Sign in to follow this  
Saalax

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Shaqadii Ka Eryey Masuuliyiinta Kastamyada Berbera

Recommended Posts

Saalax   

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Shaqadii Ka Eryey Masuuliyiinta Kastamyada Berbera iyo Kalabaydh Iyo Qaar Cusub Oo uu Ku Bedelay + Xog-waran Guud

Hargaysa (Oodweynenews)- Wasiirka cusub ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa shaqadii ka eryey Mas’uuliyiintii Kastamada Kalabaydh iyo Berbera, isla markaana waxa uu ku bedelay qaar cusub.

Tallaabadan uu ku dhaqaaqay Wasiirka Maaliyada, ayaa ka dambaysay go’aan xil-ka-qaadis ah oo uu shalay soo saaray, kaas oo uu si toos ah xilalkii ugaga qaaday Mas’uuliyiintii Kastamyada Kala-baydh iyo Berbera, isla mar ahaantaana waxa uu go’aankaas ku faray in mas’uuliyiinta cusubi isla maanta xilka la wareegaan.

Masuuliyiintan uu Wasiirku xilka ka qaaday ee Kastamka Kalabaydh, ayaa wax ay kala yihiin Agaasimihii Kastamka Cumar Xasan Caalin iyo labadiisii ku-xigeen waxaana lagu bedelay Maamulaha Kastamka oo noqon doona Cabdiraxmaan Ismaaciil Cali (Cirro) halka ay labadiisa ku-xigeena noqon doonaan Maxamed Ciise Muuse iyo Magool.

Sida oo kale Kastamka Magaalada Berbera waxa xilkii laga qaaday Maamulihii hore ee Kastamkaasi Maxamed Gahayr iyo labadiisii ku-xigeen oo kala ahaa Maxamed Gurey iyo Mustafe waxaana lagu bedelay Maamulaha cusub ee Kastamka Berbera oo noqon doona Maxamed Cali Cumar ku-joog (Hallaasi) iyo Sugule.

Masuuliyiinta cusub ee loo magacaabay Kastamada Kala-baydh iyo Berbera waxay shalay ka ambabaxeen Magaalada Hargeysa iyagoo ku sii kala jeeday goobaha look kala magacaabay.

Geesta kale, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay in uu wasiirkii hore ee maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil), kala wareegi doono dayntii uu diiday maalintii xilwareejinta haddii guddida baadhistu xaqiijiso in dayntaasi ku baxay sifo sharci ah. Wasiirka oo shalay u waramay idaacada VOA-da, ayaa rajo weyn ka muujiyey dhaqaalaha dalka oo uu sheegay in uu dadka reer Somaliland oo dhan ku filan yahay hadii I fiican loo maamulo, isagoo intaa ku daray in aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin dhaqaala xumida ay ugu yimaadeen kagalana wareegeen xukuumaddii Riyaale, taas oo uu farta ku fiiqay sida ay uga soo kaban doonaan, isagoo tilmaamay in ay samayn doonaan dhaqaale abuuris qorshihii loo mari lahaana ay ku jiraan.

Mar wax laga waydiiyey daynta aanu la wareegin nooca ay tahay ee ay wasaarada maaliyadu hore u gashay iyo cida loo raacayo haddii uu la wareegi waayo waxa uu ku jawaabay “Wixii dayn ah ee laga saxna ah waa la bixinayaa”.

Sidoo kale mar wax laga waydiiyey wadada ay guddigu u marayaan baadhistaa dayntaas aanu la wareegin waxa sheegay in ay ka caawin doonaan shaqaalahii oo iyagu hawshooda sii wata, isla markaana ay yaalaan documentayadii, waxa uu yidhi isagoo ka waramaya arrintaas “Horta waxa isbedelay waa siyaasiyiintii shaqaaluhu waa sidiisii, shaqaalaha mid walba halkiisiibu jooga ilaa darawalkii, documentigiina way yaaliin, meel maaha laga wada guuray.”

Sidoo kale mar wax laga waydiiyey saameynta ay ku yeelan karto dhaqaala xumida ay dhaxleen xukuumadda hore “Waxaan damacsanahay kolayba sida barnaamijka xisbigu yahay in aanu dadka u samayno shaqo abuuris waana la odhan karaayo, wax dhib leh maaha dalkuna dadka waa uu ku filan yahay, dalkuna dal la gabay maaha sida runta ah” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

Mar wax laga waydiiyey in ay daynta kala wareegi doonaan haddii ay guddigu soo xaqiijiso waxa uu ku jawaaba “Waanu ku khasbanahay inaanu qaadano wixi dayn ah ee sifo sharci soo mara ee guddigu soo xaaqiijisay.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ibtisam   

Oodweyne and co, what I want to know is who does SL owe money to? since they cannot borrow money externally is from the national bank or private people/ business. HOw does a none-recognised country have an external national debt almost equal to its budget?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Libaax yaan lagu shiddeyn, waxa laysku haystaa waa qarashkii xisbiga Udub doorashada ku galay baa Siilaanyo bixi la leeyahay :D

 

 

Odogu wuxuu yeeli karo maaha. Oodweyne wuxuu ku leeyahay waxani waa dawladii ingiriiskoo kale wazaaradii maalka xoogaa la gacgacmeeyey oo big deal maaha :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

AfricaOwn, it's properly because of the elections we know UDUB paid some of the election financial needs, while the outside commissions and qarmada midowga ee yurub paid half of it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Strange move. Why is he interfering in Berbera business. And that in his first week?

 

I assume they will soon fire the Port Director too?

 

We will keep monitoring the situation in Berbera.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this