Jabhad Posted November 27, 2006 Is this a hoax from a clannish website? Cabdullahi Yusuf Oo Markale Ku Noqday "Coma" Xaaladiisana Ay Aad U Daran Tahay Baydhabo, 11/26/2006 - War goor dhaweyd inaga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegayo in madaxweynaha dowlada KMG ah, Cabdullahi Yusuf Axmed, uu dib ugu noqday miyir la'aantii (coma) ee uu mar galay doraad. Madaxweynaha ayaa doraad istaaga ka dhacay isagoo coma ama miyir la'aan ahaa mudo 12-saacadood ah xanuun kaas oo ahaa xaga beerka ah. Warkaas markaanu soo galinay doraad ayaa dad inala soo xiriiray oo sheegtay inay ehel dhaw u yihiin Cabdulaahi Yusuf waxey sheegeen inuu xanuunka madaxweynaha ahaa mid qabatin ah oo uu waligii lahaan jiray ee aysan aheyn xaga beerka. Hase yeeshee xanuunka madaxweyne Cabdullahi Yusuf oo ilaa doraad soo noqnoqonayey ayaa la inoo xaqiijiyey inuu yahay xanuun xaga beerka ah. Waa markii labaad oo uu madaxweynuhu galo coma mudo saddex maalmood gudahood ah, iyadoo inti badneyd isbuuci la soo dhaafay uu gurigiisa ku xanuunsanayey. Madaxweyne Cabdullahi Yusuf ayaa ah nin da' ah isla markaana wato beer laga soo gooyey qof baqtiyey oo ay si artificial ah ugu xireen dhaqaatiir caalami ah. Cabdullahi Yusuf ayey dhowr jeer dhaqaatiirta kula taliyeen inuu nasto isla markaana uunan qaban howlaha u baahan istaaga badan, socodka joogtada ah ama fikirka dheer. Xaalada caafimaad daro ee madaxeynaha ayaa waxey ku soo aaday xili ay dalka Soomaaliya ku soo qulqulayaan ciidan Itoobiyaan ah oo uu sheegan jiray inay dalka u qaban doonaan, isla markaana hubka uga dhigi doonaan beelo uu si gooni ah farta ugu fiiqi jiray. Waanu la sii socon doonaa xaalada caafimaad ee Cabdulaahi Yusuf. Xasan Cali Wehliye Wabishabeele Muqdisho Contact: wabishabeele@hotmail.com source: http://wabishabeele.com/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted November 27, 2006 "fainting" iyo "coma" shimee same noqdeen? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted November 27, 2006 ^MMA,stay tuned to this site for further info. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Temujin Posted November 27, 2006 Naceebkooda halkaas miyuu gaadhe. Quote Share this post Link to post Share on other sites