Sign in to follow this  
Liibaan

Kalluun OO Hargeysa Soo Gaadhay iyo Siyaasiyiin Somaliweyn Ah OO Ku Soo Qul-qulaya

Recommended Posts

Liibaan   

400_F_9856170_0aZvutfVwHttFnnndXCQvGnjrN

 

 

Kalluun OO Hargeysa Soo Gaadhay iyo Siyaasiyiin Somaliweyn Ah OO Ku Soo Qul-qulaya

 

 

Waxa la sheegay isaga iyo xubno kale inay Madaxweyne Siilaanyo kula kulmeen Jabuuti

 

Hargeysa (Waaheen) Cismaan Jaamac “Kalluun” oo ka mid siyaasiyiinta reer Somaliland ee Aaminsan Mabda’a Somaliweyn ayaa shalay si rasmi ah uga soo degay madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport.

 

Imaansha Cismaan Kaluun waxa Waaheen u xaqiijiyay mid ka mid ah dadkii ku soo dhaweeyay madaarka oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay, waxaanu sheegay inuu ka soo Duulay Dalka Jabuuti oo uu maalmihii u danbaysay ku sugnaa.

 

Ilaa hada ma cada qaabka uu ku yimi siyaasigan reer Somaliland ee Aaminsan Mabda’ii jiritaanka Dawladii burburtay ee Somaliya, inkasta oo uu dhawr jeer oo hore Dalka soo galay isagoo fikradaas Aaminsan oo aan wax talaabo ah oo laga qaadayna aanay jirin.

 

Hase yeeshee warar aanu ka helnay ilo u dhuun daloola Cismaan Kaluun Safarkiisa ayaa xaqiijiyay in isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo ay ku kulmeen Dalka jabuuti markii uu Madaxweyne Siilaanyo booqashada ku joogay Dalkaas, kulankaasoo aan wax faahfaahin ah laga helin ujeedadiisa.

 

Balse waxa malmahanba hadaal hayntoodu Suuqa ku jirtay inay Imanayaan Rag badan oo waaweyn oo Siyaasiyiin ah oo Aaminsan Aragatida Cismaan Kaluun kuwaasoo ay dadweynuhu wax badan iska weydiinayeen waxa xiligan ay Dalka u imanayaan iyagoon ilaa hada la ogayn inay ka noqdeen Mabda’oogii iyo inay Ogolaansho soo weydiisteen Xukuumada talada haysa.

 

Waxaanay u muuqataa hadii aan la haynin wax qoraal ah ama cadaymo kale oo muujinaya inay ka noqdeen fikirkoodii inay meel ka dhac ku tahay arankan inay Dalka iska soo galaan niman u dhashay balse ka soo horjeeda kuwaasoo ay Golayaasha Qaranku ka soo saareen Go’aamo sharci ah oo talaabo ka qaadaya xisaanadooda sida lagu qaaday kuwo la mid ah oo Dalka iska soo galay oo xabsiga loo taxaabay.

 

Si kastaba ha ahaatee waxa uu Cismaan Kalluun xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladihii ma dhalayska ahaa ee ay beesha caalamku u dhistay Koonfurta Somaliya kuwaasoo uu ka soo qabtay ilaa heer Raysal wasaaranimo, imaanshihiisa Somalilandna’ wakhtigan waxa ay Abuuraysaa Culays Siyaasadeed oo hor leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

“Ismaaciil Buubaa, Jaamac Yare Iyo Cismaan Kaluun” Ku Soo Dhawaada Dalkiine Hooyo Hargeysa Soomaaliya

 

Harowo.com

 

Waxaan dadweyneha Sl ka codsanayaa inaay ku dedaalan siday usoo dhaweeyn lahayeen una ducayn lahayeen in siyaasiinta reer Slna miisanka culusa kuleh maslaxa siyaasada Somaliya iyo addunka intiisa kaleba.

 

Hadaba, nasiib darro mudoo dheer kasoo horjeeda nabadgelyada horumarka’ dimoqraadiyada dadkoda iyo dalkooda hoyo isla markaasna A,amiinsan fikrada Somaliweyn ama (Federalism) raggaas oo aanan magaacyadooda halkan kusoo koobi karin una badan isku beel ayaan darro.

