Sign in to follow this  
SOO MAAL

Deeqdii Gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn Ee Ay Qaramada Midoobay Soo Marin Jireen ...

Recommended Posts

SOO MAAL   

Deeqdii Gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn Ee Ay Qaramada Midoobay Soo Marin Jireen Maamulka Hargeysa Way Joogsatay, Waxaana Loo Wareejiyey Dhanka Maamulka Puntland.

Warkii: Apr 12, 2005

 

Hargeysa (Radiossc.com) Warar aanu ka helnay ilo si aad ah loogu kalsoon yahay, bishan aynu ku jirno waxay qaramada midoobay soo saartey go’aamo ay ku muujinayso mowqifkooda ku aadan deeqdii gobolada SSC ee sida bahalnimada ah loogu cuni jirey Magaalada Hargeysa.

 

 

Ergeyga u qaabilsan deeqaha qaramada midoobay ay Soomaaliya ugu tala gashay, Mudane Maxwell waa kii dhawaan soo gaadhay caasimadda Gobolka Waqooyi Galbeed, wuxuuna maamulka halkasi ka jira u sheegay go’aankooda ku wajahan deeqdii gobolada SSC inay u wareejin doonaan dhinaca Dawlad Goboleed ka Puntland.

 

 

 

Inkastoo uu ku dadaalay maamulka Hargeysa ka arimiyaa sidii aysan gacantooda uga bixi lahayn deeqdaasi, oo ay dana badan ku fushan jireen, si aad ahna ayey ula xidhiidheen ila xarunta qaramda midoobay, iyagoo doonaya inay hadafkooda ka dhaadhiciyaan, misana waxay wararku intaasi ku darayaan in aysan ku guulaysanin, waxaana arrinkaasi meel cad iska taagay Mudane Maxwell.

 

 

 

Hadaba warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay waxay noo sheegeen in bishan aynu ku jirno ee Abriil ee 2005 wixii ka dambeeya inay goboladaasi deeqdoodii loogu tala galay si xalaal ah ugu soo mari doonto Dawlad Goboleedka Puntland. Si hadaba deeqdaasi ay u noqoto mid goboladaasi wax u tarta, waxna loogu qabto, waxaa iyaduna mudan in aqoonyahanada u dhashay gobolada SSC ee ka tirsan dawlad Goboleedka Puntland inay hawshaasi xil iska saaraan, isla markaasina ay ku dadaalaan sidii deeqdaasi wax loogu qaban lahaa.

 

 

Hargeysa, Soomaaliya

 

Qormadii: Radiossc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this