General Duke Posted August 23, 2008 Bu’aale: Dagaalo qaraar oo ka dhacay deegaano aan ka fogeyn Magaalada Bu’aale. 23. august 2008 Bu’aale(AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya Magaalo Madaxda gobalka Jubada dhexe ee Bu’aale ayaa sheegaya in ay magaaladaasi deegaano ku dhow dhow ka dhaceen goor dhaw dagaal xoog leh oo dhexmaraya Maleeshiyaadka Barre Hiiraale & Kooxaha ka soo horjeeday Maamulkiisii laga faramaroojiyey Magaalada Kismaayo. Dagaalkan ayaa la garan Karin khasaaraha uu dhaliyey ,ayadoo ay go’an tahay Isgaarsiintii Magaalada Bu’aale ,waxaan lasheegayaah in ay xoogeysanayaan dagaladan. Wariyaha AllPuntland ee gobalada Jubooyinka oo hada jooga Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Magaalada Kismaayo la geeyey dhaawac ciidamo ay leeyihiin Kooxaha isgarabsanaya ee qabsaday Magaalada Kismaayo. Wariyaha ayaa sheegaya in ay dhaawacyadaan yihiin kuwa laga keenay meelo ay dagaalo ka dhaceen ilaa xalay iyo maanta, isagoo sheegay in ay soo baxayaan warar badan oo ku aadan dagaaladii ugu dambeeyey. Barre Aaden Shire waxaa la socda xubno ay isku siyaasad yihiin ,waxaana uu doonayaa in uu tago Magaalada Baardheerre ee gobalka Gedo ,balse dagaalo ba’an ayaa qabsaday kuwasoo ku bilowday 4 maalmood ka hor. Wixii ku soo kordha kala soco www.AllPuntland.com Hadii Eebe Idmo. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 23, 2008 Jirma: Al-Shabaab weli ku daba jirta Barre Hiiraale iyo maliishiyadiisa 23. August 2008 Jirma(AllPuntland)-Dagaal khasare nafeed dhaliyay ayaa laga soo sheegayaa caawa in uu ku dhex maray deeganka Jirma oo u dhaxeysa Qooqaane iyo Dhoobley maliishiyo uu horkacayo Col. Barre Hiiraale iyo kooxaha Islaamiyiinta ah ee magaalada Kismaayo xoogga ugu saaray. Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in uu socday mudo saacado ah, waxaana u suurtagashay xoogaga Al-Shabaab in ay ka awood roonaadaan Col. Hiiraale iyo maliishiyadii wehlineysay. Warku wuxuu intaa ku darayaa in maliishiyadii Gol. Barre Hiirale ay afka geliyeen dhinaca Gobolka Geddo oo ay ku sii jeedeen, iyadoo aan la ogeyn waxa ay kala kulmi doonaan degmada Baardheere marka ay tagaan. Dagaalo kulul ayaa maanta labada dhinac ku dhex maray inta u dhaxeysa deegaanka Qooqaane iyo Dhoobley, waxaana dhaawacyadii dhinaca Islaamiyiinta la keenay Isbitaalka magaalada Kismaayo. C.M.Cali AllPuntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 23, 2008 What happened to gedonet.com? Defeat is total. Quote Share this post Link to post Share on other sites
unknown1 Posted August 23, 2008 way to go shabaab Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted August 23, 2008 Originally posted by Duke: What happened to gedonet.com? Apparently they claim to have had too many users online for the past three days, L0oL. Perhaps the pay check from the port of Kismayo to keep it running has dried up... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cige Posted August 23, 2008 Perhaps the pay check from the port of Kismayo to keep it running has dried up... loooooooooooooooooool When the SOL postgiro will run up Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 24, 2008 Taliyihii ciidamada maamulka magaalada Kismaayo oo gacanta lagu dhigay iyo Col. Barre Hiiraale oo isagoo dhaawac ah gaaray B/Dheere Muqdisho Saturday, August 23 2008 SMC Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in dagaallo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Janaay Cabdulle oo aan sidaas uga fogeyn magaalada Kismaayo, waxaana dagaaladaasi oo u dhaxeeyay ciidamo baxsad ah oo ka tirsan maamulka Kismaayo iyo ciidamada ururka Al-Shabaab ay socdeen muddo ka badan laba saacadood oo xiriir ah. Sida ay sheegeen warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ciidamada Al-Shabaab ayaa dagaalkaasi ku gacan sareeyay, kaddib markii ay heleen gurmad uga