Cowke Posted October 13, 2009 Hotelada iyo Guryaha la kireysto oo ay Puntland isha ku heynayso! October 12, 2009 Hussein Farah Horseed Media Dowlada Puntland ayaa sheegtay in ay isha kuheyn doonto dhaq dhaqaaqa dadka soo gala deegaanada Puntland, ayadoo la socon doonta dadka yimaada ama dega Hotela iyo Guryaha la kireysto ee magaalooyinka Puntland. Qorshahan ku aadan dhanka amaanka ayaa laga soo saaray kulamo maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Bosaso, hay’adaha amniga, Sirdoonka, maamulada gobalada, degmooyinka iyo Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga. Qorshahan ayaa lagu tilmaamay mid looga gaashaamanayo in falal ka dhan ah amniga gobalada Puntland ay fuliyaan kooxo ka imaan kara koonfurta Soomaaliya iyo goobaha kale ee dagaaladu ka socdaan. Magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga ee Puntland ayay labo goor oo hore ka dhaceen qaraxyo bambaano oo lala beegsada goobo kala gedisan, ayadoo maamulka Bosaso sheegay inuu soo dhaweenayo dadaalka cusub ee lagula soconayo dhaq dhaqaaqa dadweynaha iyo xaafadaha magaalada. Waxaana lagu wadaa qorshahan oo uu maamulka Sheegay in laga fulin doono magaalooyinka waaweyn ee Puntland, in laga hirgeliyo Bosaso oo noqon doonta meelaha la rumeysan yahay in dowlada ay illa gaar ah ku heyso. Bishii lasoo dhaafayey ayay hay’adaha Midowga Yurub iyo kuwa Kale ee caalamiga ah deegaanada Puntland iyo Somaaliland, hoos u dhigeen heerkii kalsoonida in ay ka hawlgalaan shaqaalahooda, ayadoo arrintana ay la xariirto walaaca laga qabo in dagaalada ka socda koonfurta Soomaaliya ay ku fidaan gobalada nabadoon ee waqooyiga Soomaaliya. Lama saadaalin karo sida ay dowlada Puntland ugu hirgeli doonto inay fuliso hawsha baaxadaleh ee la socoshada dhaq dhaqaaqa kumanaanka kun ee dadka Soomaalida ah ee isaga kala goosha Puntland iyo gobalada kale ee dalka Soomaaliya. Ayadoo ay horey u dhacday in magaalada Bosaso ay ka dhacaan qaraxyo xoogban, magaalada Bosaso ayaa leh hal kontarool oo ay gaadiidka kasoo galaan, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada amniga. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites