Sign in to follow this  
General Duke

Max'ed Dheere Duqii aan Seexan

Recommended Posts

mdheere.jpgMax'ed Dheere Duqii aan Seexan

 

Profile: Maxamed cumar xabeeb:

 

hogaamiye kooxeed hore hadana ah Duqa caasimada Soomaaliya kuna caan baxay mowqifkiisa isbedbedla xaga dawalada.

 

Goor hore oo subaxii ah ayuu ku toosaa telefoono uu ka helayo kaaliyayaashiisa si loo siiyo warbixinta xaalada amaanka ee magaalada magaalo uu ka noqday duq ama gudoomiye,geeriduna ay tahay cinwaanka jidadkeeda, Inkastoo ay ciidamada kumeelgaarka ahi iyagoo ay caawinayaan kuwa itoobiyanku ay xaalada hayaan sida muuqata, shaaha uu ku bismileeyo subaxii waxuu la kulmaa warar aan farxad lahayn balse aanan lahayn ilmo.

 

Maalmo ka hor ayuu safxafayiinta hortooda ka cadeeyey in dawladu aysan ka horjedin indhoshareerka dumarka ,dhacdadii indhashareerku fiiro gaara ayay siisey,isagoo isu rogey mas’uulka amaanka magaalda ka dib markuu ahaa qabqable dagaal, Muqdishona waa wajigii wadanka iyo madaxii magaaooyinka waawayn.

 

Xabeeb waa 57 jir, waxuuna ku shaqeeynayaa duruuf aan caadi ahayn, waxuuna si cad u sheegey mar uu la hadlayey warfidayeenada qaraxii (UN) Unka agtiisa ka dhacay waxuuna yiri”Mushaar ma jiro la siiyo ciidanka amaanka qalab casri ahna ma jiro waxba ma jiraan see baan marka u sugi karnaa amaanka “ kalmahaas ayuu ka dhawaajiyey balse uma muuqan mid quustay “Tani waa hawl qaran lanagana rabo inaan u istaagno”isagoo milicsanaya wajiyada kaaliyayaashiisa bal inuu arko wax madaxa u ruxa ama rumaysta hadalkiisa.

 

Booskiisa ah gudoomiyaha Gobolka Banaadir subax walba hawsha waxuu ku bilaabaa tirakoobka maydka iyo qaraxyada kaasoo loo tiiriyo inta badan Maxkamadaha Islaamka oo diidan Itoobiyaanka iyo Maamulka C/laahi Yusuf.

 

Indho shareerkii waxuu u ahaa fursad uuku muujiyo inuusan ahayn ninkii hore ee ay yaqaaneen ,waxuu balan qaaaday in cidii lagu helo xadgudub iyo xuquuqda qofka Soomaaliga ah meel uga dhaco inay sharciga la tiigsanayaan,lacag ayuu u balan qaaday cidii soo sheegat hub guri lagu qariyey.

 

Subax waagiisu baryaba tuhun ayuu dhabarka uga tuuraa Maxkamadihii Islaamka kuwaasoo uu dagaal kula jiro lafa jebis ah ,kuwasoo isga soo horjeedaaan aragti ahaan.

 

Ra’iisaul wasaare Geedi abaal ayuu u hayaa ninkan haduusan jirin maba fariisteen kursigan,ka gadaal markuu ka dalbaday Yusuf inuu kursiga u baneeyo Profisor Geedi Khabiirka Xanaanda Xoolaha ahna raga lagu tiriyo Itoobiya aadna ugu kalsoon yihiin.

 

Waxay ahayd arin lal socday Geedi haduu marba noqdo xubin barlamaan waxaa ku xigtay waxay ahayd in uu C/laahi u taagi doono Ra’iisul wasaare Xabiibna waxaa loo balan qaaday boos u qalma dadaalkiiisa.

 

“Siyaasada ayaa in badan la galgaladay” saas waxaa yiri mas’uul Soomaaliyeed isagoo ka hadlaya Xabiib ,”waxuu ahaa nin dhiirin oo dadaal badan aana oglolayn guul wax ka yar balse manta waxuu wajahaya arin adag.

 

 

Maanta waxuu haystaa kalsoonida Yusuf iyo Geedi labadaba,Maxaa dhacay waaba ninkii u furay Jawhar oo 90KM u jirta Moqdisho kuna soo dhaweeyey meeshaa xili aysan haysan meel ay cagta dhigaan.

 

Jawhar waxay ahayd Xaruntii kumeel gaarka ay degtay ka dib wadahadalo marathon ahaa oo ka dhacay Kenya 2004 .

 

Waxaa la yaab leh in Jawhar aysan ku jirin xisaabta Xabiib kaasoo lacag fiican ka sameeyey ganacsiga, shirkad dhoofinta iyo dejinta ayuu lahaa ,Laakinn markaad tiraahdo ganacsi,waxkastaa soo galaya sida ganacsiga daroogada iyo hubka ,laakin nin u dhow Xabiib waxuu u sheegay Sh/aawsat,in uu ahaa ganacsigiisu Xoolaha iyo Dalaga soo baxa Khaliijka ayuuna aadi jirey si uu ula sameeyo heshiiyo ganacsi.

 

Kooxo hubaysan oo waxdhaca ayaa ku dhaliyey duqaydii Jawahr inay u yeertaan Xabiib iyagoo ka faa’iidaysanaya khibradiisa malateri iyo dhaqaalihiisa inuu bal wax ka qabto magaalda ,balse ma hoojin dalabkooda waxuuba u arkay waxuu ku riyoonayay uu dhawaaday taasoo ahayd bal in uu maalin noqdo madaxwaynaha dalka.

 

Xabiib Jawhar ayuu soo galay gabigeedna waa la waregey nidaam ayuu sameeyey waxuu joojiyey hubkii oo idil waxuu diidey hub lagu qaato magaalada waxuu hubkii ku koobay ciidankaiisa.

 

Waxuu arkay in maamulkani u yahay imtixaan oo kale lagu fiirinayo awoodiisa siyaasaded iyo melateri waxuu xiriir fiican la sameeyey dhamaan hay’adhii ka shaqeynayey magaalada,taaso nolol fiican u horseedey magaaladaas.

 

Waxuu ku celcelin jirey Xabiib in hawshoodu tahay mid qaran ,saas ayuuna ku oran jirey dad badan oo soo booqday.

In ka yar labo sano jawhar waxay noqotay xero amaan ah oo ku taal wadan ay dadkiisii ka noogeen dagaal ahli ah iyo madaafiicda codkooda , waxaad cawayn kartay ilaa aroortii adoon ka baqin amni xumo, waxuu qaaday dhamaan Isbaarooyinkii ay mileeshiyaadku ku baadi jireen dadka kagana qaadi jireen canshuurta.

 

Magaaladii ayuu sdi fiican u qabtay, waxuuna ku qaabilay dhamaan wafuudii u imaanaysay ,xili uu Madaxwaynihii hore ee C/qaasim salad uusan ka bixi jirin Viladiisa ku taalay Moqdisho. ;)

 

Isbedel wayn ayuu ka waxeeyey Magaalda xitaa uu yiri Dr,ka shaqaynayay Jawhar “mudo labo sano ah cind kama daawayn xabad ku dhacday”.

 

Guushaas waxay soo jiidatay dad badan uu ka mid yahay C/laahi Yusuf iasgoo si toosa u sheegey inuu la yaaban yahay Xabiib hawshuu ka qabtay Jawhar kalana mid dhigay tii uu ka qabtay Puntland 1998 uuna ka dhigay meel degen amni ahaan iyo siyaasi ahaanba xukun hoosaadna leh ka gooni ah dawalada dhexe.