 

Waxaa ila habboon in nimankaas reer Sl ee Xamar kasoo barakacay imika markaay jagoyiin iyo nabadgelyada toona ka wayeen nabsigii aay galeen dadkooda iyo dalkoodna soo qabtay dannina usoo run sheegtay hadaba in laga yeesho dood qaran oo arrintaas dib loo eego.

 

Anigu waxaan shakhsiyaan ku talin lahaa in loo fidiyo cafis kow marka labaad inaay ka tanasuulan fikrada khaldan aay wadtaan una horseeday magaac xumo iyo dad isga horkeen.

 

Dabcan wa siyaasiinta wada ruug cadaya.

 

Ali Biime

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Casuumad loo fidiyo Cismaan Jaamac Kaluun ha la weydiiyo Saciid Sulub

 

somalidiasporanews.com

 

Waxa todobaadkan booqasho ku tegay Somaliland siyaasiga Cismaan Jaamac Kaluun oo qaba fikirka siyasadeed ee Somaliweyn,kaas oo lidi ku ah qadiyada gooni isu taaga ee mudada labaatanka sanadooda looga dhaqmayay Somaliland.

 

Cismaan Jaamac ayaanay markani aheyn markii u horeeysay ee uu tago Hargeysa,sanadii 2004tii ayaa sidan oo kale loogu baraarugay kiyoo booqanaya Somalilind,in yar ka dibna waxa soo baxday in wasiirkii hore Hawlaha guud ee Somaliland Saciid Sulub uu u u ololeeyay tegida jaamac Kaluun ee Hargeysa.

 

Cismaan Kaluun ayaa xiligaa ka duulay Muqdisho oo uu reysul wasaare ku-xigeena ka ahaa dawladii Carta,Cismaan Kaluun ayaa xiligaa khilaaf ba`ani u dheexeeyay saxiibkiis Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad,isla markaana Cismaan tiraba dhawr jeer aqalka uu Xamar ka deganaa loogu dhacay lagana gurtay hanti wixii yiilay.

 

Cismaan Jaamac ayaa xiligaa Hargeysa booqanayay ku gudo jiray wax uu ugu yeeray “tabliiq”siyaasiya,waxaanu si hoose ergo ugu ururinayay shirkii Nairobi ee ay lagu soo dhisay dawladii madaxweynaha loogu doortay Cabdilaahi Yusuf.

 

Saciid Sulub ayaase waji gebax kala kulmay cafiska uu uga dalbay Cismaan Jaamac madaxweyne Daahir Rayaale oo uu ku qanciyay in Kaluun ka tanaasulay fikirkiisii Somaliweyn ka dib markii Kaluun ku noqdey magaalada London uuna wareysi siiyay Yuusuf Garaad,wareysigaas oo uu ku sheegay in aanu haba yaraatee ka tanaasulin fikirkiisii Somaliweyn uuna Hargeysa u tegay si dib loogu eego khaladaadkii dhaliyay gooni isu taaga Somaliland.

 

Wasiirkii hore ee Hawlaha guud Saciid Sulub ayaa isna dhankiisa saxaafada u sheegay in Cismaan Jaamac ka baxay balantii uu ku helay cafiska.

 

Cismaan Jaamac ayaa ay xiligaasi soo baxdey in uu cafiskiisii siistay fursad wareysi oo uu ka helo iddaacada BBCda si markaa uu cadeeyo in uu daneynayo jagada madaxtinimo ee Soomaaliya.

 

Sida lala wada socdana waxa Cismaan Jaamac ku guul dareystay in uu shirkii Nairobi ka helo taageero ka badan labaatan xildhibaan markuu isku sharaxay Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Xisbiyada siyaasada iyo dadka u kuur gala siyaasada ayaa jaha waree ku soo dhaweeyay booqashadan u danbeysay ee Cismaan Kaluun kutegay Somaliland,xukuumada ayaa qudheeda ku kala qeybsan booqashadan.

