Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu fighting breaks out between Al Shabaab

Recommended Posts

Dagaal U Dhaxeeya Ciidamada Dowlda & Shababka Oo ka Qarxay Muqdisho

 

06 May, 2009 04:23:00 Diinah

Font size:

 

Muqdisho,07-May-2009 :-Maleeshiyaadka Shababka Muqdisho ayaa weerar qorsheysan waxey ku qaadeen Fariismada Ciidamada Dowalda ee wadada Warshadaha, kadib markii saakay isku day dil uu ka badbaaday Horjooge sare oo ka tirsan Maleeshiyaadka Shababka, gaar ahaan inta u dhexeeysa Isgooysyada Carwa Idka iyo Black Sea, waxaana la sheegay in dagaalka la isku adeegsadaayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Dagaalkano oo la isku adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan uuna xoogiisu ka scodo wadada dheer ee 30-ka iyo wadada warshadaha, ilaa hadda lama yaqaano khasaaraha kala gaaray labada dhinac, waxaana xiiso xoogan ka taagan yihiin aagaga dagaalka uu ka bilaawday, iyadoo dadka rayidka ah ay bilaabeen iney ka qaxaan guryahooda si ay uga badbaadaan rasaasta ay is dhaafsanaayaan dhinacyaan.

Labo maalin ka hor ayeey aheeyd markii Sarkaal ka tirsan maxkamadaha islaamiga kooxo hubeysan ay ku weerareen isla wadaani taasi oo sababtay in ay ku nafaayaan labo qof oo mid uu ahaa askari ka tirsan maxkamadaha halka qofka kale uu isna ahaa qof rayid ah oo goobtaasi ku sugnaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka socda Muqdisho

7 May 7, 2009 - 2:19:59 PM

 

Dagaal u dhexeeya kooxda Al-shabaab iyo Maxkamadaha Islaamka ee taageersan xukuumada Somalia ayaa maanta ka qarxay Muqdisho, iyadoo dagaalkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

Inta la xaqiijiyay 5-qof ayaa dagaalka ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen, waxaana dagaalku uu ka bilowday markii kooxo hubeysan ay weerareen sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

 

"Sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Qoslaaye ayay kooxo hubeysan ku weerareen wadada 30-ka, waxaa dhintay hal qof mid kalena wuu dhaawacmay" ayuu sarkaal ka tirsan xafiiska warfaafinta Al-shabaab u sheegay saxaafada.

 

Goobjoogayaal ayaa sheegay in sarkaalku uu badbaaday, isla markaana dhaawicii iyo maydkii uu kula cararay gaarigiisa, waxaana weerar kale uu kula kulmay jidka warshada, halkaasoo ay dagaalo xoogan weli ka socdaan.

 

Dad ku sugan xero lagu barocay oo ay dhinacyadan ku dagaalameen ayaa sheegay inay arkeen maydadka 4-qof oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay, balse waxay sheegeen inaysan kala garan karin, xaaladuna ay tahay mid culus.

 

"Boqolaal qof oo guryahoodii dib ugu soo laabtay ayaa maanta barokacay, xaaladu waa qasan tahay, wadada warshadaha waxaa dhooban ciidamo taabacsan dhinacyada iska soo horjeeda" ayay tiro hooyo la cararaysa afar cunug oo ay dhashay.

 

Dhinacyada ayaa waxay isku adeegsadeen hubka noocyadooda kala duwan, iyadoo madaafiic ku dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho ay sababeen dhaawacyo, iyadoo sidoo kalena uu gubtay Bakhaar shidaal.

 

Maleeshiyooyin taageersan ururka Al-shabaab oo ku labisan dhar isku eg, ayaa la dhoobay wadada 30-ka, iyadoo ganacsiga iyo gaadiidku ay durba hakad ku yimaadeen, iyadoo weli la maqlayo rasaas goosgoos ah.

 

Al-shabaab iyo Maxkamadaha islaamka ayaan weli ka hadlin dagaalada ka dhexqarxay, waxaase buux dhaafiyay wadooyinka warshadaha iyo sodonka gaadiid dagaal iyo ciidamo.

 

Guryihii Jarmalka ee wadada warshadaha oo uu daganaa Yuusuf Indhocade ayaa waxaa dagaal ku qabsaday kooxda Al-shabaab, markii ay weerar lama filaan ah ku qaadeen.

 

Sidoo kale weerar ayaa lagu qaaday warshadii baasatada, halkaasoo uu dagaal xoogan ka socdo, waxaana weli gacanta ku haya Ururka Xisbul Islam, garabka taageersan xukuumada Somalia.

