Sign in to follow this  
Cowke

Garowe: Youth Peer Network Holds Conference For 50 Youth.(PICS)

Recommended Posts

Cowke   

GAROOWE :Ururka Dhalinyarada Puntland (Youth Peer Network) oo Maanta 50 dhalinyaro ah siminaar ugu qabtay

Posted to the Web Jul 27, 13:04

 

Garoowe:(pp)- Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska dowlada Puntland ee magaalada Garoowe siminaar soconaya mudo hal maalin ah oo uu soo qaban qaabiyey Ururka dhalinyarada Puntland (Youth Peer Network) kaas oo u qabtay 50 dhalinyaro ah oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada puntland ee magaalad Garoowe.

 

Siminaarkaan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socday dowlada puntland ayaa waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga Puntland mudane Axmed Xasan bilo oo ugu horayntii u mahad celiyey dhalinyardii iskood isku xilsaary in ay soo qaban qaabiyaan aqoon iswaydaarsigaan islarmarkaan ku tilmaamay kuwo u adeegaya bulshadooda reer puntland.

 

Tababarkaan ayaa waxaa lagu baranayey sidii dhalinyarada looga waciyigalin lahaa cudurka HIV/Aids iyo xaquuqda bini’aadamku uu leeyahay islamarkaana ay dhalinyaradu kaalin lixaadleh uga qaataan sidii ay bulshadooda uga wacyigalin lahaayeen ka hortaga cudurada halista ah.

 

 

Xaaji oo ah xubin ka mida ururkaan soo qaban qaabiyey aqoon iswaydaarsigaan ayaa Puntlandpost uga warbixiyey ujeedada ugu wayn ee laga leeyahay in konton dhalinyaro ah loo qabto aqoon iswaydaarsi waxaana uu sheegay in muhiimada laga leeyahay siminaarkaani uu yahay in dhalinta laga waacyi galiyo doorka ay bulshadooda uga wacyi galin karaan ka hortaga cudurka HIV/AIDs.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhaqaalaha ku baxay tabaabrkaan uu iska aruuriyey ururku islamarkaana xusay in qofkasta oo isku daya in uu dalkiisa wax u qabto u qaban karo.

 

Ugu dambayntii dhalinyaradaan ayaa waxaa horay tabar u siisay Hay’ada UNFPA taas oo u tabartay sidii ay bulshadooda uga wacyigalin lahayeen cudurka HIV/AIDS hortaantii sanadkii 2009.

Siciid Cabdisalaan Siciid

 

Wakiilka Puntlandpost-Garoowe

E-mail loole15@hotmail.com

 

files.php?file=jq1_926385365.jpg

 

files.php?file=jq2_347248244.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

15451.jpg

 

Ururka horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka oo laguddoonsiiyay deeq buugaag

 

Puntland Library and resource center ayaa waxa ay ugu deeqday buug dhanka wax barashada ah urur maxa li ah oo kashaqeeya horumarinta dhanka wax barashad iyo caafimaad ka kaasi oo lagu maga caabo Somali Horn Association for Health and Education Development (SHAHED) , deeqdaan la guddoon siyaay ururkaasi ayaa isugu jirta buugta maadooyinka dugsiga sare lagu qaato ee ee kala duwan iyo buugaag kale oo ah dhanka hour marinta waxbarashada iyo tignoolajiyada waxaana deeqdaasin si rasmi ah ula wareegay madaxa wax barassshada ee ururukaasi c.

 

Madaxa Xafiiska Maamulka Hay adda Somali Family Services Abdurashid Ali Farax liyo Madaxa Libreriga Mr: Ibrahim Mohamed Ducaale ayaa si wada jir ah u guddoonsiiyey deeqdan buugta Madaxa qeybta waxbarashda ee Ururka SHAHED C/risaq Omar Saalax oo si kooban uga warbixiyey faa iidada ay buugtani u leedahay Ururkiisa ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay deeqdaan ay guddoonsiiyeen mas’uuliyiintaani ayna aad u soo dhawaynayaan kana faaiidaysan doonan buugtan isagoo ku daray in ay buugtani wax ka tari doonto kor u qaadida dhanka aqoonta ardayda Hoos yimada uruurkooda .,

 

sidoo kalena ay tixraac wanaag ay u noqon doonaan buugtani macallimiinta wax ka dhiga dugsiga, maxadyada iyo jamacadaha kala gadisan ee ku yaala goobaha uu ka shaqeeyo ururkoodu sidoo kalana uu faa’iido u leeyahay ardayada wax laga barayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

C/risaq Omar Saalax waa madaxa waxbarashada ee ururka SHAHED ayaa waxa uu ugu danbayntii u mahadcelyey dhammaanba masuuliyiinta iyo madaxda Puntland Library and Resource Center. wuxuuna noo sheegay in buugaagta lagu wareejiayay ay kala yihiin dhammaanba maadooyinka laga qaato dugsiyada sare iyo waliba waxbarasho dheeraad ah waxayna ahaayeen ilaa 10kartoo oo waa wayn waxayna kala yihiin buugaagtaasi sidaan Mathmatics, English, Biology, Chemitry, Social Study, General Books, Marketting, IT , Health,Literature.

 

Si kastaba ha ahaatee Puntland Library and Resource Center oo horay ugu caan baxaday in ay ka caawiso ardada reer puntland ee dugsiyada Sare, College-yada iyo Jaamacadaha dhigata buug iyo goobo ay wax ku akhristaan ayaa hada waxa uu u muuqdaa inuu sii badinayo dadaalkiisa uu ku doonayo inu ku waxay sii baadh siiyo dhammaanba puntland

 

llaadhisay waxqabadkeedii iyadoo deeq buugaag iyo agab waxbarasho gaadhsiinaysa meelo ka baxsan goobaha ay xarunta ku leedahay.

 

Maxamed Daahir

SBC INternational Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this