 

Xukuumada Somaliland ayaase ilaaiminka aan ka hadal imaaatinka siyaasigan,waxaana soo baxaya in iminka xukuumadu wado talaabooyin ay ugu qancinayaan Cismaan Kaluun in uu dalaka iskiis uga baxo dhawaan,waxaase xaqiiqo ah in Cismaan Kaluun aanu ka tanaasulin fikirkiisa.

 

Suaashuse waxa ay tahay ma la joogaa xiligii Somaliland ay u fasixi laheyd siyaasiyiinta halkaa ka soo jeeda in dadkooda la dhex joogaan afkaarta Somaliweynimo,oo runtii iminka aan wax dhibaato ah oo muuqda an ku heynin qadiyada gooni isutaaga.

 

Waxa si weyn loola socdaa in siyaasiyiin fara badan oo qaba fikir la mida kan Kaluun oo hadana ka dhexmuuqda siyaasada Somaliland oo xittaa hogaamiyay qaar ka mid ah goleyaasha dalaka,hadana wax caqabad ah oo ay ku hayeen qadiyada aaney jirin.

 

Hadii Cismaan Kaluun culeys lagu saaro in uu Somaliland ka baxo waxa ay caqabad ku noqoneysaa siyaasiyiinta kale ee caanka ku ahaa ka soo horjeedka gooni isu taaga Somaliland in ay dhulkooda booqdaan,siyaasiyiinta la tuhunsan yahay in ay damacsan yihiin in ay Somaliland booqdaan waxa ka mid ah Jaamac Maxamed Qaalib,Ismaciil Buubaa,iyo Axmed Ismail Samatar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

http://www.qarannews.com

 

 

Ismaaciil Buubaa oo Ka Hadlay Qorshe Lagu Xoojinayo Midnimada Gobalada Somalia

 

"..Danta Somaliland waxay ku jirtaa inay ummadda Somaliyeed ka mid noqdaan oo weliba Hargeysi noqoto Magaalo-madaxda dalka ama Madaxwaynaha Soomaaliyeed yahay mid ka soo Jeedan Somaliland diyaar baa loo yahay.."

 

"..Saaxiibkay Muuse Biixi Waxaan leeyahay malaha Weli Dagaalkii Maryo-aloolka iyo Fedaraalka ayaan si Fiican uga soo Bixin.."

 

 

 

"..Aad iyo aad baan u soo Dhoweynayaa (Safarka Cismaan Kaluun ku tegay Hargeysa), anniga Laftigaygu waan ku Socdaa.."

 

Md. Ismaaciil Hurre Buubaa

 

 

Hargeysa(Yool)-Siyaasiga weyn ee Caanka ah Md. Ismaaciil Hurre Buubaa, kana mida Xubnaha u dhashay Somaliland, balse aaminsan fikirka Somali-weyn, ayaa gef iyo meel-ka-dhaca ku tilmaamay in Cismaan Jaamac Cali (Kalluun) uu cafis u qaato Hargeysa, isla markaana ku eedeeyay dadka fikirkaa qaba inay yahiin qaar soo faqaya waxyaabo laga soo gudbay.

 

Md. Buubaa oo u waramayay Telefeeshinka HCBTV, ayaa ka waramay arimo badan oo Somaliland ku saabsan, kuwaasoo ay kamid yihiin safarkii Madaxwayne Siilaayo kutagay dalka Jabuuti, heshiiskii ka dhacay deegaanka Widh-Widh, fikirkiisa ku aadan in kooxaha Somaliya shirloogu qabato Gudaha Somaliland iyo in uu ku talo jiro safar uu ku tago Somaliland.

 

Ugu horayn Md. Ismaaciil, waxa uu ka waramay qadiyada ku saabsan madax-banaanida Somaliland iyo sida ay beesha caalamka uga heli karto, isagoo arintaa ka warmayana, waxa uu yidhi: " In lixdankii sidii lay sugu la ahaado iyo inla kala tago waa arin dadka Soomaliyeed u taala, Somaliland Ictiraaf keedu kuma xidhna cid dibadeed ee waa mid iyadu ay gacanteeda ku haysato, waa mid intay Soomaali isugu yeedho ku qancin karto in dantoodu sidaa ku jito, markaa maaha Ictiraaku in dabada laga raadiyo..."

