Sign in to follow this  
General Duke

Qardo-Bossaso road opens + Damage caused by floods in PUNTLAND

Recommended Posts

Waddada isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho oo la shaaciyey in ay furtahay

 

Qardho - 23.May.2005 Taliyaha laanta nabadgelyada wadooyinka ee booliiska gobollada Karkaar iyo Bari, ayaa shaaca ka qaaday in 11:00am (barqanimo) si rasmi ah loo furay jidka u dhexeeya magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.

 

Taliyuhu waxaa uu sheegay in furitaanka jidkani uu ku yimid dadaal ballaaran oo soconayey muddo laba casho ah kaas oo ay wada jir isga kaashadeen maamulada degmooyinka Qardho, Sheerbi iyo Waaciye iyo dadweynaha deegaanka.

 

waxaa halkaasi laga sameeyey waddo kumeel gaar ah oo gaareysa 111m, taas oo ka degeysa laamigu meesha uu ka go'ay, waxaana hadda kadib isticmaali doona gaadiidkii ku xayirmay waddada laamiga ah ee ay daadadku kala gooyeen.

 

Faysal Geelle Cumar

SBC Qardho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daadad hor leh oo khasaare ka geystey degmada Sheerbi ee gobolka Karkaar

 

Qardho - 23.May.2005 Guddoomiyaha degmada Sheerbi Xuseen Cabdi, ayaa maanta qaylo dhaan ka soo saaray, khasaare ay ka geysteen halkaas, daadad xalay ku soo jaabay magaalada Sheerbi, kaas oo ka soo rogmadey togga Mashax Godle oo dhinaca galbeed kaga aaddan degmadaasi.

 

Guddoomiyuhu waxaa uu sheegay in uu daadkani sii qaatay inta badan xoolihii lagu dhaqanayey magaaladaasi, waxana ilaa iyo haatan la xaqiijiyey in ay daadadkii habeenimadii xalay ay ku cayroobeen ilaa iyo 20 qoys.

 

warku wuxuu intaasi ku darayaa in meheradihii iyo bakhaaradii ku dhow dhowaa laamiga uu daadkani gebi ahaantoodba qooyey, iyadoo daadadkani ay waxyeello balaaran u geysteen berkedihii biyaha ee degmadaas.

 

Faysal Geelle Cumar

SBC Qardho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobab xoogan oo khasaare ka geystey degmada Taleex ee Gobolka Sool

 

taleex.jpg

 

Laascaanood-22.May.2005 Roob xoogan oo mihiigaan ah ayaa khasaare xoogan waxay ka geysteen degmada Taleex ee Gobolka Sool, Roobabkan oo da’yey saacado badan ayaa wuxuu keenay in uu qaado xoolo fara badan, isla markaana ay jiraan dad iyo xoolo aad u badan oo go’doon ku ah deegaano ka tirsan Degmada Taleex ee Gobnolka Sool.

 

Dad ku sugan Degmada Taleex oo Isgaarsiinta fooneeyaha kula soo xiriirey Idaacada SBC ayaa sheegay in xaley Degmada Taleex aysan cidna u hoyon oo Dadku ay ku sugnaayeen meesha lagu magacaabo Buur ilaalo oo ah Buur uu Sayid Maxamed ka dhistey daaro.

 

Warka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale ay jiraan Dad ku go’doonsan meel u dhaw Xarunta Xertu ku leedahay degmada Taleex, waxaana la sheegay in dadkaasi aan loo gurman Karin ilaa iyo haatan, taasi oo ay ugu wacan tahay Togog biyo ah oo si xawli ah u socda.

 

Khasaaraha degmada Taleex ayaa naloo sheegay in ay guryo badan dumeen isla markaana khasaare xooglihi soo gaadhey meheradii ku yaaley magaaladaasi siiba dhinaca raashinka oo awalba gabaabsi ku ahaa.

 

Wax kale oo ay noo xaqiijiyeen inta la og yahay xoolo gaadhaya 300 oo neef ayay daadadkii roobkaasi oo da`aayey shan saacadood ay la tageen.

 

Sidoo kale magaalada Carooley ayaa la sheegay in ay guud ahaan magaalada la tageen biyo ka soo rogmadey dooxo ay magaaladu ku doc taalo.

 

Maamulka gobolka iyo ka Puntland ayaan ka war hayn ilaa haatana aana ka hadlin dhibaatadaa degmada Taleex ku habsatey.

 

 

Nuux Muuse Birjeeb

SBC Laascaanood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this