Gabbal Posted January 2, 2006 Maxakamada Kismayo Oo Maanta Damiin Ku Siideysay 9 Qof Oo Ku Eedeysan Dilkii Marxuun Guraage Waxaa manta abaare 1: 35 daqiiqo la soo taagay maxakamada magaalada kismayo sagaal nin oo ku eedesynaa dilkii marxuun ka tirsanaa qaramada modobay oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Muuse Guraage oo dabayaaqadii sanadii 2005 ta lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo. Goobta maxakada lagu saarayay ragaan ayaa waxa ku suganaa oo ka soo qayb galay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka Isbahaysiga Doxada Jubba iyo dadweyne loo ogalaaday in ay wax ka dhagayestaan dacwad qaadista ragan eedesyanayaash ah. Waxaana ugu horeyntii maxakamada ka bilowday soo jeedinta dacwadaha loo hayesto ragan ayadoo daqiiqado kadibna ay xeer ilaaliyeyaasha ay soo jeediyeen in ay racafaan ka qaadashada maxakada ee ragaan ay dib u dhacday waxaana ay maxakamadu ay so jedisay in ragaan eedesyanayasha ah si damiin ahaan ah loo siidaayo inta dacwad qaadistoodu ay dib u furmayso waxaana islamarkiiba la magac dhabay ugaasyo iyo nabadoono ku heyab ah ragan eedeysanayaasha ah oo markaasi ku sungaa goobta ay dacwadu ka socotay. Ninka ugu sareeya maxakamada oo lagu magacaabo sheekh Maxamed Cali dheere (Maxamed Facaye ) oo saxaafad la hadlay ayaa waa uu sheegay in siideynta ragaan ay tahay mid maslaxadu ku jirto sababtoo ah ayu yiri shareecadu ma qabto in qof bini aadam ah u xabsi isaga jiro ayada oo aan danbigisa la so cadeyn sidaas ayaana ugaasyada iyo nabadoonada oga codsanay in ay damin ka noqdaan ragan eedeysanayaasha ah. Hadab maxakamadeynta ragaan ayaa waxaa ay ahayd hadal heytna ugu badan oo ay isweydin jireen dadka reer kismayo balse haatan waxaa wali suaal ka taagan tahay goorta ay dib u bilaabanayso dacwada qaadista ragan oo sida la sheegay ay wali socoto danbi baaristoodii ayadoo tani ay noqonayso talaabo ka mid ah kuwa la doonayo in dib loogu soo ceshto kalsoonida beelo ka gadooday xabsi dhigida ragan. Gedonet News Desk Gedonet, Kismayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted January 2, 2006 Damiin lagu sii daayay dadkii ku eedeysnaa dilkii Sarkaalkii Q.M Kismaayo 01 Jan. 06 ( Sh.M.Network) 9 kii qof ee loo heystay dilkii loo geeystay sarakaalkii Q.M ee lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa lagu sii daayay damiin, ka dib markii maxkamad la soo taagay maanta. Saakay abaarihii 8:30 kii subaxnimo ayaa waxaa ka furmay maxkamada magaalada Kismaayo dacwado lagu qaadayo 9 kaan eedeysane oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen dilkii Marxuum Guraage. Gudoomiyaha Maxkamadaasi oo hadal ka jeediyay furitaankii maxkamadda ayaa u mahadceliyay dhamaan dadkii ka soo qeybglay dacwada, iyadoo ka dib uu microfoonka qabsaday Xeer ilaaliyaha maxkamada Xaaji Saalax Max'uud oo ka hadlay amuuro badan oo ku saabsan eedeysanayaashaan ayaa waxa uu ka codsaday Maxkamadda iyo garsoorayaasha in damiin lagu siidayo dadkaasi, iyadoo baaritaankana uu halkiisii ka sii socdo. waxa uu sheegay in uu arkey dhibaatoyin badan oo ragaani ku heysta gudaha