Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: National security forces continue crackdown

Recommended Posts

Muqdisho: Ciidamada dowladda oo saakay howlgalo ka wada qeybo ka tirsan Muqdisho

29. September 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa saakay howlgalo xoogan ay ka wadaan ciidamo ka tirsan dowladda KMG kuwaasi oo baaritaano xoogan ka fulinaya xaafadaha degmada Hodan oo xalay weeraro hubeysan ay ka dhaceen.

 

Waxaa xeran wadada dheer ee jidka wadnaha halkaasi oo loo diiday in ay maraan gaadiidka, waxayna gaadiidkii istimaali jiray wadada wadnaha ay saakay isticmaalayeen xaafadaha dhexdooda.

 

Wadada wadnaha ayaa laga xeray agagaarka warshadii hore ee Coca Cola iyo Tarabuunka iyadoo dhinaca Shiirkole ay sidoo kale ciidamada howlgal xoogan ay ka wadaan.

 

Howlgaladan ayaa yimid kadib markii xalay weeraro qorsheysan lagu soo qaaday fariisamaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo weeraradaasi ay ahaayeen kuwo xooganaa oo khasaaro labada dhinac ka soo gaaray.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda KMG ah oo howlgalo ka wada qaar ka mid wadooyinka Muqdisho.

 

Mogadishu ,29, September 2007 (HornAfrik Media)

 

Waxaa saaka xiran isku socodka dadka iyo gaadiidka qeybo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho iyadoo arrintaana ay saameyn wayn ku yeelatay howl maalmeedkii dadkaasi.

 

Wadooyinka saaka xiran ayaa waxaa ka mid ah wadada wadnaha wadada tarabuunka iyo black sea.

 

Qaar ka mid ah wadooyinkaasi ayaa waxaa lagu arkayay Ciidamo katirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya kuwaas oo baaritaano ka samaynaya xaafadaha deegaanadii xalay ay iska horimaadyadu ka dhaceen.

 

Gaadiidka BL ah ee ka shaqayn jiray wadooyinkaasi ayaa waxaa ay saka isticmaalayeen dhabayaal qarjajeex ah.

 

Wadada wadnaha ayaa waxaa ay ka xirantahay agagaarka tarabuunka iyo warshadii hore ee Coa-Colla.

 

Xirnaanasha wadooyinkaani ayaa waxaa ay ka dambeeyeen kadin markii xalay dagaalo abaabulan ay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmada Hodan halkaasi oo fariisimo ku leeyihiin Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa itoobiyaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Wadooyinka qaar oo saaka u xiran ciidamada dowladda KMG ah.

 

Muqdisho, Sabti, 29 Septemper - 2007 [Radio Simba]

 

Waxaa maanta xiran qeybo ka tirsan wadooyinka magaalada Muqdisho, oo qaarkoodba hore u xirnaa, ka dib dagaaladii xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada dowladda KMG ah ee Somalia ayaa saaka gabi ahaanba hakad galiyay dhaq dhaqaaqii Gaadiidka iyo dad weynaha ee wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, halkaasoo dad weynaha ay u diideen in ay wadadaasi isticmaalaan.

 

Gawaaridii ka shaqeyn jirta wadada ayaan gabi ahaanba saaka lagu arkeynin, wadaasi Wadnaha, hasa ahaatee taa badalkeeda ayaa waxaa la arkayaa Gawaaridan Bl-ka oo soo maraya wadooyin qardo jeex ah.

 

Arrimahan ayaa waxaa ay kusoo beegmayaan, xilli habeenimadii xalay dagaal qaraar uu ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaa oo dhex maray Ciidamada dowladda KMG ah iyo kooxo aad u hubeysan oo kasoo horjeeda ciidamada, sida ay kusoo warameen dadka deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ku xigeenka afhayeenka booliska oo sheegay in weerarkii xalay qaran diidku ku qaaden saldhigga Hodon ay laba askari ku dhaawacmeen qarandiidkana 2 looga qabsaday.

 

Kaaliyaha afhayeenka booliska Soomaaliyeed Gaashaanle C/llaahi Cumar Ibraahim (Shac Shac) ayaa faafaahin dheeraada ka bixiyay khasaaraha ciidanka qaranka kasoo gaaray weerar xalay ay kooxaha qaran-diidku ku qaadeen saldhigga Booliska ee degmada Hodon.

 

“Weerarkaasi waxaa uu ahaa mid fulaynimo oo ay kooxaha argagixisadu soo qaadeen waxaana dhanka ciidanka khasaaraha soo gaaray uu dhan yahay laba askari oo dhaawac ah “ayuu yiri ku xigaha afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Shac Shac oo saaka saxaafda la hadlay.

 

Masuulkan sare oo u hadlay booliska Soomaliyeed waxa uu sheegay in ciidamo gurmad ah oo yimid ay duib u xureeyeen saldhigga oo markii hore xillila afurayay ay qaran diidku soo weerareen gacantana ku dhigeen.

 

Ciidamada ayaa saldhigga dib ula wareegay abaara 11-kii habeenimo ee xalay,waxana xilligaa ay ku dileen dhowr ka trisan qaran diidayaaha,halka laba kalana ay gacanta ku dhigeen kuwaasi oo midkood uu dhaawc qabay halka kan kalana isagoo bed qaba gacanta lagu dhigay.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada qaranka oo baaritaano ko ka wada qeybo ka mida degmooyinka Hodon,Howl wadaag iyo Yaaqshiid.

