Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Labada lug labada dhan ha igu jirto

Recommended Posts

Sheekadaan waxaa waaye faleebada labada meel aan ka cabaa. Waa kuwa corrupt-laden sheegto inay Bari ka taliyaan, iyagaa ula jeedaa. Markee dantooda ugu jirto dowlad ku sheega ee kumeelgaarka ayee aaminsanyihiin oo kamid nahnay dhahaan, markee dantooda masuqmasuuqa ah kasoo horjeesadana waaka baxnay ayee ku hanjabaan, oo gooni ayaa u taaganahay.

 

Maraqa labada meel aan ka cabaa waaye sheekadooda.

-----------

 

Gen. Cadde Muuse: Puntland kama tirsana DFKMG ilaa laga samaynayo dastuur federaal ah

 

Qoraal uu [Maarso 22, 2008] soo saaray madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL), Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) oo cinwaankiisu yahay "Tubraaca Siyaasadda Dawladda Puntland" [oo ay faafisay Warbaahinta Xafiiska madaxtooyada Puntland]
ayaa si qeexan u sheegay in Puntland aysan xilligan ka mid ahayn Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah (DFKMG) iyo in Puntland u madax bannaantahay Shuruucdeeda
ilaa laga helayo dastuur ay yeelato DFKMG.

 

Waxana uu Gen. Cadde Muuse hadalka u dhigay sidan: "
Inta laga helayo dastuur federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha dawlad goboleedyo ku qanacsan qaybsiga awoodaha iyo khayraadka, taageerada Dawladda Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay DFKMG ah - Puntland waa u madax bannaan tahay shuruucdeeda, siyaasaddeeda iyo daneheeda
."

 

Qoraalka Gen. Cadde Muuse ayaa kusoo beegmay laba maalmood kadib [
] markii qoraal ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje) uu ganafka ku dhuftay sharciga Batroolka ee Puntland, isagoo yiri: "Waa arrin aan la ogolaan karin in Dawlad Goboleedka Puntland oo ah laf-dhabarta Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ay si bareer ah ugu tacadido xeerka u yaal XFKMG ee Soomaaliya, kaas oo si cad u qeexaya awoodda ay kala leeyihiin Xukuumadda FKMG iyo Dawlad goboleedyada. Awoodahaas oo sheegaya in khayraadka dabeeciga ah, sida batroolka, macdanta, iwm ay yihiin hanti qaran masuulna ay shacabka uga tahay Xukuumadda FKMG ee Soomaaliya; ayna tahay awoodda iyo masuuliyadda XFKMG, in ay u dajiso siyaasad iyo sharci lagu maamulo si looga faa'iideeyo dhammaan shacabka Soomaaliya."

 

Maamulka Gen. Cadde Muuse waxa uu hore ugu hanjabey haddii DFKMG ay soo "farageliso" arrimaha Batroolka Puntland in markaas DGPL ay ka go'i doonto DFKMG. Waxaana jira
oo Puntland samaysaneyso (oo aan weli la ansixin) kaas oo u muuqda mid arrintaas go'itaanka u gogol dhigaya.

 

Weli ma jiro war sugan oo ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde, oo ku aadan hadalka cusub ee madaxweynaha DGPL ku sheegay in aysan ka mid ahayn DFKMG iyo weliba dastuurka cusub ee ay samaysaneyso Puntland.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Si cad baaba loo dafiray ka waran ,,,,, kama mid aha ku lahaa. Sowtii ciidankiisiina la hoos geeyay tfg da ,, mise wuu kala noqday tolow ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this