xabsiga iyo sida ay ugu baahan yihiin in ay xuriyad helaan. Garsoorayaasha oo si gooni ah kulan u qaatay ayaa waxa ay sheegeen in ay aqbaleen codsiga Xeer ilaaliyaha , iyadoo 2 ka mid ah maxaabiista la waayay cid damiinata, waxaana mudo yar ka dib damiintay Gudoomiyaha degmada Kismaayo Daahir Carabeey. Marxuum Guraage oo isagu Q.M u qaabilsanaa dhinaca amaanka ayaa kooxo hubeysan waxa ay toogasho ku dileen horaantii bishii October ee sanadii tagtay, isagoo ku sii jeeday gudrigiisa oo ku yaala magaalada Kismaayo. Shabelle Media Network, Kismaayo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted January 2, 2006 Taariikhda Marxuumka oo kooban ------------------------------ Maxamuud Sheekh Muuse Warsame (Uraage) waxa uu sanadkii 1959kii bishii Disember ku dhashay magaalada Moyale ee wadanka Itoobiya, Hooyadiis ayaa waxa la yiraahdaa Nuuriya Maxamed Geelle waxana ay iminkaba ku nooshahay magaalada Moyale ee wadanka Itoobiya, waxana ay dhashay 4 wiil oo amxaaro ah oo ay marxuum Maxamuud Sheekh Muuse Uraage isku hooyo yihiin. 1977dii ayuu marxuumka aabbihiis Sheekh Muuse Uraage dhintay, xilligaasna marxuumka Maxamuud Muuse Uraage waxa uu jiray dhinaca Kenya. Waxbarashadiisii hoose iyo dhexeba waxa uu ku soo qaatay isla magaaladaas Mooyaale ee uu ku dhashay, in kasta oo xilligaas aanu jirin dugsi sare ayaa waxa uu Maxamuud Sheekh Muuse Uraage u wareegay dhinaca Kenya magaalada Mombasa, halkaas oo uu illaa heer Jaamacadeed ku gaaray, waxana uu ka dhigtay Mombasa Jamacad isaga oo ku soo takhasusay cilmiga Injineeriyada oo uu ka watay shahaadada Masterka. 1982 horraanteedii ayuu marxuum Maxamuud Sheekh Muuse Uraage waxa uu yimid wadanka Soomaaliya isaga oo ka soo galay dhinaca magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, waxana markiiba qabtay ciidammadii booliska Soomaaliyeed oo u arkay inuu yahay basaas Kenyaan ah maadaama uusan marxuumku aqoonnin afka Soomaaliga, isla markaasna uusan Soomaaliya imaannin marka laga reebo hal bil oo uu xilligii uu yaraa yimid Muqdisho. Muddo 2 bilood ka dibna waxaa loo sii dhaadhiciyay dhinaca xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo halkaas oo uu ku xirnaa 3 illaa 4 bilood. Muddadaas ka dibna Nabad sugidda Soomaaliyeed xafiiskeeda Muqdisho ayaa soo amray Kismaayo in ninkaas loo soo dhaadhiciyo Muqdisho. Waxaana markii Muqdisho la geeyay isaga oo weli xiran kiiskiisa loo xil saaray sarkaal ka tirsanaa nabad sugidda Soomaaliyeed xafiiskeeda Muqdisho, xilligaas oo dhan waxaa loo haystay in uu yahay jaajuus ka yimid waddamada Itoobiya iyo Kenya, waxana dhibaayay afka Soomaaliga oo uusan si fiican u aqoonnin. Sarkaalkii baarayay ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu marxuumka weydiiyay magiciisa oo dhameystiran waxana uu u sheegay waxaa la i yiraahdaa Maxamuud Sheekh Muuse Warsame Beddel (Uraage), waxaa kaloo la weydiiyay aabbahaa cid la dhalatay ma taqaannaa mase jiraan xaggee ayeyse joogaan, waxana uu marxuumku ku jawaabay waxaa la dhashay laba nin oo adeerraday ah, waxana aan aqaannaa oo keliya mid, waxana la yiraahdaa Xasan Warsame