dhulQarnayn Posted October 26, 2008 Alxamdulilaahi, Ilaahii na abuurtay ayee mahadi u sugnaatay, hadii maanta Soomaalida inteedi badneed ee fahmeen soomaalinimada iyo qaran nimada waxay tahay. Baryahaan waxaa aad loo hadal hayaa heshiiska dhexmaray dawlada federaalka iyo dhinaca mucaaradka uu hogaaminiyo Sheikh Shariif. Taasi waxay dhalisay in isla markiiba gobolada qaarkood ee nabadii saldhigatay. Tuusaala ahaan waxaan usoo qaadan karnaa gobolada shabeelada dhexe iyo Hiiraan iyo qaar farabadan oo markii horeba nabadi kajirtay, hase ahaatee moor'yaan garleyda fowdo ey ka wadeen, laakiin ciidamada qaranku ey kasoo sifeeyeen goboladaasi-- walina ciidamada qaranku ey wadaan qorsha ah iney kasifeeyaan moor'yaan garleydu gobalada ey ku harsanyahiin sida jubooyinka oo kale. Masha Allah, TFG-da howshii loo abuuray iney fuliyaan ifafaalaheedi ayaa soo if-baxay. Marka waxaan leeyahay kuwii moor'yaan garleyda taageerayaasha u ahaayow... "ishii buktooy ku bikaacso!". dhulQarnayn :cool: Republic Of California Quote Share this post Link to post Share on other sites