Sign in to follow this  
Dhubad.

Maleeshiyaadka C/laahi Yuusuf oo dilay Ganacsade caan ah

Recommended Posts

Dhubad.   

Baydhabo - 21 June. 06 ( Sh.M.Network) Maleeshiyaad ay isku heyb yihiin Madaxweynaha Somalia C.laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay si ula kac ah ugu dilay magaalada Baydhabo nin ganacsade ah oo u dhashay gobolka Baay.

 

Ninkaan oo lagu magacaabi jirey Bashiir Boonoow ayaa xalay kooxo maleeshiyo ah waxa ay ku toogteen halka lagu magacaabo Bakiin oo ah duleedka magaalada Baydhabo.

 

Kooxaha dilka geeystay ayaa waxa ay ahaayeen ciidamo daacad u ah Madaxweynaha Somalia, kuwaasi oo mudooyinkii ugu dambeysay fariisin u aheyd goobtaasi, lama garanayo sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka Marxuum Bashiir oo ah nin ganacsade ah, isla markaana si weyn looga yaqaano gudaha magaalada Baydhabo.

 

Laakiin warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Marxuumka, kuwaasi oo sheegaya in lagu balamiyay goobta lagu dilay oo aheyd duleedka magaalada halka warar kalena ay tilmaamayaan in halkaasi uu u tagay rag ay ku balansanaayeen in uu ka soo iibsado qori AK47 ah, waxaana laga qaatay lacagihii uu sitay.

 

Ma ahan markii ugu horeysay ee Maleeshiyaadka Reer Puntland ay dil ka geeystaan halkaasi, iyadoo horaantii sanadkaan ay aheyd markii ganacsade Reer D&M ah ay ku dileen degmada Waajid ee gobolka Bakool.

 

Max'ed Cadaawe

 

Shabelle Media Network, Baydhabo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

^Sxb I think there's enough lynching going around here already. My understanding is Shabelle is not able to report from Baidoa anymore; any more sources?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Well they still have reporters in Biadao and the telephone service is functioning OK so it is not difficult to report from Biadao

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Any crime of such magnitude must be punished, however it is a worse crime when pure lies are made up. Shabbele has been a consistant provoker of conflict between the populace of the region and the local troops.

 

It was a lie when they reported that 300 Ethiopian troops entered Baidoa, who knows this is not another figment of their imagination?

 

Dhubad I wonder why you attack Puntlandpost and defend Shabbele news???????

 

If it is true we will have more info in the coming days.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Alle-ubaahne:

^Where did you get that before you start to question the validity of Shabelle News?

Sxb, there is only one difference between the Duke you accuse tribalism of and yourself. Duke diinta iskuma qariyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Here is the more info. Another killings of innocent civilians by the Puntland Militia. The following report also confims the news repoted by the Shabelle yesterday.

 

 

Baydhabo (Baidoa.com)-Qaar ka mid ah ciidamada ku jira Dugsiga tababarka ciidamada oo ku yaalla Manaas oo 25KM dhinaca galbeed kaga beegan Baydhabo oo qayb ka ah ciidamada loo ururinayo dawlada federaalka ayaa xalay ku dilay laba qof oo rayid ah, laba kalan ku dhaawacay Tuulada Manaas. Labada qof ee la dilay oo ay mid tahay haween ayaa waxaa la dilay ka dib markii gaari ay saarnaayeen oo ku sii jeeday Degmada Diinsoor ee gobolka Baay ay ku istaajiyeen ciidamadan bar koontorool u taalay jidka hor mara afaafka hore ee Dugsiga tababarka ciidamada ee Manaas.

 

Markii ay ciidamadan fatasheen (baareen) baabuurka ka dib oo uu baabuurki dhaqaaqay ayaa mid ka mid ciidamadan wuxuu rasaas ooda uga qaaday baabuurkan ay la socdeen rakaabka rayidka ee ku sii jeeday degmada Diinsoor.

