Sign in to follow this  
General Duke

Heavy fighting in Mogadishu result in more deaths injury

Recommended Posts

Muqdisho:Dagaaladi saaka ka qarxay degmada Hodan oo xoogeystay iyo Suuqa Bakaaraha oo madaafic ay ku hoobaneyso

27. juli 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-Dagaalo iyo duqeymo xoogan ayaa xiligaan ka soconaya xaafadaha Taleex , Km4, iyo Barmuuda oo ka tirsan degmada Hoddan ee G/Banaadir.

 

Dagaaladan ayaa bilawday kadib markii xoogaga mucaaradka ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen fariisimada Ciidamada Amisom ee aaga Km4.

 

Dagaalka oo aad u xoogeystay waxaa xoogiisa uu isu badalay duqeymo ku socda S/Bakaaraha iyo xaafada Taleex.

 

30-qof dad ka badan ayaa ku dhaawacmay , waxaana hada gawaarida gurmadka deg deg ah ay geeyeen cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

 

S/Bakaaraha ayaa lagu kala cararay , waxaana xirmay dhamaan goobihi ganacsiga .

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho:Ciidamada Amisom ee ilaalada ka ah madaxtooyada oo soo ruqaansaday xili xoogaga mucaaradka ay isu diyaariyeen weerar xoogan

27. juli 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )-Ciidamada Amisom ee ilaalada ka ah xarunta madaxtooyada ayaa goor dhaw u soo ruqaansaday isgoysyada kaabiga ku haya madaxtooyada sida Xararyaale iyo Aadan Cadde.

 

Goob jooge dagan xaafad madaxtooyada ku dhaw aya sheegay in uu arkay Taangiyada Amisom oo soo baxaya , iyadoo ay ka horeeyaan ciidamo lugta ah oo ka soo horeeyey Taangiyada .

 

Dhinaca kale xoogaga mucaaradka ayaa dhaqdhaqaaq ka bilaabay isgoysyada ku dhaw madaxtooyada , waxaana aad looga cabsanaa dagaalo halkaas ka qarxa .

 

Dagaalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee saaka Muqdisho ka bialwday ayaa ah kuwo qorsheysan oo ay abaabuleen xoogaga mucaaradka.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

WAR LA XIRIIRA

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this