Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu peace talks seminar concludes...

Recommended Posts

Muqdisho: Siminaar loogu gogol xaarayey dib u heshiisiinta dalka oo lagu soo gabagabeeyay hotelka Kaah.

Isniin, February 12, 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Siminaar mudo Todobaad ah ugu socday Hotelka Kaah ee magaalada Muqdisho qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, iyadoo xafladii xeritaanka ay kasoo qeybgaleen xubno ka socday dowladda KMG ah.

 

Siminaarkan oo lagu baranayey qaabka dib u heshiisiinta iyo amniga gobolka Banaadir ayaa xeritaankii siminaarkan hadalo kasoo jeediyay xubno uu ka mid aha Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeelle oo sharaxaad ka bixinayey shirkan wuxuuna sheegay in shirkan uu yahay mid dadka lagu fahamsiinayo dadka qaabka dib u heshiisiinta ee loo baahan yahay, isagoo intaa raaciyay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka.

 

Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maxamed Cumar Dalxa oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada siminaarkan uu yahay mid loogu gogol xaarayo shirka dib u heshiisiinta ee Madaxweynaha uu ku dhawaaqay.

 

Siminaarkan oo mudo todobaad ah socday ayaa waxaa maal gelisay hey'adda UNDP waxaana soo qaban qaabiyay guddiga dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ku soo gabagabooway jawi degan inkastoo mudadii uu socday weeraro hubeysan lagu soo qaaday.

 

Cali Sandheere

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Aqoon-isweydaarsi loogu gogol xaarayay shirka dib u heshiiisinta Qaran oo maanta lagu soo gabagabeeyay Muqdisho (DAAWO SAWIRRADA)

Posted to the Web Feb 12, 16:47

 

jan1.JPG

 

 

Muqdisho (PP) – Aqoon-isweydaarsi loogu gogol xaarayay dib u heshiisiinta Qaran ee ay Dhawaan dowladda ku dhawaaqday ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay Hotel-ka KAAH ee Magaalada Muqdisho.

 

Siminnaarkaan oo ay ka soo qaygaleen in ku dhow 250-ergo ayaa waxaa looga hadlayay sidii dib u heshiisiin dhameystiran loogu sameyn lahaa shacabka Soomaaliyeed, waxaana ergadaan intii ay kulankaas fadhiday oo ahayd 7-casho ay ku soo bandhigeen aaraa kala duwan si uu ugu noqdo googol-xaar shirweynaha Qaran ee dhawaan lagu qabanayo gudaha dalka Soomaaliya.

 

Xiritaanka maanta ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyagu soo xiray kulanka, waxaana ka mid ahaa: Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Salaac Cali Jeelle, Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho dhinaca siyaasadda iyo nabadgalyada Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye), Guddoomiye ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca arrimaha bulshada Muriiddi Golf iyo xubno kale oo fara badan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ugu horreyn ayaa waxaa ka hadlay xafladda xirtaanka Siminnaarkaas Ergay ka socday hay’adda UNDP oo iyadu bixisay qarashaadka ku baxayay siminnaarka muddada 7-da casho ahayd oo lagu magacaabo Avv. Tahliil Xaaji Axmed, wuxuuna sheegay in kulankaan sababtii loo qabtay ay ahayd sidii uu googol-dhig ugu noqon lahaa heshiis waara oo laga gaaro khilaafaadyada ka dhex jira shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aaraada ka soo baxda ay u noqon lahayd mid saad u noqota qabashada shir weynayaal kale oo dib u heshiisiineed.

 

Duuliye Sare Cabdi Cismaan Faarax oo isagu ah Guddoomiye ku xigeenka Shirka oo isagana ka hadlay kulanka ayaa sheegay in sababta dhabta ah ee kulankaan loo qabtay ay ahayd sidii loo heli lahaa fikrado kala duwan oo saad looga dhigto marka la qabanayo shir weyne dib u heshiisiineed oo Qaran.