yimid dhinaca Sheekh Xasan Turki, taasi oo u suurtagashay inay gacanta ku dhigan hub iyo tikniko fara badan oo ay ka carareen ciidamadaasi oo uu hoggaaminayay Col. Barre. Wararku waxay intaasi ku darayaan in maleeshiyada Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen Taliyihii ciidamada maamulka Kismaayo Col. Yaasiin Nuur Gaas, iyagoo ula dhaqaaqay dhinaca gudaha magaalada Kismaayo, mana jiro ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ku saabsan qabsashada Korneylkii hoggaaminayay ciidamada maamulka Kismaayo. Dhinaca kale Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa la sheegay inuu dagaalkaasi ka soo gaaray dhaawac fudud, isagoo u dhaqaaqay dhinaca degmada Baardheere, oo uu ka bilaabay abaabul ciidan iyo isu hub urursi uu ku doonayo inuu Kismaayo ku qaado weerar rogaal celis ah. Somaliweyn Media Center Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted August 24, 2008 Strategy has changed. Kismaayo cannot continue to be threatened everytime a battle is won. The backbones of the threat are now the target. The meet will then be in Kismaayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 24, 2008 Baacsigii lagu hayay Maleeshiyada Barre Hiiraale oo soo idlaaday kadib markii uu Barre gaaray Magaalada Baardheere Gobalka Gedo. 24 Aug 2008 Posted to the Web 24 Aug 08, 08:50 waxaa soo gaba gaboobay baacsigii ay Kooxaha Maxkamadaha iyo Al Shabaab ku hayeen Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale oo katirsan Mudanayaasha Baarlamanka Dowladda Federaalka. saaka aroortii ayuu Xildhibaan Barre Hiiraale oo wato tira yar oo katirsan Maleeshiya Beeleed soo gaaray degmada Baardheere gobalka Gedo halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen Taageerayaashiisa. Kooxaha Maxkamadaha ayaa la sheegay in ay ku guul daraysteen in ay Dilaan ama ay gacanta kusoo dhigaan Barre Hiiraale oo kasoo baxsaday Kismaayo oo ay la wareegeen Xoogaga Al Shabaab. Wararka nagasoo gaarayo gobalada Jubbooyinka ayaa sheegayo in Maleeshiyada Xildhibaanku ay Dagaallo adag lasoo galeen Xoogag aad uhubaysan waloow qasaara aad ufarabadan uu kasoo gaaray, dagaalkii ugu qasaaraha badnaa ayaa Xildhibaanka kasoo gaaray deegaanka Qooqaani gobalka Jubbada Hoose waxaana halkaas uga geeriyooday 12 Maleeshiyo. waxaa lafilayaa in Xildhibaan Barre uu kulamo Magaalada Baardheere kula qaato Odayaasha beeshiisa oo aan ku qanacsanayn qabsashada Magaalada Kismaayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 24, 2008 Horn, adeer you have no strategy saxib, who are you kidding. adeer are you still making idle Huuraale threats 9 years you have been unable to build an admin. Your militia turned out to be the dumbest in history, they just used the city for looting project. They never built any business and like parasites lived on the locals. They used the political winds and when ever the locals rose up they were supported by the big JVA, Seeraar, Goobanle and Abdiqasin who would rescue them. Now finally the locals and the people of Juba came fighting and there was no rescue. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted August 24, 2008 So far, Afmadoow and Dhoobleey have been totally cleaned of weapons and gas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 24, 2008 ^^^What gas are you on about saxib? The hot air from Huurale is cleaned. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 24, 2008 Maleeshiyaadka Barre Hiiraale ayaa laga qabsaday xalay labo baabuur oo ka mid ah baabuurta kuwa dagaalka ah oo uu shalay kala baxsaday Magaalada Kismaayo. Col. Barre Hiiraale ayaa ciidamo xoog leh oo ka tirsan Kooxaha ka soo horjeeda Maamulkiisii Magaalada waxa ay shalay ka qabsadeen Magaalada Kismaayo ,waxaana lasheegayaah in ay kaga daba tageen deegaano uu ubaxsaday. Barre iyo Ciidamadiisa ayaa ubaxay dhinaca degmada Afmadow ,ayagoo doonayay in ay halkaasi uga sii gudbaan Gobalka Gedo balse dagaalo xoog leh ayay kala kulmaan Kooxihii shalay ka qabsaday Magaalada. Saraakiisha jooga magaalada Kismaayo ee ka madax banana dhinacyada dagaalamaya ayaa sheegay in ay ciidamo fara badan oo ah kuwa Magaalada qabsaday ,ay ka soo baxeen deegaano kala duwan ayagoo usoo baxay wadada Isku xirta Kismaayo & Afmadow oo lasheegay in uu ku soo safrayo Barre Hiiraale. Deegaanka Janaay Cabdule oo ah halka ay dagaaladu maanta ka dhaceen ,ayaa lasheegayaah in ay ku dhinteen dad gaaraya 10 qof oo dhinacyada dagaalamaya oo kaliya. Waa markii ugu horeysay oo uu Barre Hiiraale la kulmo dagaalka noocaan oo kale ah, waxa ayna sheegayaan Wararka ka imaanaya gobalka Gedo in ay halkaasi ka soo baxeen ciidamo gurmad ah oo loo diray Barre Hiiraale. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 24, 2008 Xubnihii Mamulka Kismaayo oo saakay Gaaray Gudaha Gobolka Gedo Wararka laga helayo Deegaanka girile oo qiyaastii 190km koonfur galbeed kaga beegan magaalada Baardheere ayaa sheegaya in xubnihii hogaanka magaalada Kismaayo iyo Xildhibaan Bare aadan Shire hiiraale ay soo gaareen . Wararka ayaa sheegaya in kolanyadaasi oo wata dhowr gaadiidka dagaalka ah ay wataan dhaawac inkastoo aan la cadeynin tirade dhaawacaasi ayadoo tiro kalena ay uga dhinteen dagaalo goos goos ah oo ku soo dhexmaray qeybo ka mid ah deegaanka Gobolka J/hoose . Dhaawacaasi iyo tirade geerida ayaa ka dhalatay kadib markii dagaal xoogan xalay 9:00 fiidnimo ku dhaxmaray kooxaha taabacsan Maxkamada iyo qaar ka tirsan maleeshiyo beeleedka Magaalada Dekedaleh ee Kismaayo kuwaas oo xiligaasi ku soo wajahnaa deegaano ka tirsan Gobolka Gado . Ugu yaraan 9Ruux oo ka tirsanaa kooxihii dirarayay ayaa wararku ay sheegayaan in ay ku dhinteen goobtii uu dagaalku ka dhacay ayadoo 6kalena uu dhaawac ka soo gaaray sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan deegaanka tuulada Banka jiiro oo ku taala Deegaan u dhow degmada Dhoobleey e gobolka J/hoose. Warark laga helayo dad xog ogaal ah oo ku sugan Deegaanka Dhoobleey ayaa sheegaya in tiro aan laqiyaasin oo baxbuus ah dagaalkaasi lagu kala Qabsaday iyadoo maxbuustaasina qaar ka mid ah la gaarsiiyay Deegaanka Dhoobleey sida ay wararku xaqiijinayaan . Dagaaladaasi ayaa la rumeysan yahay in ay ka Dhasheen Kadib markii kooxo balaaran oo ku dhaqan Deegaanadaasi ay is abaanul ku sameeyeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen xubnahaasi maamulka Magaalada Kismaayo oo iyagu awoda laga fara maroogsaday maalmo kahor kuwaasi oo ku soo wajahnaa Gobolka Gado . Wararka aynu ka heleyno deegaanka girile ayaa ku waramaya in iminka xunahaasi ay durbaba Kulan la Qaateen maamulka dhinaca Kenya ee xadka laleh tuuladaasi iyadoo ay weydiisteen in ay u fidiyeen gagaar la xiriira kaalmo dhinaca dhaawaca ah in la gaarsiiyo deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi bari Ee dhinaca soomaalida Kenya. Maal mihii la soo dhaafay ayay aheyd kadib markii maamulkii magaalada Kismaayo iyo Xildhibaan Bare hiiraale ay ka so ambadeen deegaankaaasi kadib markii kooxaha islaamiyiinta ay xoog ku maquuniyeen awoodii maamulka Magaalo xeebeeda Kismaayo inkastoo haatana ay wararaku sheegayaan in xaalada Deegaanadaasi ay yihiin kuwo aad u degen. Max’ed Garane Aadan SBCInternational- Baardheere Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted August 24, 2008 ^Horta Barre iyo Usain Bolt, kee dheereeya? Horn, no worries, this is a new beggining and a new dawn for the city of Kismayo, a peaceful one. Forget about the warlord Hiiraale and embrace the new Islamic rulers, the introduction of law and order, justice, equality and that of Islamic Sharia law by the current Admin of Jabiso... Dadka intiina kale, waxaan idin leeyahay, "Allow nimaan wax ogayn hacadaabin"... Quote Share this post Link to post Share on other sites