 

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu Md. Buubaa yidhi: "..Runtii dalka Jabuuti waa dal walaalaheen ah oo jaarkeena ah oo maanta dhisan markaa wax yaabaha lagama maar-maanka ah in ay u faa'iidayso Somaliland iyo Soomaalida kaleba waa lagama maar-maan in laga radiyo. Sidaas darteed, anniga waxay ila ahayd Somaliland in ay iyadu ku haboonayd siyaasadeeda oo qeexan inay u bandhito Soomaali iyo Carab-ba inay ka soo baxdo, waxa Dunida la ysku qiimeeyaa waa diblomaasiyda markaa waxa looga baahan yahay Madaxwaynaha Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Dibada inay la yimaadan siyaasad qeexan oo Carab u cuntami karta oo cid walba u cuntami karta..."

 

Sidoo kale, waxa uu Md. Ismaaciil Hurre Buubaa ka hadlay socdaalka uu Somaliland ku joogo siyaasiga ay isku fikirka yihiin ee Cismaan Kalluun, kaasoo uu sheegay in aan xaq loogu lahayn in la weydiiyo cafis uu ku yimaado Soamliland, isla markaana haddii ay jirto cid aragtidaa qabtaa, waxa uu xusay inay yihiin dad doonaya inay dib u soo faqaan dhacdooyin hore oo laga gudbay.

 

"...Aad iyo aad baan u soo dhoweynayaa (Safarka Cismaan Kaluun ku tegay Hargeysa), anniga laftigaygu waan ku socdaa, laakiin hadal dadka qaarkood ka dhawaajiyeen oo ah Cismaan Jaamac muxuu fasax u qaadan waayay, waxa ay ilatahay arin aan meesha qaban. Saaxiibkay Muuse Biixi waxaan leeyahay malaha wali dagaalkii maryo aloolka iyo Fedaraalka ayaan si fiican uga soo bixin, xaq buu u leeyahay inuu tago (Hargeysa Cismaan Kaluun), anniguna xaq baan u leeyahay in aan tago (Somaliland), waxa weeyaan siyaasiyan fikir waad yeelan kartaa, laakiin danta ummada markay noqoto ama taariikh ahaan ama halgan ahaan cid ummadayada nooga wanaagsanyd may jirin, HAA danta Somaliland inay ku jirto in ummadda Somaliyeed ka mid noqdaan oo waliba hoggaamiyaan oo jaanisbaa jira ummadda Soomaliyeed diyaar u wada tahay haddii la doonayo in Hargeysi noqoto Magaalo Madaxda Somaliya diyaar loo yahay, haddii Madaxwaynaha Soomaaliyeed yahay mid ka soo jeedan Somaliland diyaar loo yahay oo haddii shalay Somaliland la duudsiyey maanta laga soo wada noqday, anniga (Ismaaciil Buubaa) waxay il atahay jaanis aad iyo aad u weyn baa jira.." ayuu yidhi Md. Buubaa.

 

Waxa kaloo, Md. Buubaa uu carabka ku dhiftay caga-jugleynta iyo cabudhinta Xukuumada cusub ee Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Saxaafadda madaxabannaan, taasoo uu ku tilmaamay iany tahya mid dumin karta Xukuumada haddii ay ku sii socoto, waxaanu yidhi: "...Walaahi annigu talada aan arintaa uga soo jeedin lahaa Xukuumada cusub waxa weeyaan Saxaafada ninkii cabudhiyaa isagaa is cabudhiyey, haddii la dhibaateeyo Saxaafaddana dawladaas dhibaatadeeda ayaa bilaabamaysa markaa waxaan odhan lahaa haddii ay jirto waa in si weyn wax looga qabtaa. Saxaafadda xorta ahna waxaan odhan lahaa waxa jirta masuuliyada Saxaafadda xorta ah looga baahan yahay oo ay wixii jira ummada u soo bandhigto, waayo wadanka horuumarkiisa qiyaaasta laga qaadanayaa waxay tahay Saxaafadda, fikradaha kala duwan ee wadanka gudihiisa jirta iyadoo si ummada dhisaysa loo wada jeedinayo ay noqoto in Saxaafadda xorta ahi soo bandhigto.."

