Sign in to follow this  
SOO MAAL

Dayniile: ciyaartii siyaasada oo ku soo uruuray hal koox oo ah xulka Qaranka

Recommended Posts

SOO MAAL   

Xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka ku sugan magalada Muqdisho oo maanta si buuxda u taageeray Heshiiskii Cadan. (Caato,Qanyare iyo Muuse oo taageeray Heshiiska)

 

Xildhibaannada iyo wasiirada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si buuxda u taageeray heshiiskii Magaalada Cadan ku gaareen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Fadhigii Maanta ay yeesheen Xubnaha Labada Gole ee Muqdisho uuna shir Guddoominayay Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayna ka soo qeybgaleen Wasiirada hubeysan iyo xubnaha kale ayaa si buuxda looga ogolaaday heshiiskii Cadan ee lagu soo afjaray khilaafkii Dowladda Federaalka Labadeeda garab.

 

kulankii maanta ka dhacay Hotelka Saxafi isla markaana si weyn loo wada sugayay ayaa ugu dambeyntii xubnihii ka qeybgalay kulanka waxay isku raaceen in si buuxda loo taageero heshiiskii Cadan iyo in Baarlamaanka uu yeesho fadhi guud oo ka dhacaya gudaha dalka.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa ka gudbay Imtixaankii horyaalay isagoo haatan laga sugayo magaalada shirka ka dhacay iyo sida Baarlaamanka ku tagi doono Magaaladaas,iyadoo warar soo baxaya ay sheegayan in Guddoomiyaha Baarlamaanka u ambibixi doono maalinta beri Magaalada Nairobi.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf oo xalay ka hadlayay Magaalada Jowhar ayaa ka codsaday xubnaha Labada gole inay tagaan goob kasta oo lagu dhawaaqo in shirka Baarlamaanka ka dhici doono.

 

Wasiirada hubeysan ayaa maanta ka qeybagleen shirka waxayna taageereen heshiiska Magaalada cadan ku gaareen Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka,iyadoo taageeradooda ka dambeysay wadahadalo is daba socday oo Guddoomiyaha Baarlamaanka la yeeshay Wasiirada hubeysan.

 

Markii go'aanka ka soo baxay shirkii Maanta Hotelka Saxafi ayaa xubnaha labada gole waxay qaadeen heestii Soomaaliyay tooso oo ah hees inta badan dadka Soomaaliyed ku reebta xusuus gaar ah.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Muqdisho: War deg deg ah: Hogaamiyeyaasha Muqdisho oo taageeray heshiiskii Cadan.

 

- Saturday, January 21, 2006 at 10:29

 

Muqdisho(AllPuntland)- Hogaamiye kooxeedyada hubaysan iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir koodii albaabadu u xirnaa uu kusoo gabo gaboobay magaalada Muqdisho.

 

Hogaamiye kooxeedyada awoodda ku leh magaalada Muqdisho waxay si cad u taageereen heshiiskii Cadan ee ay wada gaareen madaxwaynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha baarlamaanka.

 

Marka uu shirku soo gabo gaboobay ayaa waxaa la qaadayay heeso munaasabadeed ay kamid tahay " Soomaaliyeey Toosooy Toosoo isku tiirsada.

 

Hogaamiye yaasha hubaysan ee ay kamid yihiin Maxamed Qanyare , Cismaan Caato iyo Muuse Suudi waxay sheegeen inay la shaqaynayaan heshiiskaasi la gaaray.

 

Wali waxaa sii socon doona shirar gaar gaar ah oo ay yeelanayaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo hogaamiyeyaasha hubaysan.

 

Rayn rayn ayaa aad looga dareemayaa aagggu shirku ka socdo ayadoo dadkuna ay isku tahniyadaynayaan ayagoo tilmaamaya inay aad ugu qanacsan yihiin heshiiskan.

 

Shirkaan soo gabo gaboobay ayaa waxaa sal u ah sidii hogaamiyeyaasha hubaysan iyo xubnaha baarlamaanka ee Muqdisho looga dhaadhicin lahaa inay qaataan heshiiskii ay cadan ku gaareen madaxwaynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

 

CCC Farayaamo

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Kooxdii Yuusuf iyo kooxdii Shariifka ee 2005-ta ee u dhaxeysay ciyaartii siyaasada oo ku soo uruuray hal koox oo ah xulka Qaranka

 

 

kadib markii sanadkii 2005-ta ay u dhaxeysay ciyaar siyaasadeed kooxda Yuusuf iyo kooxda Shariifka ayaa maanta ay labada kooxood waxay isugu soo uruureen kooxda xulka Qaranka Soomaaliya, waxaana la magacaabay 22-kii ciyaartoy ee laga soo kala uruuriyay kooxda Yuusuf iyo kooxda Shariifka iyadoo guddoomiyaha kooxdana uu yahay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, halka tabaraha kooxdana loo magacaabay guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxayna kala yihiin magacyada 22-ka ciyaartoy ee 4-ta sano ee soo socota:-

 

 

1. Goolhaye Mowliid Macaan Maxamuud

 

2. Max’ed Ibraahim Xaabsade

 

3. Aadan Max’ed Cali

 