 

Ciidamada qaranka ayaa saaka waxaa ay bilaabeen baaritaanno ay ku sameynayaan xaafado ku teedsan wadooyinka warshadaha,tiribuunka,wadnaha iyo xaafado kale,iyadoo ujeedaduna ay tahay in lasoo qab qabto qran-diidyada wali ku dhuumaaleysanaya xaafadahasi.

 

Waxaa xiran qeybo ka mida wadada wadnaha sida inta u dhexeysa Isgoyska Tribuunka ilaa iyo Howl wadaag,sidoo kalana waxaa xiran wadada isku xirta Tribuunka ilaa iyo warshadda caanaha,iyadoo ay ciidankuna xaafadaha wadooyinkaa u dhexeeya ka wadaan baaritaano xooggan.

 

 

Sidoo kale wadada warshadaha xaafadaha ku teedsada ee ka kala tirsan Gubta iyo yaaqshiid ayay ciidanka qaranku ka wadaan baaritaanno ay guryaha mid mid ugu galayaan.

 

Warar laga helay dadka dagan xaafdaha ay ciidanku howlgalada baaritaanada ah ka wadaan ayaa sheegaya in ciidmadu ay sooheleen noocyo kala duwan oo hub ah islamarkaana ay gacanta ku dhigeen maliishiyooyin farabadan.

 

Degmada Hodon gaar ahana xafadaha ku teedsan masajidka Sh cali suufi oo ka mid ah fariisimada qarandiidka ayaa waxaa saaka laga qab qabtay in ka badan 60 ruux ,kuwaasoo 20-meeyo ka mida lasii daayay kaddib markii tuhunkii loosoo qab qabtay uumeesha ka baxay,iyadoo kuwii kalana xabsiyada lagu hayo oo baaritaano ay ku soconayaan.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Boolis-ka Dowladda KMG oo maanta xer xeray qaar ka tirsan Dhalinyarada Degan Xaafadda Hodo

Written by Xassan Bile User Rating: / 0

 

Ciidamo Boolis ah oo aad u careysan ayaa iminka waxa ay ka wadaan xaafadaha degmada Hodon howlgallo qab qabasho ah oo ay ku qabanayaan dhamaan dhalinayarada deegaankaasi xili halkaasi ay dadkii isaga baxeen.

 

Haweeney kamid ah dadka deegaankasi ayaa sheegtay in Ciidamada dawladda ay halkaasi ka wateen wixii rag ahaa hadii ay ahaan lahaayeen dhalinyaro iyo hadii ay ahaan lahayeen dad waa weyn.

 

Ciidamada Booliska ayaa jirdil u geysanaya dadka ay qab qabanayan iyagoona ku eedeynaya in ay ka qeyb qaateen weerarkii xalay lagu qabsaday saldhigooda isla markaana looga dilay askar kala duwan.

 

Waxaaa iminka deegaanka Hodon ka taagan xaalad argagax iyo cabsi lasoo gudboonaatay haweenka iyo Caruurta iyadoona dhalinyaradii badankooda ay saakaba isaga carareen deegaankaasi.

 

Ciidamada Booliska ayaa baaraya kooxihii ka danbeeyay weerar ba'an oo xalay lagu qabsaday saldhiga Booliska Hodon isla markaana dab lagu qabad siiyay,waxaana sidoo kale halkaasi ka dhashay khasaare nafeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dawlada oo maata baaritaano xooggan ka wada gohii xalay dagaaladu ka dhaceen.

 

 

Muqdisho (WNT)-Baaritaano xooggan ayaa ka socda goobihii xalay ay ka dhaceen weerarada lala beegsaday xeyaha ciidamada dawlada FS iyo kuwa Ethiopian-ka.

Saakay ayaa lagu waabariistay wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho oo ka mid ahayd waddooyinka u mashquulka badan magaalada Muqdisho oo xiran, iyadoo gebi ahaanba loo diiday in gaadiidku maraan, waxaana gaadiidka dad weynu qarda jeexayeen xaafadaha dhexdooda.

 

Wadada oo laga xiray dhinaca Cocola iyo Shiirkole ayaa waxaa gudaha xaafadaha waxaa ka socda baaritaano aad u xooggan iyadoon weli la ogayn waxaa ciidamadu halkaas ka soo qabteen iyo waxay kala kulmeen toona.

 

Aritaan ayaa ka danbayso weeraro xooggan oo xalay lagu qaaday qaybo ka mid ah xerayaha ciidamada iyo weliba saldhiga degmada Hodan oo isaga mudo gaaban ay la wareegeen kooxaha weerarka soo qaaday ayna ka sii daayeen maxaabiis halkaas ku xirayd.

 

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyey ayaa waxaa ka socda weeraro ka horumarsan kuwii horay loo soo qaadi jiray, waxaana weeraradani keeneen in laga qaxo magaalada Muqdisho qaybo ka mid ah iyadoo dadku ka cabsi qabaan in halkaas dagaal weyni ka dilaaco.

 

Xarunta wararka Waayaha.net

 

editor@waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this