 

Xili uu raadinayay Yusuf meel uu cagta dhigo geed hoostiisba ha noqotee si uu ku guto hawshiisa dastuuriga iyo xukunka ahba, wadan ay fawdadii ka badatay oo meel kastaba kumanaan hubaysani joogaan ,waxa dabiici ahayd doorashii jawhar, waliba xabiib oo marti galiyay aqoonsadayna dawlada.

 

Mudo ka meermeerid Yusuf iyo Geedi yeeritaankaas, iyo culays badan oo ay u jeediyeen dawlado caraba iyo kuwa caalamkaaba inay ka guuraan Kenya ayay waxay noqotay Jawhar xarun ku meel gaar u ah dawlad ku meel gaar ah.

 

Balse xaal waligii sidiisa ma ahaado ,ka dib markay badatay awoodii qabqablayaashii oo ay caawinaysay Maraykanku iyo Maxkamidihii o la wareegey gacan ku haynta Moqdisho Yusuf waxuu arkay inaysan Jawhar ahayn meel la isku halayn karo waxuu go’aansaday inuu u wareego Baydhabo oo u jirta 240Km caasimada.

 

Xabeeb go’aankaas kuma qanacsanayn waxuu iskudeyey in uu Yusuf iyo Geedi qanciyo balse waxuu kala kulmay go’aan ah guuritaan markaas ayuu dagaal warbaahinta qaaday isaguu ku tuhmay inaysan u dhaqmin hab dawlo balse hab kaaba qabiil, meeshaas ayuuna ku jaray xarigii u dhaxeeyey isaga iyo Dawlada isagoo xitaa diiday rag dawlada inay magaalda soo galaan ,magaaladii marti gelisay in kabadan sanad.

 

Xabeeb waxuu ku biirey “Ururkii la dagaalanka argagixisada “ iyadoo niman sirdoonka Maraykanka ahi ay ku qanciyeen arinkaas xoolo badana ka helay Maraykanka oo u soo maray Irida Itoobiya ,balse markaan arinku ma sahlana cadawka ka soo horjeedaa waa Shiikh xasan daahir Aways oo ururkiisa u sheegay inay duugaan waxii la oran jirey qabqable dagaal, habeen iyo barqo dhexdood ayay boosaskoodii ku waayeen ,Xabiibna naftiisii la badbaaday ,isagoo ka fakaday geeri ama xarig, waxay ahayd waqti ku adag ninka ,oo u wax kasta waayay, anan haysan cid iyo meel aan ahayn Kumeelgaarka ,kulan uu la qaatay Madaxwayne Yusuf waxuu ogolaaday inuu dawlada ku biro taagerana ,si taas u muujiyo niyadsamideedana waxuu wareejiyey hubkiisii iyo ciidankiisii.

 

Xisaabtu markan way ka duwan tahay sidii hore Xabiib waxuu ku jiraa hogaanka dagaal lala galay Islaamiyiinta ayna hogaaminayso ciidanka Itoobiya iyo taagero aan la arakayn oo Maraykanku bixinayey goor hore ayay Islaamiyiintu jabeen ,maalmo gudahoodna wax kastay waayeen Xabiibna isagoo dabaabaad Itoobiyaan fuushan ayuu soo noqday isagoo sheegtay inuu soo ceshaday xukunkiisii.

 

Balse kumelgaarka ayaa magacawday maamul cusub ,laakin xabiib markaan waxuu noqday nin siyaasi ah si aan raali ahayn ayuu ku yeelay bedelka isagoo fiiro u leh awooda cusub ee soo korotay.

 

Ugu danbayntiina waxaa yimi xiligii la abaalmarin lahaa xabiib shantii bishan ayaa loo doortay Duqa mid ka mida magaalooyinka ugu khatarsan caalamka,maalintaas ayuu u sheegay Xabiib dadkiisa inay magaaladoodu u baahan tahay nabad ka dib sanado badan oo dhiig lagu daadinayey.

