General Duke Posted February 8, 2007 BAYDHABO: Xaflad lagu dhaarinayo wasiirrada cusub ee Dowladda oo maanta ka dhacaysa Baydhabo Posted to the Web Feb 08, 07:16 Baydhabo (PP) – Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay lagu qabto xaflad lagu dhaarinayo wasiirada cusub ee Ra’iisul wasaare Geeddi uu magacaabay habeen hore. Wasiirrada la dhaarinayo ayaa waxay isugu jiraan kuwo isku shaandheyn lagu sameeyay xilalkii ay hayeen iyo kuwo cusub oo lagu soo daray golaha wasiirrada, balse aan horay uga mid ahayn golaha wasiirrada. Xafladda lagu dhaarinayo wasiirradaan ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi, Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe iyo xubno kale oo fara badan. Wasiirrada la isku shaandheeyay jagooyinkoooda iyo kuwa cusub ee lagu soo daray golaha wasiirrada ayaa waxay kala yihiin magacyadooda sidan: Wasiirka Arrimaha Gudaha, Maxamed Maxamud Guuleed Gacmadheere. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Eng. Xuseen Max’ed Ceydiid. Wasiirka Hiddaha iyo tacliinta sare, Salim Caliyow Ibroow Wasiirka Warfaafinta, Madoobe Nuunow Maxamed Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Cali Axmed Jaamac Jangali Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) Wasiirka Macdanta iyo Biyah,a Maxamed Nuuraani Bakar Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka, Xasan Dhinbil Warsame Wasiirradda Caafimaadka, Qamar Aadan Cali Wasiirka Dib u dhiska C/raxmaan Jaamac Marka xafladda dhaarta ah ay dhammaato kadib ayaa waxaa xafaladda ka hadli doona Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul wasaarihiisa Prof. Cali Maxamed Geeddi oo hadal dardaaran ah u jeedin doona xubnaha wasiirrada ah ee cusub. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: jantiile@puntlandpost.com Quote Share this post Link to post Share on other sites