Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Maxaakiimta oo xidhay 5 nin ,14 kalana shaqadii ka caydhiyay shaki la xidhiidha inay

Recommended Posts

Maxaakiimta oo xidhay 5 nin ,14 kalana shaqadii ka caydhiyay shaki la xidhiidha inay

bixiyeen warqad sira oo laga xaday xafiiska Xasan Dahir Aweys.

 

Gollaha Maxkamadaha Muqdisho ayaa xabsigga u taxaabay 5 nin oo ka tirsanaa

hoowlwadeena xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shuuradda Xasan Dahir Aweys,waxaana sidoo

kale shaqadii laga ceeydhiyay 14 kale oo iyana looga shakiyay inay gacan wayn ku

lahaayeen bixinta Warqad sira oo Somaliland la gaadhsiiyay taayoo ay ku qorneed

qorshe lagu qaarijinayo madaxda sare ee xukumadda Somaliland.

 

Ragga la xidhay oo ay ka mid yahiin mashaa'iiq caana oo ka yimid dibadda ,oo ay kaga

soo baxeen jaamacado ayaa Golaha Maxaakiimta ka caawin jiray dhinaca hab qoraaleedka

iyo toosinta luqadaha,waloow dhinaca kalana kooxda shaqadda laga eryay ay u badan

yahiin shaqaalahii xafiiska warfaafinta.

 

Warqadda sirta ah ee ka baxsatay dhanka Maxaakiimta lagu faafiyay websites-ka

Somaliland ayaa aad kaga cadheeysiisay Sheekh Dahir Aweys oo ku hanjabay inuu

tilaabo adag ka qaadi doono ,cidii ka dambeeysay faafinta warqadaa.

 

Shekh Dahir Aweys oo ka soo laabtay safar dhinaca Sacuudi Carabiya ah wuxuu wada

hadalo la leeyahay madaxda golahiisa ee Maxaakiimta,inkastoo dhanka kale dagaal ka

soo wajahay jiidda Buurhakaba oo ay la wareegeen Ciidamadda Dowladda Cabdilahi

Yuusuf yeey.

 

Mohamed Hassan Hussein

 

Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this