Abwaan Posted October 30, 2008 Posted: 10/30/2008 10:05:00 AM Shabelle: MUQDISHO Ciidamada dowlada ee Fariisinka ku lehe xeradii hore ee ciidamada Gulwadaaysha ku laayay Geel ku diday meel ku dhow xeradaasi. Geelani oo tiradiisa la sheegay in uu gaarayay ku dhawaad 10-Neef ayaa waxaa uu ku dhawaaday goob ay fariisin ku leeyihiin ciidamada dowlada waxana la maqalayay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada xiligaasi kadib. Taliyaha ciidamada dowlada ee xerada Gulwadayaasha G/dhexe C/qaadir Codweyne oo shabelle ay wax ka weydiisay dhacdada xoolahaasi lagu laayaya ayaa waxaa uu sheegay in geela oo didaya uu soo jiiray dhufeys ay ciidamada dowlada ku lahaayeen halkaasi isla markana ay ka shakiyeen in loogu soo dhuunto,waxana uu xusay in qaar ka mid ah Geelaasi oo dhintay ay hortooda yaalaan. C/qaadi Codweyne waxaa uu intaa ku daray in sakay ay ciidamada qasheen hal neefo oo geel ah inta kalena ay soo doonan karaan cidii leheyd. Ma’ahan wax ku cusub dadka ku nool magaalada Muqdisho in ciidamada dowlada ay dad rayid ah laayaan oo ay rasaas isaga furan balse dhacdadani ayaa waxaa ay tahay mid aan horay loo arag in xoolo iska socda la laayo. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. Shabelle Media Network - Source of Somalia News Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted October 30, 2008 Cakuye FULEYNIMADA iyo TABABARKA ITOOBIYA ma hadday sida geela loola dagaalo amase loo shabbaaxo soo barteen. War wuxu fulaysanaa, indho-adeygiisa waraysi buu ka dhiibayaa isagoo leh geel baan laayey, markii ay shabaab arkaanna way cararaan...lol...! Waxaase ka sii yaab badan inuu dhahay xabbad geel ah baa nagu tagtay oo askartaydu qasheen inta kalena halla soo doonto. Xitaa ma dhahaayo dadkii lahaa waan u gudeynaa ee sidii tax ahaan inuu u qaatay camal buu uga sii socday. Yaab kaloo ka sii daran in Xamar xooluhu sidaas u dhex mushaaxayaan Illeen dowladnimo iyo dad la'aan dhibkaas bay leeyihiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NASSIR Posted October 30, 2008 Thnks for the laughter. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abtigiis Posted October 30, 2008 Why take the risk of a sucidal bomb via geela! I would say prudent on the part of those killed the camels. My uncle Faluule used to say 'nin khalkhalay ninkale oo khalkhalay qaadi ka ri waaye', when a wounded comrade asked for help in a battle where Fallule was running for his life. EDIT- Emperor (I wanted to PM you and this is what I see). Sorry, that member's private message mailbox is currently full. Please try sending your private message another time. Meesha ma hawlo LIVE ah ayaa ka socda? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted October 30, 2008 AT&T, cyberspace suicide bomber ayaa jira, make sure you know who you get emial from.. Adduunkan la is qarxinaayo El Jerusalem style caadi maaha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted October 30, 2008 Sidee baa geela iyo muqaawamada la isugu khaldi karaa bal hadaanay nimankaasi niman dhaadheer ahayn ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gheelle.T Posted October 30, 2008 War geelka aa muqaawamada ka mid ah dee I heard the war between Aidid and Ali Mahdi, Aidid ordered his militias to shoot any donkey they see in the street at night. Apparently, Ali Mahdi militia were using the donkeys to transport ammunition and weapons at night. Don't know if the story has any substance to it or if its just a joke. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted October 30, 2008 Shanqartii yeerto mee saas ugu cabsanoyaan? Masaakiin. Berina iyagoo shini duqeynaayo arkeenaa. Maya, maya, wariiri xataa ma dhaafi doonaan oo hadduu qaniino moodi doono in uu kasoo horjeedo. Quote Share this post Link to post Share on other sites