Sign in to follow this  
Captain_Mike20

Somaliland House of Elders discuss the security situation of the country.

Recommended Posts

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland Oo Dood Adag ka yeeshay Xaalada Amaanka Guud Ee Dalka

 

Hargeysa (Oodweynenews) – Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland, ayaa maanta dood adag ka yeeshay xaalada nabadgalyo ee wakhtigan uu dalku marayo, isla markaana waxa ay soo jeediyeen inuu golaha hor yimaado Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Taliya Ciidanka Booliska Somaliland.

 

Fadhiga maanta oo uu shir-gudoominayey Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Guurtida sheekh Axmed Sheekh Nuux furre, isla-markaana ay ka soo xaadireen xildhibaano door ah, ayaa waxa xildhibaano aragtiyahooda ka dhiibteen sida ay u arkaan xaalada nabad galyo ee dalka, taas oo dad badankiisu hadda aaminsan yihiin inuu dabac ku yimid.

 

Xildhinaan Sicidi Cabdilaahi Xasan, oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Hawsha amanku waa hawl baladhan, marka laga hadlayo Wasaarada Arimaha Gudaha oo u baahan kharash badan,Degmooyinka ilaa xadka ku yaala sugida amaankooda kharash bay u baahan tahay, Wasiirka Arimaha Guduhu waa wasiirka ugu shaqada badan xukuumada”

 

Waxa kalooo uu xildhibaan Siciid Cabdilaahi Xasan intaas ku daray “ inagu gole ahaan waxa inala haboon inaynu diirado saarno nabadgalyadda, waxaynuna nahay golihii nabadgalyadda, waxayna tahay in wasiirka gacan ka siino talana iska waydaarsano xaalada amanka ee wakhtigan dalku marayo, isla-markaana waydiino waxa uu u baahan yahay inaynu wax kala qabano”

 

Mar uu xildhibaan ku ka hadlayey in Wasiirka Arimaha Gudaha loo yeedhana waxa uu yidhi “ Waa in Wasiirka la kulanaa oo shir-guddoonku u tagaan ama uu golaha yimaado, wixii lala qabanayo isaga haka timaado, inagu waayo- arag ayaynu u nahay xaalaada amaanka, amaankuna cadowga uu leeyahay ayaynu garanaynaa.” Sidaan waxa yidhi xildhibaan Siciid Cabdilaahi Xasan.

 

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Xildhibaan Axmed Quule waxana hadaladiisi ka mid ahaa “Waa inay gudi saarnaa si ay tabashooyinka dalka yaalaa u soo ururiyaan una soo darsaan xaalada amaan, dabadeedna ay Madaxwaynaha u gudbiyaan” sidaan waxa yidhi Xildhibaan Axmed Quule.

 

Waxa isaguna halkaas ka hadaly Xildhibaan Xasan Boobe hadaladiisiin a wax ka mid ahaa “ Xaalada amaanku dalku meel xun ayay maraysaam xaafada aan Hargeysa ka daganahay todobaadkii ugu dambeeyay ilaa 40 qof ayaa lagu baadhay qaarna lagu waxyeeleeyay, sidaa daraadeed waxaan soo jeedinayaa in wasiirka arimaha gudaha loo yeedho, waxna laga waydiiyaa waxa dhacaya.” Sidaan wax yidhi Xil. Xasan Boobe.

 

Waxa isaguna halkaas doodiisa ka dhiibatay Xildhibaan Cabdiqaadir xuseen Mirre (indho). Hadaladiisiina wax ka mid ahaa sidan “ Nabadgalyaddu waxay ku jiraysaa iskaashiga bulshada, inagana dastuurka ayaa ina siinaya in aynu xukuumada ka caawino arimaha nabadgalyadda, Awoodaana waa in uu goluhu ilaashado, shir-guddoonkuna u doonaan, haddii kooxi tidhaahdo anaga ayaa ku filan sugida amniga, waxba kama jiraan taas nabadgalyaduna way xumaanaysaa”

 

Waxa uu intaas ku ku daray Xildhibaan Cabdiqaadir Indho “ Waar nabadgalyaddii waxay maraysaa in ninkii miinada siday qofkii soo sheegay in la dilay, haddii aynu nidhaahdo nabadgalyadu way wanaagsan tahay ILAAHAY ayaa inagu cadaabaya oo been ayaynu sheegnay, waxayna noqon doontaa in aanu qof dambe wax soo sheegin oo ka halkaa maraya ee miino dhigaya cid dan ka galin”

 

Waxa kaloo uu Md. Indho indho intaas ku daray “haddii aan falkaa burco ka dhacay wax laga qaban waxba ma hagaagayaan, bilays qaban jirayna ma jiro, shacabka oo bilayska kashanaya ayaa wada qaban jiray, arintu maanta meel xun ayay maraysaa, anigu waxaan leeyahay digniintii ugu cuslayd inaynu bixino, dadkana aynu la hadalno, aynu shacabka wacyigalino, falkaa Burco ka dhacayna dadka baqo badan ayaa dadaka galiyey”

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray Xildhibaan Cabdiqaadir indho-indho “Mudanayaal waxaad la socotaan in jeelka Laascaanood waxa RAMMADAANTII lagala baxay niman dil loo haystay, taliyihiina xabad ayaa lagu dhuftay, wayna iska tageen dadki falaas gaystay, Boorama, nin ka mida ragii loo soo qabtay falkii galbeedka xabsiga ayaa lagala baxay, Sanaag waad ka war haysaa in dhinac dhan ayaa nin Sheekh Atam la yidhaahdo iyo ciidan uu wataa ku dagaalamayaan”

 

Waxa uu intaas ku daray Xildhibaan Cabdiqaadir Waar waydinkii maqlayay oo Berbera waxbaa lagu qabtay, intii aan warbaahinta aan ka maqlayay mooyaane wax intaa ka faahfaahsan maan maqal, sidaa daraadeed waxaan qanaa in taliyaha booliska iyo Wasiirka arimaha gudaha loo yeedho oo golaha ay hor yimadaan”

 

Waxa uu intaas ku daray Xi.Cabdiqaadir “Nabadgalyadda waa in sida ay tahay looga hawl-gallaa oo aan la sahashan, golahana waa inuu shaqadiisii soo ceeshadaa ma garanayo meesha uu ka I yahay ee golaheenii waa naafo.” Siaana wax yidhi xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen Indho indho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this