The Zack Posted December 5, 2009 Sidee Caasimadda Jijiga looga dareemey qaraxii magaalada Muqdisho? Waxaa si weyn Magaalada Jigjiga iyo Shacabka ku noolba looga naxay Dhacdadii maalinimadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho oo ahayd dhacdo aad looga naxay Qaraxii loo gaystay Xafladii Qalin Jabinta Ardaydii ka baxday kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, kaasoo ahaa fal aad looga xumaaday. Haddaba Maalinimadii shalay iyo kaddib Qaraxii Magaalada Muqdisho Magaalada Jigjiga waxaad moodaysay in Qaraxu iyada ka dhex dhacay sida ay Shacabka Magaaladu u anfariirsanaayeen, waxayna Dadku ku taxnaayeen Warbaahinada Caalamka siiba kuwa Soomaalidda oo lagala socday Wararka iyo kolba xaaladdu halkay marayso, iyadoo qof waliba uu madaxa haystay Dadka qaarkiisna Muraaro dilaac ay la ooyayeen. Waxaana Masaajidda qaar laga Tukaday Salaadda Janaasatul Qaa'ib loo Tukanayay Dadkii Qaraxaas ku le'day kaddibna loo duceeyay iyadoo sidoo kale habaar aan loo kala hadhin dusha lagaga tuuray ciddii ka dambaysay Qaraxaas ee soo abaabushay iyo kuwii fuliyayba. Qaraxa Muqdisho ka dhacay maalinimadii shalay ma ahayn mid Dadka Muqdisho kaliya ku saabsanaa balse Caalamkii intiisii kale oo dhan bay saamayn ku yeelatay siiba meelaha ay Soomaalidu degto oo ay ugu horeyso Dhulka Soomaaligalbeed oo gabi ahaantiisba shalay ilaa Maanta ay u ahayd Maalin Murugo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted December 5, 2009 ^^ Odayaashaan janaazada aan loo dirsanin tukanaya, ma garan waayeen iney caruurtooda iyo dadkooda kala baxaan Urur kusheegyadaan maati leyska ah? Askar jinniga maatadaan xasuuqaya, intooda badan waa kuwa iyaga ku abtirsada, marka caruurtooda iyo dadkooda iney urur shaydhaankaan Al Shabab layiraahdo iney ka badbaadiyaan hadii kale, shaley tii dhacday iyo wax kadaranah wey soo wadaan. p.s Zack: Now that we all agree Al Shabab are the devil's children, do you still support Hassan Turki or have you changed your mind? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted December 5, 2009 Nin tiisa daryeelo baa tu kale ku dara, ma adaaba odayaal la talin. As for supprting Turki, unlike you I don't base my support on clan lines. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted December 5, 2009 Originally posted by Mr. Somalia: Odayaashaan janaazada aan loo dirsanin tukanaya, ma garan waayeen iney caruurtooda iyo dadkooda kala baxaan Urur kusheegyadaan maati leyska ah? ************** [ December 05, 2009, 04:41 PM: Message edited by: Admin ] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hunguri Posted December 5, 2009 Nagobi, qabyaalada iska dhaaf. Khayr maleh waxan aad hadda soo qoraysaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted December 5, 2009 Hunguri saxiib qabyaalad kama wadin lakiin ninkan ina adeerkeen ah ee meesha la soo istagay odayaal baa janaazo aan loo dirsanin tukaday uun baan ducfi nimadiisa tilmaamayey. Tan magaca reerka la xidhiidha, raali halaga ahaado. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 6, 2009 The world mourns ,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites