Sign in to follow this  
General Duke

National forces kill capture foreign fighters: [no more safe haven]

Recommended Posts

Muqdisho: DFKMGS oo ku dhawaaqday in dad udhashey Dalalka Pakistaan & Ciraaq gacanteeda ay ku jiraan qaarna ay toogteen ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

21. juli 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Dawladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dagaalo ka dhacay gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ay ku dishey xubno Ajaaniib ah kuwasoo ka soo horjeeday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,waxa ayna dawladdu sheegtay in ay qaaday talaabooyin ay dadkaasi kula dagaalameyso.

 

Sarkaal Sarre oo ka tirsan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay qabteen dad gaaraya 2 qof oo ah kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya oo aan udhalan dalka Soomaaliya ,kuwasoo ka soo jeeda dalalka Ciraaq & Pakistaan ,ayna doonayaan in ay Sharciga mariyaan.

 

Sarkaalkan wuxuu sidoo kale sheegay in toogteen qaar kale oo ka mid ah ahaa Kooxaha ka soo horjeeda dawladda faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo sheegay in ay ka barbardagaalamayeen Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya.

 

"Waxaanu qabaneyo oo heynaa Kooxo ka soo horjeeday Horumarka & Nabadda Soomaaliya ,markaasna ka barbardagaalameyey Kooxaha naga soo horjeeda ,hadana waxaan dooneynaa in aan Sharciga horkeeno" Ayuu yiri Sarkaalkan oo la hadlayay AllPuntland.

 

Dagaalo mudo badan ka socdey qeybo ka mid ah gobalka Shabeelada Hoose ayaa lasheegay in ay noqdeen kuwa ay ku jabeen Mucaaradka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ,gaar ahaan Ururka Al-Shabaab oo lasheegay in ay sheegteen Masuuliyada dagaaladaasi.

 

Sarkaalkan ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in dhinacooda uu soo gaaray khasaare ,isagoo sheegay in ay dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah Ciidamadooda ,wuxuuna beeniyey in ciidamadan oo baabuur saaran weerar lugu qaaday ,isagoo sheegay in aysan ciidamadu saarneyn Baabuur oo ay lugeynayeen.

 

Warar Madax banaan kana Madax banaan dhinacyada dagaalameyey ayaa sheegaya in ay ciidamada dawladda Soomaaliya markii horeba udiyaarsanayeen weeraro kaga yimaada Kooxaha ka soo horjeeda ayna umuuqdeen kuwa meesha ku ogaa kooxahan ayna dagaal sidaasi ku galeen.

 

Kooxda Al-Shabaab waxa ay sheegteen in Khasaare soo gaaray ,waxa ayna sheegeen in dadka Ajaaniibta ee lajooga aysan aheyn kuwa Shisheeye ee ay yihiin kuwa Walaalahooda dagaalkana kula jira ,balse hadalkaasi wuxuu ka hor imaanayaa hadalo ay horey ujeediyeen Madax ka tirsanaa Ururkaasi.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ajnebi ku dhintay dagaal

21 Jul 21, 2008 - 9:24:10 AM

 

Dagaal qaraar oo ciidamo huwan ah [Kuwa Ethiopia iyo kuwa Somalia] iyo kooxaha ka horjeeda ku dhexmaray inta u dhexeysa deegaanada Leego iyo Yaaq-bari-weyne ayaa sababay dhimashada 15-ruux oo ay ku jiraan laba ajnabi ah.

 

Dirirta dhexmartay huwanta iyo kooxda Al-shabaab ayaa ahaa mid ku bilowday si kadis ah maqribnimadii xalay [July 20, 2008], iyadoo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan; iyadoo ay ku dhaawacmeen ciidamo badan oo labada dhinac ah.

 

Goobjoogaal ku sugan deegaanada lagu diriray ayaa u xaqiijiyay Garowe Online inay arkeen maydadka sadex ka tirsan ciidamada huwanta iyo ku dhawaad 10-ka tirsan dagaalyahanada Al-shabaab.

 

Ilaha warkaan aan ka helay oo diiday inaan magacyadooda xusno ayaa sidoo kale sheegay inay ku dhinteen dagaalkaas laba qof oo rayid ah kuwaasoo rasaasta duulaysay ay ugu tagtay meelihii ay ku sugnaayeen.

 

Col. Daahir Max'ed Xirsi oo ah taliyaha ciidamada la weeraray oo sheegay inuu ku sugnaa halka uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay inay dileen 12-ruux oo ka tirsan kooxda Al-shabaab ee ay dagaalka la galeen, isagoo sheegay inay dhankooda gaartay khasaaraha laba askari oo ka dhaawacmay.

 

"Dagaalku wuxuu mid ku dhacay si lama filaan ah, waxaana kooxdii dagaalka nala gashay aan ka dilnay 12-qof, oo ay laba ka mid ah yihiin Ajnabi u kala dhashay dalalka Iraq iyo Pakistan" ayuu yiri Col. Xirsi oo saxaafadda ka codsaday inay tagaan goobtga uu dagaalku ka dhacay ayna arkaan waxa ay sheegayaan.

