Sign in to follow this  
Cowke

Puntland Health Minister Implementing Immunization Program For Foreigners

Recommended Posts

Cowke   

Puntland “Waan qorshaynaynaa talaalka dadka ajnabiga ee soo galaya Puntlanf”

 

 

Maamulka caafimaadka ee dowlada Puntland ayaa ka dhawaajiyay in ay wadaan talaalo looga hortagayo cuduro badan oo ay kamid yahiin Swine flue-ga ,iyadoona wasaarada caafimaadka ee Puntland ay hada dhaqan galisay talaalka cuduro ay kamid yihiin cagaarshowga iyo cudurada maskaxda ku dhaca ee Minangites-ka loo yaqaano.

 

Amar ay dhowaan wasaarada caafimaadka ee maamulka Puntland soo saaratay ayaa farayay xujayda in ay qaataan taalaalo kahor inta aanay ka dhoofin garoomada diyaaradaha ee puntland,iyadoona inta badan ay qaateen talaaladaasi xujaydii la faray in ay qaataan,isida uu sheegay wasiirka caafimadka Puntland bashiir cali biixi isaga oo ka hadlaya talaalkaas.

 

Wasiirka wasaarada caafimaadka Puntland Bashiir cali biixi waxaa kaloo uu sheegay in ay wasaradisu ku tala jirto hadana ay bilowday talaalka cudurka hargab doofaarka oo ay hada qaar dawooyinkiisii hayaan dhowaana ay dardar galin doonaan talaalka cudurkaas.

 

Wasiirku waxaa uu sheegay in uu ku adkaynayo dhamaan xujayda iyo dadka kale ee ka dhoofaya Puntland in ay qaataan dhamaan talaaladii ay wasaaradoodu ku amartay qaadashadeeda.

 

Bashiir cali biixi wasiirka caafimaadka Puntland waxaa uu kaloo sheegay in ay wasaaradiisu dhowaan qorshaynayso in ay hirgaliso talaalo la siinayo dadka Ajaanibta ee soo galaya Puntland,iyagoona lagu amrayo in ay qaataan talaalka cudurka hargab doofaarka oo caalamka ku soo siyaadaya,laakiinse ay hada wasaaradu dar dar galinayso talaalada ay xujayda ka dhoofaysa garoomada Puntland lagu amray in ay qaataan.

 

Xiliga qaboobaha ah oo ay dilaacaan cuduro badan oo ay kamid yihiin shuban biyoodka ayaa waxaa wasaarada caafimaadka Puntland sheegtay in ay ka hor tagayso,iyadoona sida uu wasiirku sheegay ay u diyaariyeen kooxo ka hor tag ku sameeya cuduradaas kahor inta aany dilaacin.

 

Wasiirka caafimaadka Puntland waraysi dheer oo aanu la yeelanay ayuu ugu dambaytii sheegay in ay wasaaradiisu dardar galinayso sidii loo hagaajin lahaa caafimaadka magaalooyinka Puntland,iyagoona qorshaynaya in ay dhowaan gaaraan magaalooyinka ka fog fog laamiga oo aanay jirin wax daryeel caafimaada oo kajira deegaanadaas.

 

Xuseen Xasan Xuseen (Xuska)

SBC Internatioanl Monitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this