Cowke Posted April 26, 2010 Gudoomiyaha dadka Gaagaaban oo ku baaqay in la kaalmeeyo dadka gaagaaban ee Puntland Ku nool (Dhageyso) (Garowe)RBC: Aadan Cali buur oo ah gudoomiyaha Dadka gaagaaban oo waraysi dhinacya badan taabanaya siinayay Warbaahinta RBC aya ka codsaday Dowlada Puntland iyo Hay,addaha caalamiga ah ee ka howlgala Puntland in ay kaalma u fidiyaan dadka gaagaaban oo uu sheegay in dhibaatooyin adag ku haystaan bulshada dhaxdeeda. Waxa uuna sheegay aadan Cali buur in ay u baahan yihiin in laga caawiyo sidii u heli lahayeen Xuquudooda oo uu sheegay in ay maqantahy dadk gagaaban oo aysn jirin sida uu tilmaamay cid u dooda waxuuna ku baaqay in arinta gacan laga gaysto. Aadan waxa uu tilmaamay in aan la xaq dhoowrin dadka ay isku kooxda yihiin ee gaagaaban waxuuna sheegay in taasi ay tahay cadaalad daro oo aysan wanagsanayn islamarkaana ay codsanayaan in xaqooda la siiyo waxuuna tusaale u soo qaatay xafiisyada Dowlada oo uu sheegay in dad dheer dheer kaliya ka shaqeeyaan oo aysn dad gaagaaban ku arag wali Gudoomiyaha dadka gaagaaban waxa uu intaa ku daray in xaaladaha dhanka nolasha dadkaa ka haysta ay ka mid tahay cuqdad ay dadku ku abuuraan xiliyada meelaha dadku ku badan yihiin la iskugu yimaado bulshada oo sida uu sheegay ula dhaqanta si xuquuqul insaanka ogolayn sida caruurta oo uu sheegay in dhibaata adag ku hayan Mr Aadan Gaab waxa uu intaa sii raaciyay in dadka gaagaaban ay yihiin kuwa ku firiirsan deegaanada Puntland oo dhan waxuuna tilmaamay xili RBC wax ka waydiisay goobaha dadkaa ku badan yihiin waxa uu ku jawaabay in ay ku badan yihiin Gobalada Mudug iyo Sool Tirada dadkaa gaagaban ayuu Gudoomiyuhu sheegay in ay garayso 30 Xubnood inta tirakoob ahan uu hada hayo, waxuuna sii tilmaamay in uu wali rajo ka qabo in ay jiran dad kale oo iyana ku dhaqan Puntland oo aysn ka warhayn Gudoomiyaha Dadka gaagaaban ayaa ugu danbayntii sheegay in uu jiro xariir kala dhaxeeya dadka gaagaaban ee ku dhaqan deegaanada Maamulka Soomaliland waxuuna sheegay in dadkaa ay iska war hayan oo uu xariir qadkaa dhaxmaro xili kasta. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase Listen the audio Here Quote Share this post Link to post Share on other sites