 

“In shir dib u heshiisiin ah dalka gudihiisa lagu qabto laguna heshiisiiyo shacabka Soomaaliyeed waa mid aan laga maarmayn, waayo xabbadii dhacda waxay ku dhacaysaa qor muhiim ah oo Soomaaliyeed, sidaa daraadeed, waa in shir dib u heshiisiin ah la qabto, kanna waxa uu googol xaar u ahaa qabashada shir dib u heshiisiin ah” ayuu yiri Duuliye Sare Cabdi Cismaan Faarax.

Share this post


Link to post
Share on other sites

jan3.JPG

 

Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo ah ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinacyada Siyaasadda iyo Nabadgalyada ayaa isaguna sheegay in shirar wax lagu doonayay muddo 17-sano ah, wuxuuna yiri sidan: “Showr waxaan wax ku raadinaynay muddo 17-sano ah, mana soconayso sidaan filayo wixii hadda ka dambeeya, waxaase loo baahan yahay in garbaha la is qabsado oo wax laga qabto dhibaatada ammaan-darro ee ka jirta gudaha caasimadda Muqdisho”.

 

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanaynaa inay garab nagu siiyaan soo celinta ammaanka Muqdisho, waa mid aan laga maarmayn in iskaashi lagu dhaliyo ammaanka Muqdisho, taasna waxay ku xiran tahay shacabka sidii ay gacan u siin lahaayeen xubnaha dowladda” ayuu yiri Shaaweeye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

jan4.JPG

 

Salaad Cali Jeelle oo ah wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya oo isagana halkaas ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto ammaanka guud ee Muqdisho, laguna taageero dowladda howlaha ay ka wado gudaha Soomaaliya.

 

 

“Shirkaan maanta halkaan lagu soo gabagabeynayo ma ahan mid ay dowladdu gacanta ku haysay, waxaana filayaa in shacabka intiisa badan sidaa laga dhaadhiciyay, balse haddaan u sheego shacabka shirkaan waa mid ay qabsadeen qaybaha bulshada, waana mid ay iyaga gacanta ku hayeen, ayna ka soo saareen fikrado ay dowladdu u raacayso qabashada shirweynaha Qaran ee lagu wado in dhawaan dalka gudihiisa lagu qabto” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Salaad Cali Jeelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Shirki waa dhamadey....where is the nabaad and dib u heshiisiinta ? No where to be seen, you know why? Cause this shir was not authentic and practical, nor was it designed to meet the needs.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It was a seminar a wrokshop set up by the UNDP and supported by the civil society groupings of Mogadishu. The recommendations will serve the real peace talks to be held for all clans inside the country..

 

Anyhow we have peace, we need to strengthen the security situation, disarm the population and put the police and security personel in important cities like Mogadishu, Kismayu, Marka, Baidoa and so on..

Share this post


Link to post
Share on other sites

jan5.JPG

 

Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka isla markaana ah ku simaha Madaxweyanha Soomaaliya oo shirkaas hadal dheer ka jeediyay ayaa sheegay in loo baahan yahay in shirkaan loo garto inuu yahay mid ay ummadda Soomaaliyeed qabsatay ee aanu ahayn mid ay dowladda Federaalka Soomaaliya qabtay.

 

“Waxaan maqlay in shacabka laga dhaadhiciyay in shirweynihii ay dowladda ku baaqday uu ka socdo Hotelka KAAH, balse taasi waa been aan sal iyo raad lahayn shirweynahaanna waa mid ay sameysteen qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoo saldhig uga dhigaya shirweynaha ay dowladdu ku baaqday oo ka dhacaya gudaha Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

 

Siminaarkaan ayaa ku soo gabagaboobay jawi ay nabadi ku jirto, waxaana xubnihii shirka ka qaybgalay ay isugu hambalyeeyeen muddadii 7-da casho ahayd ee ay halkaas fadhiyeen iyo qodoobadii ay ka soo saareen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this