Emperor Posted December 7, 2007 Ciiddanka Boliska ee Baydhabo, oo sheegay inay qabteen raggii iyo gaarigii shalay lagu fuliyey qarixii ka dhacay magaalladaasi Muqdisho Jimco , December 07 2007 SMC Taliye-ku-xigeenka Ciiddanka Bolika ee magaalladda Baydhabo, Maxamed Nuur Maxamed, ayaa shaaca ka qaaday inay maanta fuliyeen hawlgal ballaaran oo ay ku baacsanayaan dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen qaraxyaddii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalladaasi. Sarkaalkaasi, oo maanta u waramayey Idaacadda Somaliweyn, ayaa sheegy inay Ciiddamaddu gacanta ku dhigeen 26-bas, nooca Mini-buska, si ay uga dhex baadigoobaan Gaari Bas ah oo ay kooxo hubeysan shalay u adeegsadeen qarax ka dhacay magaalladda Baydhabo. Taliyaha, waxa uu sheegay inay baaaritaan kadib, heleen Baskii iyo raggii ka dambeyeey qaraxaasi, isagoo xusay inay baaritaankaasi gacan ku siiyeen dad rayid ah oo iyagu shalay arkayey kooxihii qaraxa geystay. Waa sida uu hadalka u yiri. Qabqabashadda basaska ka dhex shaqeeya magaalladda Baydhabo, ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo uu Ku-simaha Guddoomiyaha Maamulka Baydhabo uu sheegay inay gacanta ku hayaan rag ku lug lahaa labadii qarax ee shalay ka dhacay magaalladaasi. Mas’uulkaasi, waxa uu ku eedeeyeey inay dad ka yimid magaalladda Muqdishu ka dambeeyaan silsiladaha qaraxyadda iyo toogashadda ka socota gudaha magaalladda Baydhabo, waa sida uu hadalka u yiri. Xaalladda Ammaanka ee magaalladda Baydhabo, waxay waayaddan dambe wehel u noqotay qaraxyo iyo toogasho, xili uu Maamulka Degmadaasi bandow habeenimo ah ku soo rogay magaallaaasi bishii Okt ee la soo dhaafay. Quote Share this post Link to post Share on other sites