General Duke Posted May 31, 2006 Wasiirkii hub ka dhigista Bootaan Ciise oo aan la garanyn goob uu u baxsaday dagaalkii saakay kaddib Posted to the Web May 31, 12:07 Muqdisho (PP) - Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin ayaa waxaa ka soo baxaya goobta uu abbaaray warar is khilaafsan iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu aaday dhanka Degmada Jowhar oo uu u baxsaday. Mar aan booqday deegaanka Suuqa Xoolaha oo uu deggenaa oo saakay dagaallo culus ay ka dhaceen ayaa waxaa ku sugnaa ciidammo ka tirsan kuwa miwoga gurigiisa, waxaana tani ay keentay in la is weydiiyo halka uu u baxsaday Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin oo isagu halkaas ay ciidammadiisu ka talinayeen. Wasiirka ayaa wararka qaarkood waxay sheegayaan inuu nafta ula baxsaday dhanka Degmada Jowhar oo uu ka taliyo Maxamed Dheere oo ay ka wada tirsan yihiin Isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisada, waxaan sidoo kale la sheegayaa inuu ku sugan yahay Degmada Balcad oo aanu horay u sii gudbin isla markaana wado abaabullo uu ku soo weerarayo fariisimadii saakay lagala wareegay. Warar kale ayaa sheegaya inuu u baxsaday dhanka Degmada Dayniile oo uu iyadana ku sugan yahay Maxamed Qanyare oo ah wasiirka amniga Qaranka ayna ka wada tirsan yihiin Isbahaysiga, balse si dhab ah cid u xaqiijin karta halka uu abbaaray ma jirto weli. Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin ayaa warar waxay sheegayaan inuu la baxsaday qaar ka mid ah ciidammadiisa ayna ku wada sugan yihiin Duleedka Waqooyi ee xaafadda Suuqa Xoolaha, halkaasoo la sheegay inay ka wadaan abaabullo ay ku soo weerarayaan deegaankooda. Dadka Deegaanka ayaa xaqiijinaya in dagaalkaan uu ahaa mid u dhacay si kaddis ah isla markaana lagu kadiyay kuwa Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Malleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, iyaguna ay isaga carareen goobihii ay ku sugnaayeen, waxaase wararka qaarkood ay sheegayaan inay wateen qaar ka mid ah ciidammada maxkamadaha oo ay ku qabsadeen maxaabiis ahaan, balse ma jiraan warar madax bannaan oo sheegaya arrintaas. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 31, 2006 This is getting more interesting everyday. How much of Xamar do the warlords actually control as of now. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted May 31, 2006 Xaaraan-ku-naaxoo allow maanta miyaad cagaha wax ka dayday! War heedhe Duke, boqolkiibo ilaayo intee magaalada Muqdisho ayaad isleedahay Maxaakiimta ayaa ka arimiyo? Did you also hear about the new propaganda position of the Warlords? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 1, 2006 ^^^ I think they have the uper hand but in terms of control it is hard to say. So far they have shutt down Dayniile, Ciselay, Ceel Cad port and have taken control of key areas like KM4, they have defeated all the warlords they have engaged except Abdiqaybdeed who has not yet fought them. They have struggled in populated areas, the SISI, KARAN areas have been quite costly for the courts. The area near Dayniile K-Jalle Siyad has also hampered their progress. In open terrain their fighters seem to easily withstand the warlords who at times are much better equiped. The important note is they have the vast majority of the local populations support... Quote Share this post Link to post Share on other sites