Jacaylbaro Posted January 7, 2010 Siyaasiyiinta Soomalidu waxa ay siyaasadooda ku saleeyaan xifaalaha beesha iyo afkaaro-qabiil, oo lama yimaadaan aragti midho-dhal ah oo umaddooda baahan guud ahaan dan-u wada ah oo horumar, nabad iyo wada-noolaasho sidii loogu hogaamin lahaa raadshaan. Waxa ay doonaan magac-beeleed iyo beel ayaan wax u raadinayaa iyo sad-bursiiyo qadhaabka yar ee dakhliga umada ah sidii uu ugu badsan lahaa. Marxuum Fagadhe, wuxuu ka mid ahaa faro ku tiriska ku dadaalay horumarinta bulsho-waynta Somaliland ama Soomaaliyeedba iyo horumarinta xorriyaadka muwaadiniinta, taas oo ka soo jeeda mudada dheer ee uu ku jiray halganka baadi-doonka xuquuqda shaqaalaha iyo aragtida hanti-wadaaga ee laf-dhabarkeedu yahay danaha xoogsatada. Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa Aabbihii dhismaha maamulka Somaliland iyo nabadaynta beelaha Somaliland, oo aan illaa iyo maanta meel kale oo Soomaali degto aanay cidi ku guulaysan in ay dhisto maamul nabad iyo horumar u horseeda dadka ku hoos nool, ayaa waxa uu igu yidhi maalin isaga oo ka sheekaynaya marxuum Fagadhe: “Fagadhe waxa ku jecelahay waa nin isku kalsoon oo Somaliland u haysta in aan cidina ka xigin oo waliba gacan ku dara cidii afka-la soo gasha, waa ninka qudha ee *********** ee aan ku hubo in uu aaminsan yahay Somaliland”. Xamaasada uu u hayay Somaliland iyo kalsoonida uu isku qabay, waxa dhacday in marxuum Cigaal oo magaalo madaxda dalka Talyaaniga ee Rome kula shiray madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Dawlada Talyaaniga isaga oo uu marxuum Fagadhe weheliyo oo markaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ah, ayaa nin ka mid ahaa qoladii Talyaaniga ahayd uu ka sheegay Somaliland wax aan dhab ahayn, marxuum Fagadhe inta uu is ilaaway ayuu feedh kula dhacay ninkii Talyaaniga ahaa, taas oo dirqi lagaga qabtay oo ku kaliftay marxuum Cigaal in uu warqad raali-gelin ah uu u qoro Wasiir ku-xigeenkii Arrimaha Dibadda dawlada Talyaaniga oo shirkaas fadhiyay. Marxuum Fagadhe dadwaynaha Somaliland iyo Aqoon-yahan-kiisaba waa ay u aqoonsan yihiin kaalinta lama ilaawaanka ah ee uu ka soo qayb galay nabadeynta iyo dib-u-dhiska Somaliland. Wuu ka duwanaa siyaasiyiinta weli jiifta dharabta beesha. Kamuu helin marxuum Fagadhe markii xanuunka iyo da’duba ay la kulantay abaal xukuumada iyo mucaaridkaba, hase ahaatee, taariikhdu ma ilaawi doonto wixii uu gashaday umada Soomaaliyeed meel kasta ha joogtee. Alle ha naxariisto marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), samir iyo iimaanna ha ka siiyo dadkiisii iyo ehelkiisii iyo dhamaan umada soomaaliyeedba meel kasta ha joogtee. Qallinkii : Prof. Maxamed Siciid Maxamed (Gees) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 7, 2010 Ninkaasi nin halyey ah ayuu ah wa mujaheed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted January 7, 2010 The man who died humilated in the hands of those whose separatist politics he firmly believed. Alloow kuu naxariiso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 7, 2010 I met him couple of times back in 1991 and he seemed a nice guy with good sense of humour although I don't know much about him. Ilaah ha u naxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted January 7, 2010 Wareysigiisii BBC-da intuusan dhiman ka hor ayaan dhegeystay, Masha Allah, Alle ha u naxariisto. Ps. Siyasi kale oo cimri dheer oo beri dhow la wareysanayey -oo Ra'iisul Baarlamaanka SL miyaa ma ogiye- isna wa iga yaabiyey!. Waxaan hubaa haddii Koonfurta hagaagto in goosi uu jiri doonin!, Xaaji Xunjuf meeshuu geli lahaa baa la rabaa markaas! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 7, 2010 Hmmmmmmmmmmm ,,,, Koonfur iyo hagaag hada waa kala dheer yihiin ,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 7, 2010 Originally posted by Jacaylbaro: Hmmmmmmmmmmm ,,,, Koonfur iyo hagaag hada waa kala dheer yihiin ,,,,, isma oga Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted January 7, 2010 waa ogahay, ee waa haddii.. koonfur, Cambaha waa tubeey taano, Sl-na haddii Bilcaantu ku wallacdo waa kuu dhamaatay!, isn't that good reason to come back to Somalinimo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 7, 2010 I just have some cambe on my desk next to the computer sxb ....... we have money Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 7, 2010 Maaday somalinimad ma wax laga baxa marna la so gallo manay ahayn wax lo dhasho mise to proof your somalinimo wa inad isbaaro badda iyo bariga dhigatiid. Inaadeer cambahaga iyo muuskaga iyo waxaas oo dhan iska haysta anagu maba cunno waxaas Geelena ino kala sooca ma ceeb ba waxaasi sxb? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted January 7, 2010 ^JB u sheeg taas. Somalinimada waa sax, waxaanse ka wadaa 'land'ka aad gadaal uga dartiin! ee inaad Somali tahay waan ogahay! Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted January 7, 2010 AUN the Marxuum and condolences to his family. Originally posted by Maaddeey: isn't that good reason to come back to Somalinimo Somalinimo? Don't forget the script kaabo, because Somalinimo won't liberate Alaska. Do you understand Mujaahid? Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted January 7, 2010 @Somalinimo won't liberate Alaska Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted January 7, 2010 Maaddeey Calan madow baa ilaa iyo Antarctica laga taageeya la yidhi. Anyways, let's stop it there before we hijack the big man's memorial thread. Quote Share this post Link to post Share on other sites