 

Md. Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka hadlayey hindisihiisa ku aadan inuu damacsan yahay inuu tago Somaliland, waxa uu sheegay inuu ku talo jiro inuu tago Hargeysa, isla markaana aanay jirin wax ka hortaagan oo u diiday inuu tago Somaliland, isagoo arrintaa ka hadlayna waxa uu yidhi: "..Su'aashaa dhawr jeer baa la iweydiiyey HAA waan tegayaa Somaliland, waxaanan tegi doonaa waqtiga hawlaha aan wadaa ii dhamaadaan, iyadoo ay sidaa tahay anniga waxay ila tahya inay meel ka dhaca inay tahay in Cismaan Jaamac la yidhaahdo cafis soo weydiiso, garan mayo cafiska iyo dadkani waxa ay ka hadlayaan, laakiin waxaad moodaa in dadka qaarkii arrimo la soo dhaafay inay ka guuxayaan, kuwaasi-na way dhammaadeen qof Somaliland u dhashay ee imanaya fikirkiisa siyaasadeed xor buu u yahay Somaliland-na cidi igama xigto, cid aan uga baahanay inaan fasax uga qaataa in aan Hargeysa tagana ma jirto.."

 

Ugu danbayntii Md. Buubaa waxa uu aad ugu boogaadiyey Xukuumada cusub gogosha nabadeed ee ay u fidisay dadka ku dhaqan deegaanada bariga, gaar ahaan heshiiskii ka dhacay Widh-widh oo uu ku tilmaamay mid waxtar weyn u leh Somaliland jiritaankeeda.

 

 

 

Yool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Faalo:Xod Xodashada Jabuuti+Shakiga Xag-jirnimo+Xiritaanka Safaarada Itoobia ee Hargeysa=Guusha Ismail Cumar

 

 

rerpotiwepor.jpg

 

 

Waxa intii ka danbeeyay xil la wareegidii xukuumada cusub ee Axmed Siilaanyo soo baxayay shaki soo kala dhexgalay dawlada Itoobia iyo Somaliland kaas oo salka ku haya dhawr sababood oo ay u weyn tahay xubno uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay jagooyin muhiima oo xukuumadiisa tiir dhexaad u ah.

 