 

IIaa iyo hadda ma cadda sababta rasaasta loo huwiyayay baabuurka, hase yeeshee ciidamada sababay dilka iyo dhawaaca ee qaybta ka ciidamada loo ururinayo dawlada federaalk oo markoodii hore laga soo ururiyay gobollada maamul goboleedka Puntland ee ku jira Dugsiga tababarka ciidamada ee Manaas ayaa labadii qof ee ay dileen iyo labadii ay dhaawaceen waxay ku soo qaadeen baabuur ay leeyihiin ciidamadan waxayna keeneen Baydhabo sii loo daweeyo.

 

 

 

Sidoo kale maalin ka hor ayaa waxaa wadadda Muqdishu aada marka laga baxayo Baydhabo ee Maanyafuulka lagu dilay nin la oran jiray Bashiir Maxamed "Boonow" oo ka soo jeeda beesha Hadamo, waxaana dilay ciidamo laga soo ururiyay gobollada maamul goboleedka Puntland oo qayb ka ah ciidamada loo ururinayo dawlada federaalka oo ku xaraysnaa xeroooyin ku yaalla Waajid, Bakool oo soo gaaray Baydhabo June 10, 2006 si ay u xoojiyaan ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada Baydhabo.

 

Ninkan ayaa la dilay ka dib markii ay qaar ka mid ah ciidamadan oo rabay in ay ka goostaan (ka baxsadaan) ciidamada ay kula heshiiyeen marxuumka in ay ka iibinayaan hub waxaana markii uu yimid goobtii lagu ballaamay asagoo sida lacagtii uu ku iibsan lahaa hubka lagu furay rasaas.

 

 

Taliyaasha ciidamadan ayaa ballanqaaday in ay dabagal iyo baaritaan ku samayn doonaan dhacdooyinkan, tallaabana ay ka qaadi doonaan kuwa gaystay falalkan.

 

 

 

500 askari oo ah ciidamo Booliis ayaa hataan loo tababarayaa sugidda amniga gobolka Baay oo markii uu tababarka u dhamaado la wareegi doona amniga gobolka Baay. Inta ka horraysana waxaa la isku raacay in ciidamo si toos ah uga amar qaata madaxwayne Cabdulaahi Yuusuf la dejiyo baraha kala ah: wadadda Muqdishu aada ee Maanyafuulka, Tuulada Ceeldoon oo ku aadan Waqooyiga magaalada Baydhabo iyo gegida dayuuradaha ee magaalada Baydhabo. Go'aankan ayaa la gaaray ka dib kulamo isdabajoog ahaa oo ay yeesheen xildhibaanada iyo wasiirada ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle oo lagu go'aamiyay in inta laga dhisayo ciidamada maamulka gobolka Baay oo la wareegaya guud ahaan ammaanka gobolka loo ogolaado ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada Baydhabo in ay difaacooda adkaystaan maadaama maleeshiyaadka beelaha deeganka oo aad u hubaysan ay falal weerar ah oo la mid ah kuwo horay u dhacay ay u gaysan karaan ciidamada xaruntoodu tahay guriga madaxtooyada Baydhabo.

 

 

Abshir Maxamed Nuur "Mandela"

 

Baydhabo

 

mandela@baidoa.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Also From your favourite website:

 

BAYDHABO: 3-qof ayaa ku dhintay ugu yaraan 4-ruux oo kale way ku dhaawacmeen shil ka dhacay Baydhabo

Posted to the Web Jun 22, 15:46

 

Baydhabo (PP) - Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay 4-ruux oo kalena waxaa ka soo gaaray dhaawacyo kala duwan kaddib markii gaari xamuul ah oo ka baxay Magaalada Baydhabo ay xalay oo laga shakiyay rasaas lala beegsaday.