4. Cusmaan Xasan Cali Caato

 

5. C/risaaq Cusmaan Jurille

 

6. Axmed Diiriye Max’ed

 

7. Cumar Xaashi Aadan

 

8. Saalim Caliyow Ibrow

 

9. Max’ed Qanyare Afrax

 

10. Cali Max’ed Geeddi (Kabtanka kooxda)

 

11. Xasan Abshir Faarax

 

 

keydka waxaa u fadhiya

 

 

12) goolhayaha labaad Maxamuud C/llaahi Jaamac Sifir

 

13) Qaalid Cumar Cali (Difaac)

 

14) Yuusuf Mire Seeraar (Dhexda)

 

15) Cabdi Cabdulle Siciid jinni-boqor (Weerar)

 

16) Cali C/llaahi Cosoble (Weerar)

 

17) Max’ed Cusmaan Maye (Difaac)

 

18) Muuse Suudi Yalaxow (Difaac)

 

19 Saleebaan Colaad Rooble (Dhexda)

 

20) Xuseen Ceydiid (Weerar)

 

21) Ciise Weheliye Maalin (Weerar)

 

 

22) C/llaahi Aadan Axmed Black (Goolhayaha saddexaad)

 

 

kooxdan maanta la magaabay ee xulka Qaranka Soomaaliya ee dhinaca siyaasada ayaa kulamo tijaabooyin ah la kala yeelan doonaan kooxo ku kala ciyaaraya magaca TNG-dii Carte xubnaha waayay dowladda federaalka iyo siyaasiyiin aan ka mid noqon dowladda, sidoo kale waxay kulan tijaabo ah la yeelan doonaan xubnaha baarlamaanka gobolka Banaadir, waxayna dadka xiiseeya ciyaaraha siyaasada lana socday sanadkii hore qaabka ay isaga soo horjeedeen labadii kooxood ee Yuusuf iyo Shariifka ay soo dhoweeyeen Midowga ay sameeyeen kooxahan oo haatan noqday hal koox.

 

 

Waxaa diyaariyay: Axmed Max’ed Cabdulle (Uurdoox).

 

Uurdoox48@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Xildhibaannada jooga Muqdisho oo ay ka mid yihiin kuwa hubeysan oo ansixiyay heshiiska Col. Yuusuf iyo Shariif Xasan ee Sanca. Ruunkinet 21/01/06

 

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho xubnaha labada gole ee Xanar ku sugan ayaa ansixiyay heshiiskii ay magaalada Sanca ku kala saxiixdeen madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 90 xubnood oo ka tirsan xildhibaannada Xamar jooga ayna ka mid yihiin wasiirada hubeysan sida Qanyare, Suudi iyo Caato ayaa si wada jir ah waxay ugu dhawaaqeen in ay ogolaadeen heshiiska lagu gaaray Sanca.

 

Xildhibaan Cumar Xaashi Adan oo ah afhayeenka xildhibaannada Xamar jooga ayaa sheegay in si buuxda ay u taageersan yihiin heshiiskaasi.

 

Xildhibaannada ayaa sidoo kale go'aamiyay in loo daayo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan in uu ku dhawaaqo goobta ay isku immaanayaan labada garab ee golaha baarlamaanka.

 

Dhanka kale, warar ayaa soo baxaya oo ku warammaya in ay jiraan heshiis hoosaad ay ku qanacsan yihiin wasiirada hubeysan oo guddoomiyaha baarlamaanka la gaaray wasiirro ay ka mid yihiin Qanyare, Caato iyo Muuse Suudi.

 

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Shariif Xasan "heshiiskii Cadan waa laysku raacay"

Muqdisho-21.January.2006 Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shir Jaraa'id ku qabtay hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho shirkii

maanta ay yeesheen xubnaha labada gole ka dib, ayuu wuxuu sheegay in xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho ay dhammaantood isku raaceen heshiiskii Cadan uu kula saxiixday madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay wadashaqaynta ay la sameeyeen xubnaha ku sugan Muqdisho si ay u ogolaadaan heshiiskaasi.

 

Shariifku wuxuu sheegay in wax kasta oo laysku hayay ay uu go'aan ka gaari doono baarlamaanka.

 

C/laahi Soomaali

SBC Muqdisho

 

Kulankii maanta ee xildhibaanada Muqdisho oo laysku afgartay

 

Muqdisho-21.January.2006 Waxaa is afgarad uu ku soo dhammaaday kulankii maanta ay xubnaha labada gole ee Muqdisho ay ku yeesheen Hotel Saxafi oo ku saabsanaa

heshiiskii ay magaalada Cadan ku kala saxiixdeen madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Kulankaasi oo maanta ay ka soo wada qayb galeen wasiirada hubaysan ee Muqdisho ku sugan ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhammaaday jawi is afgarad ah.

 

wariyaha SBC ee magaalda Muqdisho C/laahi Somali ayaa soo sheegay in shir Jaraa'id uu qabtay Cumar Xaashi Aadan afhayeenka labada gole uu ka sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka loo daayay inuu isagu go'aamiyo meeshuu ku qabsoomayo fadhiga ugu horreeya ee baarlamaanka.

 

 

C/laahi Soomaali

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this