Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf arrives in Mogadishu....

Recommended Posts

Madxweynaha jamhuuriyadda federalka dalka Soomaaliya oo saaka Muqdisho soo gaaray

 

Abaara 7:47 daqiiqo xiiliga dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa dhabaha diyaaradaha ee magaalda Mqudisho soo caga dhigatay diyarad siday madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka dalka Soomaaliya Mudane C/llahi Yuusuf Axmed.

 

Abaara 7:47 daqiiqo xiiliga dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa dhabaha diyaaradaha ee magaalda Mqudisho soo caga dhigatay diyarad siday madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka dalka Soomaaliya Mudane C/llahi Yuusuf Axmed,oo ay la socdeen masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federalka dalka Soomaaliya oo ay wasiirro iyo xildhibaanno ku jiraan.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa siday diyaarad nooca millatariga ah oo kasoo qaaday magalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

 

Wafdiga madaxwweynaha Soomaaliya ayaa dhabaha diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigaha difaaca qaranka salaad Cali Jeelle,Taliyaha qeybta 1-aad ee xoogga dalka Col Siciid Dheere,Ku xigaha duqa magaalada ee arrimaha ammaanka Ibraahim Shaawey.

 

Madaxweynaha ayaa durbdiiba usoo gudbay xarunta Villa Soomaaliya ,halkaasoo ah xafiiskiisa dhabta ah oo uu haatan kadib ku howlgali doono,waxaana madaxweynuhu uu salan sharaf ka qaatay cutubyo ka trisan xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Imaatinka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmay xilli ay xildhibanada baarlamanka Soomaaliya shalay ansixiyeen in dowladda Soomaliya ay usoo guurto magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Cusmaan Axmed

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Madaxwayne Yuusuf oo gaaray magaalada Muqdisho.

13. marts 2007

 

Muqdisho (AllPuntland)- Madaxwaynaha dawladda Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

 

Waxa uu madaxwayne Yuusuf gaaray saaka aroor nimadii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdsiho, isaga oo ka ambabaxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo uu ku sugnaa maalmihii aannu soo dhaafnay.

 

Baarlamaanka dawlada Soomaaliya ayaa waxa uu maalintii shalay ansixiyay in dawladda Soomaaliya ay ku shaqayso magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

 

Madaxwaynaha dawladda Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho uu diyaariyo qabsoomidda kulanka dib u hesheesiinta ah ee dawladdu ay qabanayso.

 

Madaxwaynaha ayaa waxa uu maalin nimadii shalay ka hor sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay bilaabayso qaban qabada kulanka dib u heshiisiinta ah.

 

Waxa ay arrintani hor dhac u tahay guuritaanka xukuumadda Soomaaliya ee ay ku doonayso in ay ugu wareegto magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, oo ay shaqadeeda ku wadi doonto.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this