 

Sh. Cumar Iimaan oo ah mas'uulka ugu sareeya garab ka mid ah Xisbul Islam oo saxaafada lasoo xiriiray ayaa ka dalbaday dhinacyada dagaalamaya inay xabada joojiyaan, isagoo sheegay in garabkooda uusan dagaalka ku jirin.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jiray todobaadyadii ugu dambeeyay is-ugaarsi u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta ah ee fikirka ku kala duwan, gaar ahaan Al-shabaab iyo Maxkamadaha Islaamka.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sarkaal sare oo ka tirsan ururka alshabaab oo ka badbaaday isku day dil iyo dagaal khasaare geystay oo ka qarxay magaalada muqdisho

Posted to the MOL May 7, 2009, 11:56 pm

 

 

Labo qof ayaa ku dhimatay 55 kallana way ku dhaawacmeen ka dib markii dagaal xoogan uu dhex maray ururka alshabaab iyo maleeshiyooyin ka tirsan ciidamadii maxakamadaha haatana daacad u ah dawlada soomaaliya kaasoo ka dhashay ka dib markii sarkaal sare oo ka tirsan alshabaab uu ka badbaaday qarax lala beegsaday gaari uu saarnaa.

 

 

masuul ka tirsan ururka xisbul islaam ayaa ku macneeyey dagaalka mid aanan macnaha lahayn islamarkaana aysana waxba ka qaban karin balse hadii ay yihiin xisbul islaam ay cambaareynayaan.

 

 

muuse caraale oo uwaramayey wakaalada wararka ee dalka china ee xinhua ayaa intaasi ku daray inuu labada dhinac ugu baaqayo inay si sharuud la,aana ku joojiyaan dagaalka mar dambana ay ka dheeraadaan wax kasta oo keeni kara gacan kahadal.

 

 

dagaalkan oo udhaxeeyey ururka alshabaab iyo maliishiyooyin ka tirsanaa maxaakiimta daacad u ah dawlada soomaaliya ayaa socday ku dhawaad laba saac ayadoo sarkaalkii alshabaabkaahaa ee la bartilmaameedsanayey na kaasoo lagu sheegay magiciisa qoslaaye uu ka badbaaday shirqoolkaasi asagoo aysan waxba gaarin inkastoo mid kamida ilaaladiisa uu ku geeriyooday labana kalana ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxa lala eegtay gaarigiisa.

 

 

dhinacyada dagaalamay ka sokow dagaalka ayaa khasaare balaaran gaarsiiyey dad shacaba oo aanan waxba galabsan ku dhawaad 55 qof ayaa ku dhaawacantay rasaasta ay iswaydaarsanayeen dhinacyadaasi taasoo ka dhacay qoryaha waa weyn iyo noocyada fududba.

 

 

Daahir maxamed maxamuud oo ah agaasime ku xigeenka isbitaalka madiina ayaa sheegay in dadka lakeenay isbitaalka ay qabaan dhaawacyo halis islamarkaana ay xabaduhu kaga yaalaan meelo halis ah ayna isugu jiraan caruur iyo haweenba asagoo dr daahir intaasi raaciyey in haweenay da, ah, ay mar dambe dhaawicii soo gaaray ugu geeriyootay isbitaalka.

 

 

dagaalka oo dadka muqdisho xasuusiyey dagaaladii horay uga dhici jiray magaaladaasi ayaa laga cabsi qabaa inuu maanta oo jimcaa dib uga dhex qarxo labadaasi dhinac.

 

 

saraakiil ka tirsan maxaakiimta islaamigaa ayaa horay ugu eedeeyey alshabaab inay ka dambeeyeen shirqoolo lagu khaarajiyey madax ka tirsan iyaga islamarkaana uu haatan dulqaadkii ka dhamaaday.

 

 

balse ururka alshabaab oo si weyn uga soo horjeeda dawlada shiikh shariif ayaa beeniyey eedaymahaasi uga yimid maxaakiimta taageersan dawlada iyagoo sheegay in cida ka dambaysa shirqooladaasi ay yihiin waxay ugu yeereen cadowga ilaahay.

 

 

ururka alshaab ayaa gacanta ku haya deegaano badan oo kamida koonfurta soomaaliya iyo goobo badan oo kamida magaalada muqdishaba waana xoogaga ugu weyn ee kasoo horjeeda dawlada shariifku hogaaminayo waxaa sidoo kalle kamid ahaa kooxaha diidan dawlada ururka xisbul islaam oo laba garab ukala jabay inkastoo garab kamida uu hashiis la saxiixday dawlada islamarkaana ku baaqay xasilinta muqdisho iyo in la qabto dib uheshiisiin guud oo alshaabna laga soo qaybgaliyo.

 

 

Rabiile Cabdikariin Gabanow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this