Xaaji Xunjuf Posted January 22, 2010 NEWS Qarax ka dhacay Bosaso January 22, 2010Waxaa caawa uu qarax bambaano ka dhacay bartamaha magaalada Bosaso ee xarunta Gobalka Bari, Qaraxan oo la sheegay in lala bartilmaamsaday ciidamada Amniga ee Bosaso. Wararka horudhaca ah ee soo gaaraya Warqabadka Horseed Media ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay nawaaxiga Xarunta Xalwo Banaadir ee bartamaha magaalada Bosaso, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Amniga oo waday baaritaano. Sida aanu kasoo xiganeyno qaar kamid ah dadkii halkaasi ku sugnaa, waxay sheegeen in bam gacmeed lagu tuuray goob u dhaw halkii ay ciidamada ku sugnaayeen. Taliye kuxigeenka Booliiska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo Horseed Media la xariirtey ayaa u xaqiijiyey inuu qaraxan dhacay, isla markaana wuxuu Taliyuhu sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo halkaasi ka dhashay. Col.Jaqanaf ayaa intaa ku daray in hada ciidamada ay wadaan baaritaan ku aadan qofkii weerarkaasi ka danbeeyey, asagoo sheegay inay gadaal ka shaacin doonaan wixii tafaasiil ah. Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili ay magaalada Bosaso ka socdaan hawlgalo amniga lagu sugayo, ayadoo dhawaan magaalada Bosaso lagu dilay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted January 22, 2010 Waa Ilaah mahadiis inuusan khasaare geysan. Ilaahay Soomaali haka qabto kuwa dabka la dhex wareegaya oo weliba meelaha la is dhihi karo xoogaa nabad ah baa ka jirta dabka ku hurinaya. Ayaandarrada Soomaali haysataa waxay tahay dad badani markii magaalo beeshu degto un la arko in dhibaato ka dhacdo ayay ka xumaadaan, balse waxaa habboon in fawdo nooc ay tahayba meel looga soo wada jeesto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 23, 2010 Allah ha sahlo ........ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted January 23, 2010 ,,,,balse waxaa habboon in fawdo nooc ay tahayba meel looga soo wada jeesto Abwaan got prety right. But will that happen among Somalis on Somali soil? Let's hope it happens... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 23, 2010 Obviously their target was the security police forces in bosaaso. Quote Share this post Link to post Share on other sites