 

Gaarigaan oo ahaa gaari xamuul ah oo ka baxay xalay fiidnimadii magaalada Baydhabo kuna sii jeeday tuulada Iidaale oo ka mid ah Gobolka Bay ayaa waxay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ku joojiyeen koontarool u yaalla agagaarka xerada ciidammada ee Manaas halkaasoo lagu baarayay, waxaana taasi ay keentay in gaariga markii baaritaanka uu u dhamaaday ay xabbad ka fakatay mid ka mid ah ciidammadii wax baarayay dabadeedna ay rasaas xoogga ku fureen gaariga koox kale oo ciidammo ah oo ku sugan goob aan iyaga ka fogeyn.

 

Wararka ka soo baxaya dhanka Dowladda ayaa sheegaya in ciidammada gaariga la beegsaday rasaasta ay ka shakiyeen xabbadda dhacday iyagoo u qaatay in gaariga ay wataan kooxo hubeysan, ayna doonayaan inay qalqal geliyaan koontaroolka iyo xerada ciidammada.

 

Dadkii dhintay ayaa saakay la keenay gudaha Magaalada Baydhabo iyadoo sidoo kalena dadkii dhaawacmay lagu daweynayo hadda isbitaalka Magaalada Baydhabo, waxaana dadweynaha Degmada Baydhabo ay saakay isla dhex marayeen dhacdadaas iyo sida ay ku dhacday.

 

Dadweynaha ayaa kala fikrado duwanaa iyadoo qaar ka mid ah ay eedda dusha ka saarayeen ciidammada dowladda oo ay ku eedeeyeen inaysan waxba hubsan oo ay rasaasta iska fureen, halka kuwo kale ay leeyihiin waxaa khaladka oo dhan lahaa askarigii ay xabbadda ka fakatay.

 

Gaarigii iyo rakaabkiisii ayaa lagu soo celiyay gudaha Magaalada Baydhabo halkaasoo uu hadda ku sugan yahay, waxaana la sheegay in dadkii dhintay lagu aasay galabta gudaha magaalada Baydhabo.

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by HornAfrique:

quote:Originally posted by Alle-ubaahne:

^Where did you get that before you start to question the validity of Shabelle News?

Sxb, there is only one difference between the Duke you accuse tribalism of and yourself. Duke
diinta
iskuma qariyo.
Don't even try to lie in public, son!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhubad, thanks for the research, still based on Shabbele news clan outlet, and the supposed report of the causes of a vehicle accident.

 

I have said above, any action illegal from any quarter must be condemend. If "Puntland millitia" as your Shabble post alleges are killing people in Bay wantonly, they must be brough to justice. If they killed innocent civilians they must be killed, thats justice.

 

If and this is hypotheticle IF, their presence in the area creates unnecessary tension then they must and will be taken out. Let me make it clear the aim of Shabbele and et al, is to blame a single clan for, however Puntland has no designs on Bay and Bakool....

 

Thats my position....

 

Ubahane,

Now what is yours on Inda Cade and his occupation, any time table for when our clan courts will deal with this terrible justice?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Originally posted by General Duke:

^^^

 

Dhubad I wonder why you attack Puntlandpost and defend Shabbele news???????

 

Sxb, Shabelle news alwayz back up their reportings either by adding pictures or audio with it. While Puntlandpost and Dayniile have nothing to back up their news except their favourite words "Warkaan oo aan ka soo xiganay ilow muhiim ah" therefore, that is why the two websites are different.

 

I have nothing against puntland websites as you making me to be.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I have nothing against puntland websites as you making me to be

No need to back track, you attacke me for posting news material from Puntland new outlets.

Puntlandpost is a reputable website and it is unfair to compare it to Shabbele, let alne Dayniile.com..

 

As for the claim that Shabbele backs things up with pictures absolute garbage, what pictures did they back up with the lies about Ethiopian troops in Baidoa? None, theirs is a news dedicated to covering up the actions of Indaca Cade. Cirfo and Co and then attacking the legitimate Somali authority. Its absured they attck Ethiopia while ignoring Somali crimes against humanity...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this