 

Dhamaystirka (new look) isagoo u qasdaya isuna muujinaya nin ma’uul wadani ah ,ayuu xabiib waxuu ku wareejiyey wasarada arimaha gudaha 10baabuurta dagaalkaa ah ,si ay uga qayb qaataan kormeerka magaalda.

Daal la’aan ayuu bilaabaa xabiib gelitaanka Imtixaankiisa adag ee maalin- laha ah

 

sidii loo sugi lahaa amaanka Moqdisho ,isagoo og in uun haysto labo arimood:

 

In uu dhaliyo wax aan dhacayn (amaan) amaba uu gees iskataago siyaasada iyo xukunkaba.

 

14 saac ayuu shaqeeyaa siduu noo sheegay mid ka mida kaaliyayashiisu ka bacdi markuu ka cududaartay waraysi ay ka qaadi lahayd Sh/aawsat isagoo sheegey inuu ku hawlan yahay arimo la xiriira amniga .

 

Waxuu ka soo baxaa kulamo isbabajooga oo la yeesho Madaxwaynaha iyo R/wasaaraha iyo hogaamiyaasha ciidamada si uu ula kulmo hogaamiyaasha dhaqan iyo bulshada si uu ugu qanciyo hubka in laga joojiyo Caasimada wax yar buuna seexdaa. Waxuu leeyahay ninkaan ku soo barbaaray shabeelada dhexe waxaan awoodaa inaan sameeyo wax kastoo aan suurtoobayn hadii la helo dulqaad iyo go’aan.

 

Hadaba ma ku guulaysan ninkan dheeri inuu soo gaabiyo cimriga argagixisada

 

iyo degenaansho la’aanta ka jirta magaalao aanan seexan iyadoon dhabta ku haysan qarax halkan ama halkaasa ?

 

Qaahira : Khaalid Maxamuud

 

Wargayska Sharqul Awsat

 

Tarjume//A.hussein Eid

 

Waayaha.net.LOndon,UK

Share this post


Link to post
Share on other sites

In ka yar labo sano jawhar waxay noqotay xero amaan ah oo ku taal wadan ay dadkiisii ka noogeen dagaal ahli ah iyo madaafiicda codkooda , waxaad cawayn kartay ilaa aroortii adoon ka baqin amni xumo, waxuu qaaday dhamaan Isbaarooyinkii ay mileeshiyaadku ku baadi jireen dadka kagana qaadi jireen canshuurta.

 

Magaaladii ayuu sdi fiican u qabtay, waxuuna ku qaabilay dhamaan wafuudii u imaanaysay ,
xili uu Madaxwaynihii hore ee C/qaasim salad uusan ka bixi jirin Viladiisa ku taalay Moqdisho.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Canshuur uruuin ay dowladda hoose ka bilowday maanta qeybo ka mid ah G/Banaadir

 

Ciidamo ku lebisan dareyska ciidamada dowladda hoose ee Soomaaliya oo watay gaadiid u gaar ah ayaa maanta markii ugu horeysay lagu arkayay qeybo ka mid ah magaalada Muqdish oo ay ka qaadayaan lacago lagu sheegay canshuur.

 

 

Ciidamadan ayaa lagu arkayay maanta markii ugu horeysay Suuqyada ganacsiga ee G/Banaadir, gaar ahaana Suuqyada Maanoboolyo iyo Siinaay ee Waqooyiga Muqdisho, waxayna ciidamadani lacago ka qaadayeen goobaha ganacsiga sida, qeybta lagu iibiyo Qudaarta, Dukaamada, qeybtaha kale ee gaanacsiga, Qaadka iyo weliba gaadiidka BL-ka ah oo ay ku canshuurayeen Boostoojinka laga raro.

 

Dadweynaha ku ganacsatada suuqyadaasi iyo goobihii maanta laga qaadayay canshuuraha ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qaadista canshuurahan balse ay doonayaan in dowladda hoose ay sugto ammaanka goobahooda ganacsig, isla markaana ay lacagtooda ku bedeshaan amni.

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan

abdishakuurelmi@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this