Xaaji Xunjuf Posted April 21, 2010 Ciidamadii Milatariga Maamul Goboleedka Puntland Oo Ay Ka Baxsadeen Ilaa 400-Askari Oo Hubaysan Warkii 21-Apr-2010 iyo Qormadii: Afnugaal News Desk Wararka laga helayo xarunta madaxtooyada puntland ayaa tibaaxaya in dhowaan ay ka goosteen ciidamada dowlad goboleedka puntland ciidamo gaaraya ilaa 400-askari kuwaasoo la sheegay in qaarkood tababar ugu dhamaaday Ex-xeradii ciidamada ee 54-aad taasoo aan la ogayn sababta dhabta ah ee ay ciidamadani uga tageen shaqadoodii . Ciidamadan oo dhawaan loo qaybiyey hub , tababarna qaatay ayaa loogu talo galay sida la sheegay la dagaalanka Budhcad Badeeda iyo waxa loogu yeedhay Argagixisada, madaxda maamul goboleedka Puntland ayaa arrintani anfariir ku riday ka dib markii xaaladan xataa lagu arkay Askar ka tirsan madaxtooyada Garoowe oo iyaguna iskaga tagay shaqaday ka hayeen maamulkaasi puntland . Sidoo kale Xaaladdan la soo gudboonaatay maamulka Puntland ayaa dadka xeel dheerayaasha ku sugan dowlad goboleedka puntland ku qiyaaseen mid aan hore uga dhicin islamrkaana loo aanaynayo maamulka iminka jira taasoo ay sheegeen inay ka jirto puntland khal khal siyaasadeed oo hareeyey gudaha maamulkaasi . Mid kamid ah siyaasiyiinta puntland maxamed axmed saciid ayaa saxaafada u sheegay inay jiraan ku tagri fal dhaqaalihii puntland oo ay ku tagri falayaan qaar ka tirsan wasiirada iyo weliba maamulka sare ee madaxtooyada isagoo intaasi raaciyey inay wadaan xidhiidh ay ku taageerayaan kala goo goynta wadanka soomaaliya oo ay marqaati u tahay ayuu yiri soo gelitaanka ciidamada maamulka la baxay Somaliland ay laascaanood kusoo galeen oo ay ilaa iminka ku xoojinayaan maamulka hargaysa . Mud : maxamed axmed saciid oo habeenkii xalay ahaa u waramayey Qaar kamid ah Idaacadaha ka Howl gala Muqdisho ayaa tilmaamay inay hadii ay kusii socdaan maamulka sare ee puntland inay bur bur qarka u saran yihiin islamrkaana loo baahan yahay inay joojiyaan kala faquuqa lagula dhex jiro ciidamada iyo hay,adaha amniga . Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan faroole ayaa goosashada ciidamada ku tilmaamay mid ku timid maamul Xumo islamrkaana uu aad Uga xun yahay isagoo hadal kulul dhinaca isgaarsiinta usoo mariyey madaxweyne ku xigeenka puntland Gen:cabdisemed cali shire isagoo iminka ku sugan wadanka dibadiisa isagoo sheegay in aan la hayn ciidankii halka ay jaan iyo cidhib dhigeen, taasina ay keentay In C/samad cali shire kala kulmay arintaasi Canaan kulul oo kaga timi dhinaca C/raxmaan Faroole. Isku soo wada duuboo waa markii Ugu horaysay ee Ciidamo gaaraya 400-askari oo ka tirsan maamul goboleedka puntland ay ka Goostaan xeryahoodii iyagoo wata hubkii ay ku Howl geli lahaayeen islamrkaana aan la hayn halka ay ku dambeeyeen Afnugaal News Desk Info@afnugaal.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
dambarsame Posted April 21, 2010 waar waxaas waxba kama jiraan anba jidbaale ayaan ku arkay Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted April 21, 2010 Xaaji Xanduf, just like Ayoub Sheekh, is alergic to any good news from Puntland. His latest reaction is due to this news: Top Muslim Scholars Gather in Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 21, 2010 Originally posted by dambarsame: waar waxaas waxba kama jiraan anba jidbaale ayaan ku arkay warkaas aan soo ban dhigay maxaad ku beeninaysa wa inad keenta wax dhab ah oo jira oo aad ku beeninaysid, Quote Share this post Link to post Share on other sites
dambarsame Posted April 21, 2010 beeni waa been ninkii ku adkaystaana waa beenlow anigu isku daalin mayee websetyada runta yaqaan warayso oo warkooda keen meesha Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted April 21, 2010 Boowe labo rakco tuko gacmaha kor u taag. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AYOUB Posted April 23, 2010 Originally posted by xiinfaniin: Xaaji Xanduf, just like Ayoub Sheekh, is alergic to any good news from Puntland. There you go again. Let's me guess; we are a "script". We don't create the news. How is it Xaji's fault if news portals are reporting Puntland security are still going awol and becoming pirates? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 23, 2010 exactly its not my fault that there are puntland troops missing Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 23, 2010 Stuff & nonsense ... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 23, 2010 ^^ War amuu yana lugu odhan ciidanki waxa afduubay Jacaylbaro. or maybe the khuusuusi is behind it Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted April 23, 2010 Tolow arrintaani ma run baa? Mise waa 4 hal eber gadaal looga daray amase 4 laba eber gadaal laga raaciyey? Quote Share this post Link to post Share on other sites