Abwaan Posted September 28, 2006 Thurs, Sep, 28 2006,08:30 am--Mogadishu Somalia ICG oo ka digtay ciidamo keenista Somalia Mogadishu 28, Sep. 06 ( Sh.M.Network) Hay’ada xalinta khilaafaadka caalamiga ee ICG ayaa hadal digniin ah ka soo saartay ciidamada la sheegay in loo dirayo Soomaaliya ee garabka siinaya dowlada KMG, iyadoo ICG arrintaasi ku tilmaantay mid dhibaato sii horseedaysa, sida ay qortay wakaalada wararka ee Jarmalka ee DPA. Matt Braden iyo Mohamed Amiin Matt Bryden oo ah khabiir qaadaa dhiga arrimaha geeska Afrika oo ka tirsan hay’ada ICG ayaa sheegay in ciidamada loo dirayo Soomaliya ee lagu caawinayo dowlada KMG ee Baydhabo ay tahay arrin xal u keeni Karin dhibaatada Somaaliya. Bryden waxa uu sheegay in beesha caalamka ay tahay inay fahmaan in maxaakimta Islaamiga ay door muhiim ah ku leeyihiin hanaanka nabada ee Soomaliya oo waajib tahay in la heshiisiiyo iyaga iyo dowlada KMG, iyadoo la raacayo hab diblomaasiyadeed. Waxaa aad muhiim u ah buu yiri in beesha caalamka ay cadaadis saaraan labada dhinaca ee isku haya Soomaaliya inaanay cidleyn wadahadalka nabada. Dhinac kale agaasimaha barnaamijka Afrika ee hay’ada ICG, Suliman Baldo ayaa sheegay in maxaakimta ay si cad u diidan yihiin qorshaha ciidamo keenista ee Soomaaliya, iyagoo taa ka xiga inay la dagaalamaan ciidan kasta oo shisheeye oo soo galaya Soomaaliya. Hay’ada ICG ayaa rajo wanaagsan ka muujisay qabsoomida wareega saddexaad ee lagu balansan yahay in maxkamadaha iyo dowlada ay kulmaan dalak Sudan 30-ka bisha October, haddii beesha caalamka ay xoogaan saaraan arintaasi. Inkastoo dhaqdhaqaaqda dagaal ee hadda ka jira Soomaaliya ay fashilin karaan kulankaasi. Shabelle Media Network Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites