General Duke Posted June 6, 2007 Banaanbax Nabadeed oo Saaka ka Dhacay Buuhoodle (Daawo sawiro) Banaanbax balaadhan oo ay qabanqaabiyeen ayna horkacayaan Ergooyinkii nabadeed ee ka akla yimid gobolada dalka ayaa waxa uu ka dhacay badhtamaha magaalada Buuhoodle, waxaana ka qayb galay dad kor u dhaafay 3000 oo ruux. (Daawo Sawiro) Banaanbaxan ayaa lagu taageerayey hawshan waanwaanta nabadeed ah ee ay ergooyinkani wadaan, waxaana lagu adkaynayey go,aamadii ay shalay isla gaadheen ergooyinka & ardaaga reer hagar, kaasoo ahaa in aan wax hub ah lagu dhex arki Karin magaalada. Banaanbaxa oo socod dheer lagu soo maray wadooyinka dhaadheer ee magaalada ayaa waxa lug kaga qayb qaatay guud ahaan isimada, cuqaasha, Culimaa’udiinka, mas’uuliyiinta Heer wasiir & heer baarlamaan, Ururda bulshada iyo dadweyne aad u badan. Banaanbaxani intuu socday ayaa waxaa dadweynaha laga dareemayey rabitaanka nabadda waxaana guud ahaanba aan saaka la arkin wax dad ah oo hub ku sita magalada taasoo ay ka mahadceliyeen Ergooyinku. Galabnimada maanta ayaa waxaa la filaya inay kulmaan ergada nabadaynta & Ciidamada Buuhoodle saraakiishooda, halka maalinta berritona ay ergooyinku la kulmayaan Ardaaga . Boocame Online News Warbaahinta Qarniga Cusub Buuhoodle@Boocame.com Quote Share this post Link to post Share on other sites