Intaa waxa weheliya in dawladaha Itoobia,Jabuuti iyo Masar ay siyaasiyan dagaalkii u dhexeeyay ay u soo rareen Somaliland,waxa iminka muuqda miisaan aaney hore dawlada Jabuuti ugu leheyn siyaasada Somaliland,kaas oo ka dhashay ka dib markii dawlada Itoobia ay isku dayday in ay kor u qaado isticmaalkeeda dekeda Berbera si ay halkaa uga dhoofsato shidaal dhawaan dalkeeda laga soo saari doono,sida lagu xusay warbixin ay dhawaan daabacday Barta Internetka ee Oil Price.com. Dawlada Jabuuti oo kaashaneysa dalka Masar ayaa waxa ay is tustey in sida keliya ee dib loogu mideyn karo Somalia in ay tahay in marka hore la kala dilo dawladaha Somaliland iyo Itoobia taas oo Masar ay is tustay in ay tahay sida keliya ee ay u sii ahaan karto awooda keliya ee Mandaqada ka jirta. Wasiirka arrimaha dibada ee Masar Axmed Abu Geyd ayaa shirkii Africa ee dhawaan ka dhacay Kampala ka cadeeyay sida ay dawladiisa uga go`an tahay dib u mideynta Jamhuuriyadii Somalia dhiig kasta oo ku daata. Dawlada Jabuuti sida ay u xejisan karto suuqeedda Dekedeed waa iyada oo xeebta Somaliyeed ay ahaato mid ka caagan degenaansho,Berbera oo laga dhoofiyo shidaal Itoobia ay leedahay waxa ay ka dhigan tahay tartan ganacsi oo geeska uga furma. Dawlada Itoobia ayaa iminka ilo wareedyo Hargeysa ku sugan noo xaqiijiyeen in Safaaradeedii ilbaabada loo laabay,safiirkiina uuba Adis ku noqdey ka dib markii todobaadyadii la soo dhaafay Madaxweyne Siilaanyo dheg jalaq u siin waayay cabashooyin ka soo yeerayay xukuumada Itoobia. Dawlada Itoobia ayaa walaac ka muujisay xubno ka tirsan xukuumada Madaxweyne Siilaanyo,jebhada SSC iyo dawlada Jabuuti oo kobcineysa fikir Somaliweyn oo hoy looga sameeyo Hargeysa. Jawaaabtii madaxweyne Siilaanyo ee cabashooyinkaasi waxa ay noqdeen in uu faro gelin u arko ka hadalka xukuumadiisa,jabhada SSC oo meleeshiyadeeda la qarameeyo,ciidamada Somaliland oo dib loo doo raro iyo safarka u horeeya ee madaxweynaha oo uu Jabuuti ku tago. Xeeldheereyaal badan oo hore u soo jeediyay in xisbiga Kulmiye uu damac siyaasadeed ee madaxdiisa uu u nugleeyay siyaasiyiin sal fudeyd siyaasadeed dartii ay isa seejiyeen dad badan,taas oo kol walba jawaabta Kulmiyena ay aheyd dalka anaga cid nooga lexajeclo badani ma jirto. Waxa dad badani is weydiin karaan bacdamaa xubnaha tuhunka xag-jirnimo lala beegsanayo ay ahaayeen qaar hore uga tirsanaa Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadiniga Somaliyeed(SNM) ee xiriirka dhaw la lahaa dalka Itoobia waxa iminka isbdelay,waxa jirtay in Siyaasiyiinta tuhunku galay ee hore uga tirsanaa ururkii Qaran ay hore u shaaciyeen diidmadooda ku wejehneyd faro gelintii Itoobia ee Dalka Somalia xiligii Maxkamadaha isla markaana lagu shaabadeeya in ay lahaayeen fikirkii salaadiin Somaliland ahi ku sheegeen in ay isku xukumayaan shareecada Islamka. Waxaan iyana cadeyn in Itoobia dhibsatey hadalo ka soo yeeray Wasiirada arrimaha Guddaha iyo Maaliyada oo u muuqdey qaar muujinaya in la gaarey xiligii wax laga qaban lahaa qoxootiga sharci daroda ku jooga Somaliland iyo Ganacsi labada wadan u wada cuntama oo la abuuro. Dawlada Jabuuti oo dhawr jeer hore u mijo xaabisay dedaalo uu damacsanaa in uu hirgeliyo Madaxweynihii hore ee Cigaal ayaa iminka u muuqata in hagardaamadii u weyneyd ay la damacsan tahay Jamhuuriyada ictiraaf doonka ah ee Somaliland,qorshuhu waa in marka hore Somaliland laga soo xiro dhabaha qura ee siyaasiyan 20ka sano u furnaa ee Itoobia,taas oo Somaliland si tos ah u hoos geyneysa Jabuuti,dhabahana u xaareysa dib u Midawga Somalia. Jabuuti ayaa waxa arrinkan Gacan weyn ka siiyay Ganacsato xiriir soke la leh oo gacan weyna ka geeystey guushii doorasho ee xisbiga Kulmiye,isla markaana fududeeyay ka mid noqoshada xukuumada Somaliland ee xubnaha shakiga xagjirnimo laga muujiyay. Dawlada Itoobia ayaa kadib markii ay u soo baxdey in xukuumadii UDUB aaney ku soo bexeyn doorashooyinka ayay dib u soo celisay cilaaqaadkeedii dekedeed ee Jabuuti,sidoo kale cabsida Somaliweyn qabata Somaliland taladeedana waxa ay ku keentay in jabhadahii ka soo hor jeedey ay qaarna cagta mariso qaarna la heshiiso. Isku soo wada duuboo isbedelkii siyaasadeed ee ka dhacay Somaliland waxa la filayay in uu noqonayo mid dardar geliya siina anba qaada dedaaladii iyo talaabooyinkii waqtiga faraha badan qaatay ee lagu soo caano maalay 20kii sano ee u danbeeyay,waxaase iminka dhici karta in ay laalanto guushii ugu weyneyd ee ay Somaliland gaartey mudadaas taas oo ah cilaaqaadka iy lawadagto Itoobia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this