Mr. Somalia Posted August 20, 2010 Magaalo walba oo dunida ka mid ah waxay leedahay acyaan iyo odayaal hoggaaamiya magaaladaas maamulkeeda. Ka warqaba, ilaashada isla markaana hagga.hasse ahaatee waxaa waqtgan muuqanaysa in magaaladda ugu weyn Puntland aanay lahayn wax acyaan ama odayaal ka damqada xaaladaha adage e ay ku dhex jirto, waxaamararka qaarkood maqlayaasaa arrimo welwel leh oo u baahan in odayaashu wax ka qabtaan, isla markaana aanay jirin cid wax ka qabanaysa. Labaatankii Sano ee ugu dambaysay waxaa si xowli ah u balaaratay Boosaaso oo u koraysay si aan isu miisaanayn, isla markaasna aan lahayn cid si gaar ah u ilaashata, markaad eegto magaalooyika kale ee Puntland waxay leeyihiin dad acyaan ah oo u damqada isla markaana ilaaliya dadka ku nool magaalooyinkaas kale , Gaalkacayo, Garowe, Qardho, Baran, Laascaanood intaba waxaad ku arkaysaa odayaal iyo acyaan kale oo danahooda si gaar ah ugu taagan, haday ahaan lahayd nabad gelyada iyo horumarkaba. Wax badan ayey ku weyday Boosaaso marnaanshahaas oday-dhaqameedyadda ama acyaanta kale. Kolkaas ayaa waxaa la isweydiin karaa Boosaaso yaa iska leh???. Ma ahan in lagu jaahwareero waxyaabo badan oo maanta la wada arko. Dadka degaanka ayey u taalaa siday wax uga qaban lahaayeen gol-doloolooyinka muuqda iyo in Boosaaso tahay meel aan cidi lahayn ‘’No Man’s land’’. Ma muuqdaan cid ay si gaar ah u damqayso xaaladaha ka jira Boosaaso oo ay ugu horayso amni daradu, mana jiraan dad si gaar ah ugu qareemaya waxyaabahaas keeni kara in dib u dhac weyni ku yimaado Boosaaso oo halbowle u ah Puntland dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba. Waxyaabaha ka dhacay Boosaaso ma ahan kuwa la sii eegan karo, waxaana lagama maarmaan ah in la helo cid ka hadasha qaabka aan fiicnayn ee Boosaaso ku socto. Geel jirtu Geella waa wada jirtaa, waana kala jirtaa. Waxyaabaha qaar ayaa u muuqan kara in Boosaaso lala doonayo in la burburiyo, waxayse ku haboonaan lahayd in dadkeedu dareemo halista ah waxyaabaha muuqda ee soo socda. Dhan walba magaaladda Boosaaso waa ka dib dhacsan tahay, waana khasab in la helo cid isu taagta oo marxaladan wax ka bedesha. Shacbka ayaa waxaa loo baahan yahay inay kaalin muuqata ka qaataan sidii looga gudbi lahaa marnaata dhinaca isku xirnaanshaha dadka degaanka oo u baahan inay wada dareemaan kaalintooda lama huraanka ee ah inay ka qayb qaataan nabadgeliyada iyo horumarka Boosaaso. Waxaa dhab ah in maamul kasta oo jiraa waqti leeyahay, balse dalka iyo dadku ay yihiin kuwa jira oo marwalba u baahan in loo asteeyo nolol horumar iyo amni leh, mana jirto cid si gaar ah ugu faa’iidaysa kharbuda. Taas oo keeni karta cawaaqib xumo soo dhoweysa in dagaal sokeeye uu bilowdo. Ma ahan in qof muwaadin ah la dilo oo hadan la garanwaayo cida dishay, mana ah in qof shacab ah la dilo iyadoo aan la aqoon sababta loo dilay. Waa arrin dareenkeeda leh in mar xaaladda Boosaaso u sii gudubto dagaal iyo is ugaarsi magaaladda dhexdeeda ah. Arrimahaas oo hadhow la xakamayn kari waayo. Gundhiga xal u helida Boosaaso ayaa waxaa sal u ah dadka degaanka oo aanay ka muuqan isku xirnaansho iyo inay ka fekeraan aayaha ubadkooda, waxaa aad u haboonaan lahayd in Boosaaso hesho cid u wakiil ah oo degaanka ah oo ka damqata wel-welka dhinacyada badan leh ee isa soo taraya, waana in la helaa cida iska leh Boosaaso oo oran karta sidaasi sidaa ma ahan. Dhabar jabka ugu weyn ee haysta Boosaaso ayaa loo qaadan karaa inaanay jirin cid iska leh Boosaaso. Hadii la heli lahaa cid leh Boosaaso waxaa la oran kari lahaa kuma jirteen marxaladda xilligan ay la daalaa dhacayso. Bosaaso yaa ku leh???,,,, Ma waxaa leh kuwa ganacsiga iyo dhaqaalaha ku haysta, ma waxaa leh kuwa ku baraaray iibsiga dhulkeeda oo dacal iyo daraf cabirtay, ma waxaa leh kuwa khalkhalka gelinaya nabadgeliyada, ma waxaa leh kuwa yiraahda asalka anagaa Boosaaso ehel u ah, ma waxaa leh dadka u soo barakacay, ma waxaa leh xamaalka dekeda Boosaaso, ma waxaa leh ciyaalka