Sign in to follow this  
General Duke

President Faroole Gen Ilka-Jiir visit Ethiopia, Libya Djibouti: PICS

Recommended Posts

Madaxweynaha_Puntland___Madaxweynaha_Jab

President of Djibouti & President of Puntland State of Somalia

 

Warbixin: Safaraddii M. PL ku tagey wadanka banankiisa

29 Jan 29, 2010 - 5:47:01 AM

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo muddo labo asbuuc ah safaro ku marayey Ethiopia Libiya iyo Jabuti ayaa waxaa uu maanta Jan 29,2010 aqalka Madaxtooyada kula kulmey Madaxweynaha Jamhuriyada Jabuti Ismaciil Cumar Geele.

 

Mud. Farole iyo Mud. Geele ayaa kulankooda diiradda ku saarey xaalada Somalia ka taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa iyada la wada ogsoon yahay in dowladda Jabuti kaalin weyn ka caayaartey sidii xal loogu heli xarbi-ahliga Somalia ka socdey mudada 21-ka sano ah.

 

 

Madaxweynaha Puntland oo ka baxaya hotelkii uu ka daganaa Triboli

Madaxweyne Farole ayaa hoogamiyaha dalka Jabuti sidoo kale ka codsadey in xaalada Somalia ka tagaan muhiimad koowaad laga siiyo shirka ururka midowga Afrika uga furmi doona magaalada Addis-Ababa. Madaxweynaha Jabuti ismaaciil Cumar Geele oo maanta 29 Jan,2010 u ambabaxaya dalka Ethiopia ayaa sheegey in amaanka mandaqada guud ahaan khatar ku jiro hadii aan xal deg-deg ah loo helin xaalada cakarin ee ka taagan Somali gaar ahaan Koonfurta halkaas oo daagaalo xoogan ka socdaan.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqey in amni darada maalmahaan kasoo korortey Puntland iyo Somaliland salka ku hayso xaalada ka sii dareysa ee ka taagan Koonfurta & gobolada dhexe ee Somalia tasoo cabsi weyn laga qabo iney saameyn ku yeelato Jabuti iyo wadamada dariska badda kala ah sida Yamen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhinaca kale safarkii Madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Ethiopia ayaa guul ku soo dhamaadey iyada oo uu halkaas kula kulmey madaxda dalkaas iyo safiirada hay'adaha caalmiga ah ka jooga Addis Ababa. Kulamada Farole la yeeshey Ethiopia ayaa ka hadlayey xaalka Somalia iyo kaalinta Ethiopia kaga jirto xal u helidiisa iyada oo la sheegey inuu muhiim yahay xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha_Puntland___Wasiirka_arrimah

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka arrimaha gudaha Ilkajir oo la kulmaya ra'isal wasaraha libiya

 

Safarkii Madaxweynaha Puntland ku tagey dalka Libiya ayaa dhinaca kale kusoo dhamaadey guul isaga oo la kulmey Ra'isal wasaaraha iyo Madaxweyne Qadafi kuwasoo kawada hadley arrimaha Somalia. Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda dalkaas kala hadley sidii Puntland u tageeri lahaayeen iyada oo uu xusey in dalka Libiya qayb libaax ka qaatey xiligii dhidaba loo aasayey maamulka Puntland.

 

Madaxda Libiya oo uu Madaxweyne Qadafi ugu horeeyo ayaa balan qaadey inuu tageeri doono maamulka Puntland iyo guud ahaan Somalia.

 

Mamulka Puntland ayaa waxaa ka go'an sidii codka shacabka ku dhaqan mandaqada u garsiin lahaa calamka isaga oo geed gaaban iyo mid dheer u fuuli doona madaama ay yihiin kuwo nabadda iyo hurumarka jecel..

 

Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this