Sign in to follow this  
General Duke

Warlord Bootan Calin loses to courts....

Recommended Posts

Wasiirkii hub ka dhigista Bootaan Ciise oo aan la garanyn goob uu u baxsaday dagaalkii saakay kaddib

Posted to the Web May 31, 12:07

 

 

Muqdisho (PP) - Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin ayaa waxaa ka soo baxaya goobta uu abbaaray warar is khilaafsan iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu aaday dhanka Degmada Jowhar oo uu u baxsaday.

 

Mar aan booqday deegaanka Suuqa Xoolaha oo uu deggenaa oo saakay dagaallo culus ay ka dhaceen ayaa waxaa ku sugnaa ciidammo ka tirsan kuwa miwoga gurigiisa, waxaana tani ay keentay in la is weydiiyo halka uu u baxsaday Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin oo isagu halkaas ay ciidammadiisu ka talinayeen.

 

Wasiirka ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan inuu nafta ula baxsaday dhanka Degmada Jowhar oo uu ka taliyo Maxamed Dheere oo ay ka wada tirsan yihiin Isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisada, waxaan sidoo kale la sheegayaa inuu ku sugan yahay Degmada Balcad oo aanu horay u sii gudbin isla markaana wado abaabullo uu ku soo weerarayo fariisimadii saakay lagala wareegay.

 

Warar kale ayaa sheegaya inuu u baxsaday dhanka Degmada Dayniile oo uu iyadana ku sugan yahay Maxamed Qanyare oo ah wasiirka amniga Qaranka ayna ka wada tirsan yihiin Isbahaysiga, balse si dhab ah cid u xaqiijin karta halka uu abbaaray ma jirto weli.

 

Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin ayaa warar waxay sheegayaan inuu la baxsaday qaar ka mid ah ciidammadiisa ayna ku wada sugan yihiin Duleedka Waqooyi ee xaafadda Suuqa Xoolaha, halkaasoo la sheegay inay ka wadaan abaabullo ay ku soo weerarayaan deegaankooda.

 

Dadka Deegaanka ayaa xaqiijinaya in dagaalkaan uu ahaa mid u dhacay si kaddis ah isla markaana lagu kadiyay kuwa Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, iyaguna ay isaga carareen goobihii ay ku sugnaayeen, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan inay wateen qaar ka mid ah ciidammada maxkamadaha oo ay ku qabsadeen maxaabiis ahaan, balse ma jiraan warar madax bannaan oo sheegaya arrintaas.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xaaraan-ku-naaxoo allow maanta miyaad cagaha wax ka dayday!

 

War heedhe Duke, boqolkiibo ilaayo intee magaalada Muqdisho ayaad isleedahay Maxaakiimta ayaa ka arimiyo?

 

Did you also hear about the new propaganda position of the Warlords?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ I think they have the uper hand but in terms of control it is hard to say. So far they have shutt down Dayniile, Ciselay, Ceel Cad port and have taken control of key areas like KM4, they have defeated all the warlords they have engaged except Abdiqaybdeed who has not yet fought them.

 

They have struggled in populated areas, the SISI, KARAN areas have been quite costly for the courts.

 

The area near Dayniile K-Jalle Siyad has also hampered their progress.

 

In open terrain their fighters seem to easily withstand the warlords who at times are much better equiped.

 

The important note is they have the vast majority of the local populations support...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this