Mobilada dadka ka furta, ma waxaa leh Ciyaal Qudus, Fay Cali iyo Yaa Quwmanaa, ma waxaa leh Boosliska aan awooda u lahayn in qofkii wax dilay soo qabtaan, ma waxaa leh Maxkamadda Boosaaso Garsoorayaalka jooga, ma waxaa leh …… horta Boosaaso yaa ku leh??? Gabagabadii ayaa ah inaan xalka magaaladda Boosaaso dhoweyn ilaa la helo cida iska leh Boosaaso’’Ownership’’ ee ka damqanaysa xaaladaha aan rajada lahayn ee soo muuqda kuwaasoo sal u noqon kara waxyaabo badan oo aan la saadaalin kari waqtiga la joogo, waxayse xaaladu ku soo noqon kartaa marka Boosaaso beelaha degaa ay isku waafaqaan iskuna raacan ilaashigeeda iyo dhowristeeda dhinac walba ah. Dhinac horumarineed iyo mid amaanba. Qoraa Madax-Banaan C.S.M. Dheere Email: isse80@gmail.com Source: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mr. Somalia Posted August 20, 2010 Anigu waxaan oran lahaa Boosaaso dadka dagan baa leh, waana wax gar ah inay ilaalshadaan nabadgalyadooda iyo sharaftooda iyo bilicda magaaladooda. Waana fiicnaanlahayd iney leedahay hogaan taladu ka go'do oo dadka deegaanku u wada dhanyahay. Waxaan qabaa maamulka Garowe uuka soo magacaabey Faroole, waxaa ka fiicnaan lahayd iney dadka deegaanka iska dhex doortaan maamulkooda si cadaalad-ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted August 20, 2010 Bossaso needs a tough competent Mayor, a Rudy Guiliani of sorts with zero tolerance for crime. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Beer-Gaal Posted August 21, 2010 Does it really matter who owns Bosaso? no it doesn't unless some one is trying here reer hebel stuff!. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdinasir Kadawo Posted August 21, 2010 Soomaali baa leh! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fiqikhayre Posted August 21, 2010 ^Muqdishu unuka leh, Bossaasana Soomaali baa leh waa caqligiina. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdinasir Kadawo Posted August 21, 2010 Ma anaa ila hadlaysaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdinasir Kadawo Posted August 21, 2010 dabcan anaa ila hadlaysaa. Oo goormaan ku iri Muqdisho anaga(lahjadeyda)/unuka(lahjadaada) leh? Yaase i raacineysaa oo jamac iiga dhigtay(unuka)? Waa yaabka yaabkiise. Quote Share this post Link to post Share on other sites
MZanzi Posted August 21, 2010 Originally posted by Sakhar_The: ^Muqdishu unuka leh, Bossaasana Soomaali baa leh waa caqligiina. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Dhagax. Posted August 21, 2010 ^Xaa la qoslee ? Afka inuu kula tariiqmo makacabsanaysidooo! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 21, 2010 Originally posted by Sakhar_The: ^Muqdishu unuka leh, Bossaasana Soomaali baa leh waa caqligiina. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kamaavi Posted August 21, 2010 Originally posted by Sakhar_The: ^Muqdishu unuka leh, Bossaasana Soomaali baa leh waa caqligiina. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Land_Soldier Posted August 22, 2010 Very good analysis. The author describes that the current security situation in Bosasso is due to the fact that the city is not of a particular group or tribe specificly therefore elders dont feel they are somehow 'ownership' for the city. So the author calls upon the tribes of the city to come together and take resposibility. Unfortuantly the author doesnt mentioned that the succes of Bosasso(increase population, economic growth, etc) is also due to the fact that the city is of everyone and nobody specific. Therefore many saw an open chance to start a business, build a house, look for a job, etc. So if you go and define who's city it is or certain sub-tribes take ownership, you could loose some of that succes. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Libaax-Sankataabte Posted August 23, 2010 Originally posted by Sakhar_The: ^Muqdishu unuka leh, Bossaasana Soomaali baa leh waa caqligiina. Quote Share this post Link to post Share on other sites