 

Afhayeenka Urur diimeedka Al-shabaab Mukhtaar Roobow Cali [Abu-Mansur] oo isaguna ka hadlay dagaalkii xalay ayaa sheegay inay dhankooda kaga dhinteen 3-qof ayna kaga dhaawacmeen sadex kale, balse ay dhanka kale gaarsiiyeen khasaare badan.

 

Abu-Mansur oo wax laga weydiiyay in lagu dilay dagaalka dad ajnabi ah oo dhankooda kasoo jeeday ayaa sheegay inay taasi been tahay, wuxuuse hadalkiisa raaciyay inay jiraan rag shisheeye ah oo ka barbar dagaalama xoogagooda.

 

"Ciidamada aan la dagaalanay waxay ahaayeen kuwo lagu soo tababaray dalka Ethiopia, waxaana loo wadaa inay bililiqeystaan Bakaaraha, mana rajeynayo inay tagi doonaan ilaa wax yar mooyee" ayuu mar kale yiri Abu-Mansor, oo intaas raaciyay, dagaal kale ay la geli doonaan ciidamada huwanta ah.

 

Deegaanadii lagu dagaalamay ayaa xasiloon, iyadoo ciidamadii huwanta ay ku sugan yihiin halkii dagaalku ka bilowday sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan deegaanada ay dirirtu ka dhacday.

 

Shacabka deegaanadaas oo qaxayay ayaa waxay sheegeen inay arkeen diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda, dul heehaabayana halkii uu dagaalku ka dhacay, kuwaasoo ay garan waayeen.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

the amxaaro invading foces are the only problems, the the few rag tag millitia that work for ina yey are irrelivant and wouldnt last fews days if their masters left.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer you are secsionist your problem is coming soon. Thus spare us the talk.

 

As for Abu Burcawiis and any other clown found in the south will be executed just like these ones.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ururka Al-Shabaab oo qiray in xoogagooda ay ka barbar dagaalamaan Ajaaniib “Warbixin Kooban”

21. Juli 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)-Ururka Al-Shabaab oo dagaalo xoogan kula jiro ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay qirtay in ay jiraan Ajaaniib ka barbar dagaalanta xoogaga ururkaasi.

 

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sh. Muqtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa xaqiijiyay iney jiraan xubno ajaaniib ah oo ka barbar dagaalama dhinacooda kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin Islaam ka dhiidhiyay wax uu ku sheegay caddowga ku soo duulay dalka Soomaaliya.

 

Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya xili Dowladda Federaalka KMG ay shaacisay in ay gacanta ku dhigeen xubno ajaaniib ah oo u kala dhashay dalalka Ciraaq iyo Pakistaan, kuwaasi oo lagu qabtay dagaal shalay galab ku dhex maray Dowladda iyo Al-Shabaab inta u dhaxeyso Leego iyo Yaaq Bari Weyne ee gobolka Sh.Hoose.

 

Sidoo kale ay jiraan labo xubnood oo shalay dagaalkaasi looga dilay garabka Al-Shabaab kuwaasi oo iyagana u kala dhashay dalalka Pakistaan iyo Ciraaq halka labo kale oo dalalkaasi u dhashayna gacanta lagu dhigay sida uu caddeeyay Taliyaha ciidamadii la weeraray Col. Daahir Maxamed Xersi.

 

Col. Daahir Maxamed Xersi ayaa sidoo kale sheegay in weerarkii shalay ay kaga dileen kooxihii weerarka soo qaaday 12 qof tiro kalena ay ka dhaawacaan, wallow uu arintaasi beeniyay Abuu Mansuur oo sheegay in dagaalkaasi ay kaga dhinteen sadax qof iyo sadax kale oo dhaawac ah.

 

Sidoo kale dagaal 17-kii bishan ka dhacay degmada Yaaqshiid gaar ahaan Isgoyska Towfiiq ayaa waxaa lagu dilay xubin ajnabi ah oo ka barbar dagaalamayey kooxihii weerarka soo qaaday sida uu Saxaafadda u sheegay Taliyaha Guutada 5-aad ee ciidamada Dowladda KMG oo la yiraahdo Col. Cali Caraaye kuna magac dheer Gacma Dulle.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee dagaalada ka socda Koonfurta dalka Soomaaliya lagu dilo xubno Ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamaya kooxaha ka soo horjeeda Dowladda iyadoo xubnaha Ajaaniibta ah ee soo gelaya dalka Soomaaliya qubaro caalami ah ay sheegeen in ay dalka ku soo galaan qaab Tabliiq, waxaana la ogsoon yahay in dowladdii Carta lagu soo dhisay xiligii ay ku sugneyd Muqdisho uu dalka Soomaaliya soo gaaray xubin sare oo warqad qoraal ah ka waday Wasaaradda Warfaafinta ee xukuumadii Afghanistan ka hor inta aan la burburin, kaasoo qaab Tabliiq ahaan ku soo galay Soomaaliya.

 

C.M.Cali

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this