Sign in to follow this  
General Duke

Buuhoodle Cayn Somalia: Demo for peace PICS

Recommended Posts

Banaanbax Nabadeed oo Saaka ka Dhacay Buuhoodle (Daawo sawiro)

 

Banaanbax balaadhan oo ay qabanqaabiyeen ayna horkacayaan Ergooyinkii nabadeed ee ka akla yimid gobolada dalka ayaa waxa uu ka dhacay badhtamaha magaalada Buuhoodle, waxaana ka qayb galay dad kor u dhaafay 3000 oo ruux. (Daawo Sawiro)

 

Banaanbaxan ayaa lagu taageerayey hawshan waanwaanta nabadeed ah ee ay ergooyinkani wadaan, waxaana lagu adkaynayey go,aamadii ay shalay isla gaadheen ergooyinka & ardaaga reer hagar, kaasoo ahaa in aan wax hub ah lagu dhex arki Karin magaalada.

 

Banaanbaxa oo socod dheer lagu soo maray wadooyinka dhaadheer ee magaalada ayaa waxa lug kaga qayb qaatay guud ahaan isimada, cuqaasha, Culimaa’udiinka, mas’uuliyiinta Heer wasiir & heer baarlamaan, Ururda bulshada iyo dadweyne aad u badan.

 

Banaanbaxani intuu socday ayaa waxaa dadweynaha laga dareemayey rabitaanka nabadda waxaana guud ahaanba aan saaka la arkin wax dad ah oo hub ku sita magalada taasoo ay ka mahadceliyeen Ergooyinku.

 

Galabnimada maanta ayaa waxaa la filaya inay kulmaan ergada nabadaynta & Ciidamada Buuhoodle saraakiishooda, halka maalinta berritona ay ergooyinku la kulmayaan Ardaaga .

 

Boocame Online News Warbaahinta Qarniga Cusub

Buuhoodle@Boocame.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this