Sign in to follow this  
Xoogsade

Dagaal xoogan oo socdey muddo 2 Saac ah, Xabashida oo Jidka Loo Galay

Recommended Posts

Xoogsade   

Xoogaga Mujaahidiinta JABISO iyo MMIS oo weerar xoogan Saaka kula beegsadey Ciidanka gumeysiga Itoobiya deegaanka Yaaqbariweyne.

 

Beerdhiga 18.05.2008 15:50

 

Dagaal xoogan oo socdey muddo 2 Saac ah, ayaa xoogag Mujaahidiinta Soomaaliyeed ee JABISO iyo MMIS oo is kaashanyaan, waxa ay la beegsadeen ciidamada gumeysiga Itoobiya ka dib markii ay dhabo gal adag ugu galeeen inta u dhaxeysa Yaaqbariweyne iyo degmada Wallaweyne ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxa ayna ciidamadan weerarka lala beegsadey ka soo dhaqaaqeen saaka deegaanka Yaaqbariweyne.

 

Ciidanka gumeysiga Itoobiya ee weerarka gaadmada ah Xoogaga Mujaahidiinta Soomalaiyeed la beegsadeen Saaka, ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ka kala tegay degmada Afgooye iyo xarunta Gobolka bay ee Baydhabo, waxaana wararku sheegayaan in gaadiidka ay wateen Ciidanka gumeysiga uu gaarayey 23 Ural.

 

Dagaalka Saaka dhex marey Xoogaga Mujaahidiinta Soomalaiyeed Jabiso iyo MMI Soomaaliyeed oo dhinac iyo Ciidanka gumeysiga Itoobiya ee saaka ka dhacey inta u dhaxeysa Yaaqbariweyne iyo Wallaweyn, ayaa ahaa mid xoogan oo la isu adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan, waxa ayna ku warameen qaar ka mid ah dadka Reermiyiga ee halkaa ka ag dhawaa in ay arkayeen Uurooyin xoogan oo cirka isku shareerey iyo maqalka hubka cul culus oo si xoogan u dhacayey.

 

Wararka sidoo kale laga helayo degmada Wallaweyn waxa ay sheegayaan in ciidaanka gumeysiga Itoobiya oo lugeynaya iyo gaadiidkooda oo qaarkii wax ka gaareen ay jiidanayaan dhex mareen Magaalada, iyada oo wararku intaa ku dareen in la arkayey gaadiidka qaarkood oo Shiraacyo ku ded naayeen oo faleebooyina ka laa laadeen jenbiyada Gaadiidka la arkayey.

 

Dagaalka oo ahaa mid aad culus ayaan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo sheegi Karin tiro koob ahaan inta uu leeg yahey khasaaraha ka soo gaarey Ciidanka gumeysiga Itoobiya, marka laga reebo gaadiidka Ciidanka gumeysiga Itoobiya jiidanayeen ee soo dhex marey Wallaweyne iyo gaadiidka kale oo shiraac ku dadnaayeen oo aan si rasmi ah loo ogaan Karin tiro ahaan Ciidanka saaran ee wax soo gaareen.

 

Dhanka kale Ciidanka gumeysiga Itoobiya goobtii uu dagaalku ku qab sadey saaka waxa ay ku dileen inta la ogsoon yahey 2 Qof oo rayid ah oo saarnaa gaari Xaajiyad ah oo xilligaas halkaas marayey.

 

ciidanka gumeysiga Itoobiya ee ka soo baxey Baydhabo, ayaa wararka laga helayo Baydhabo waxa ay sheegayaan in ay halkaa uga soo baxeen lug, iyada oo Ciidanka kale ee ka tegay afgooyena ahaayeen ciidamo loogu talo galey in ay soo gelbiyaan xaleyna ku wada hoydey deegaanka Yaaqbariweyen, balse saaka markii ay halkaa ka soo dhaqaaqeen, Xoogag ka tirsan mujaahidiintaa Soomaaliyeed ee Jabiso iyo MMI Soomaaliyeed u galeen dhaba xoogan oo u geystey Ciidanka gumeysiga khasaarooyin badan oo naf iyo maalba leh.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this