Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Minister of Finace Comes To Australia. (PICS)

Recommended Posts

Cowke   

Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr. Faarax Cali Jaamac oo Soo dhaweyn loogu sameeyay Dalka Australia (Sawiro)

 

Xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Dr. Faarax Cali jaamac ayaa lagu qabtay magaaladan Melbourne, ee waddanka Australia.

 

Xafladdan oo ay soo qaban qaabiyeen qurba-joogta Puntland ee ku dhaqan magaaladan Melbourne waxaa jaaliyadda puntland ee Australia kaga dhageysteen wasiirka waxyaabihii ay dowladdiisu qabatay intii ay xilka hayeen.

 

Dr. Faarax Cali Jaamac, wasiirka maaliyadda ee puntland waxaa uu aad uga hadlay waxyaabihii ay qabteen ee loo baahnaa in la qabto, horey-na aan loo qaban, waxaana tusaale uga soo qaadan karnaa isagoo sheegay in ay xiriirka caalamiga ah ee maamulka Puntland uu la leeyahay caalamka guud ahaan ay meel wanaagsan gaarsiiyeen.

 

Arrimaha kale ee wasiirku ka hadlay ayaa waxaa ugu weynaa dhinaca dhaqaalaha taas oo uu isagu madax ka yahay, waxaana uu sheegay in dhaqaalaha Puntland hadda lagu saleeyay hab caalami ah, sida iyagoo khafiifiyay canshuurta laga qaado waxyaabaha qutul-daruuriga ah, kuwa aan qutul-daruuriga aheyna canshuur macquul ah laga qaado. Wuxuu sidoo kale intaa ku daray in dowladda Puntland ay hadda mushahar kordhin u sameysay shaqaalaha maamulkaas oo dhan.

 

Mar uu wasiirku ka hadlay arrimaha amniga waxaa uu sheegay in markii ugu horreysay gobol walba oo Puntland ka tirsan laga dhisay boolis tayo leh halkii awal magaalooyinka qaar uun ay lahaayeen booliska noocan oo kale ah, haddase magaalo walba ay gaarsiiyeen. Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Puntland ay masuuliyad ka saaran tahay difaaca dhulka Puntland guud ahaan isagoo sheegay in ay tahay mid muqaddas ah.

 

Dhinacyada Waxbarashada, caafimaadka & jawiga guud ee maamulka Puntland ayuu wasiirku guud maray waxaana jawiga xafladdu ahaa mid aad u wanaagsan, iyadoo Jaaliyadda Puntland ee Melbourne-na su’aalo ku saabsan arrimahaas uu ka hadlayay wax ka weydiiyeen wasiirka, jawaabo waafi’ ahna ka siiyay arrimihii ay jeclaayeen in ay wax ka ogaadaan.

 

Jaaliyadda Puntland ee xafladdan soo qaban qaabiyay & kuwii ka soo qeyb galay waxaan ka xusi karnaa: C/raxmaan Jaamac Raas (guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Melbourne), Avv. C/weli Faarax Qambi, Dr. Axmed Warsame, Cumar Dhoolawaa (guddoomiyaha qurba-joogta Puntland ee Australia), Siciid Shiinle, Dr. Xasan Faarax jibriil & dad kale oo faro badan.

 

Gabagabadii wasiirka ayaa la filayaa in uu ka ambabaxo magaladan Melbourne dhawaan. Waxaana jaaliyadda Puntland ee Australia ugu hambalyeeyeen howsha wanaagsan ee uu qabtay inta uu xilka hayay iyagoo u rajeeyay in Alle u fududeeyo inta u harsan.

 

Waxaa soo diyaariyey noo soo gudbiyey

Farah M. Warsame

Melbourne, Australia

 

aus4-300x224.jpg

 

aus2-300x224.jpg

 

aus1-300x224.jpg

 

aus7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this