dadkii ku dhintay masiibadaas. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Cismaan Cali Dhagaxtuur guddoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in baroordiiq 3 cisho ah ay sameyn doonaan dadkaasi geeriyooday ayna fasaxeen shaqaalihii Dowladda hoose, isagoo shacabka Soomaaliyed ugu baaqay iney gurmad u fidiyaan dadkii dhaawacmay iyo qoysaskii ay ka tageen kuwa geeriyooday ee xalay madfacu uu kula dhacay Isbitaalka Martiini xili ay saf ugu jireen afur sadaqo ah oo halkaasi loogu sameynayey. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted September 13, 2009 Halyeydaas saan ayaa loogu abaalguday? If it wasn't enough in korkooda lagu kor dagaalamo in the last 18 years, iyagoo waliba kusoo naafoobay dalkooda u halgankiisa, haddana saanaa loogu daray. Eebboow u wada naxariiso dhamaantood -- aamiin, aamiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 13, 2009 Wax laga xumaado weeyaan indeed ,,,,, Ilaahay ha u naxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted September 13, 2009 Arin naxdin leh, Quote Share this post Link to post Share on other sites