Bedel waxana uu joogay Soomaaliya. Sarkaalkii baaritaanka waxa uu gartay Xasan Warsame oo xilligaas ka shaqeyn jiray dekeddii hore ee magaalada Muqdisho, waxana uu u tegay Xasan Warsame oo uu weydiiyay su’aalo la mid ah kuwa uu weydiiyay wiilka, waxana ka mid ahaa su’aalahaas, ma jiraan wiil aad adeer u tahay oo Kenya jira, waxana uu ku jawaabay HAA waxaana la yiraahdaa Maxamuud Sheekh Muuse Uraage, haddaad aragtid ma garanaysaa ayuu mar kale sarkaalkii weydiiyay Xasan Warsame (Xasan Fuusto) waxana uu Xasan Fuusto yiri haa, waa uu soo waday oo waxa uu kor keenay niman badan dabadeedna ka soo dhex saar ayuu yiri waana uu ka soo dhex saaray. Sida uu Xasan Warsame oo marxuum Maxamuud Sheekh Muuse Warsame (Uraage) adeer u ahaa ii xaqiijiyayna waxa uu sii deyntiisa ka soo maray dhibaato xoog leh, ugu dambeyntiina waa uu ku guuleystay. Dowladdii Soomaaliya ee xilligaas ayaa waxa uu ka waayay marxuumku shaqo u qalanta, waxana uu shaqo la’aan ahaa muddo dhan, sarkaal ciidanka ah ha lagaa dhigo ayaa mar la yiri waana uu diiday. Aqoontiisa oo sarreysayna waxay soo jiidatay dad badan waxana uu si ka fiican sidii hore u bartay luqadda afka Soomaaliga. Xilli aanan hadda la xusuusneyn laakiin 80aadkii ah ayuu waxa uu shaqo hoose ka helay warsahaddii bariiska ee Mugambo, muddo yar dabadeedna waxaa loo tix geliyay aqoontiisa iyo shahaadadiisa iyo weliba kartidiisa waxana uu noqday injineerka keliya ee Soomaaliga ahaa ee mashruucii Mugambo ee bariiska. Waxa uu sare u qaaday wax soo saarkii mashruuca, isaga oo weli sidii u wada mashruucaasna waxaa dhacday dowladdii Soomaaliya, dalkuna waxa uu galay dagaal iyo qalalaase. Waxa uu marxuumku dib ugu laabtay wadanka Itoobiya magaaladii uu kaga dhashay ee Mooyaale, halkaas oo uu intii Mudda ahba ku sugnaa. Waxa uu dib dalka ugu soo noqday 1995tii xilligaas oo uu yimid gobolka Gedo magaalada Beledxaawo waxana uu markiiba ka helay shaqo Field Officer ahaa hay’ad mareykan ahayd oo la oran jiray International Rescue Committee (IRC) shaqaalihii la shaqeyn jiray oo aan qaar kala kulmayna waxa ay ii xaqiijiyeen in uu ahaa nin qaali ahaa oo aad ugu fiicnaa dhinaca xallinta khilaafaadka, aqoon ahaanna dhisnaa. Waxa uu shaqadaas waayay markii ay guurtay IRC, ka dibna dhowr shaqo oo yaryar ayuu marar kala duwan qabtay, waxana uu Kismaayo tegay sanadkii 2001 isaga oo daneynayay in uu ka shaqeysto. Hay’addii ugu dambeysay cimrigiisa ee uu la shaqeynayay ee UNDP ayuu waxa uu shaqo ka helay dhammaadkii sanadkii 2003 isaga oo ka ahaa ku xigeenka dhinaca ammaanka ee gobollada Jubbooyinka u qaabilsan UNDP. Ifka waxa uu uga tegay hal xaas oo la yiraahdo ina Cabdi Qalalab iyo 4 carruur ah oo ay u haysay oo kala ahaa 3 wiil iyo gabar. Waxa uu ahaa nin ku hadli jiray luqadaha English, Kswahili, Amharic iyo Somali waxana uu ahaa nin deggan aamus badan isla markaasna xurmeyn badan oo xishood badan, ma ahayn dadka maqaayadaha iska fadhiya mana ahayn shaqsi siyaasadeed, waxa uu daacad u ahaa shaqadiisa. Allaha u naxariisto ----------------------------- am Quote Share this post Link to post Share on other sites