osman_nz Posted June 6, 2009 Kulan looga hadlayo Amaanka Qardho oo ka dhacay isla degmada Qardho Kulankan oo looga hadlayay arimo badan oo ku aadan dhinacyada Nabadgeliyada gobolka karkaar ayaa waxaa isugu yimid masuuliyiinta Gobolka kuwa degmada Qardho iyo Laamaha Amaanka gobolka, waxana la isku soo qaaday arimo badan oo ay ka mid ahayeen arimaha Amaanka gobolka, hubka sharcidarada ah ee lagu dhexwato gudaha Magaalada Qardho, isbaarooyinka ladhigto wadooyinka , qaadista Canshuuraadka, iyo sidii looga fiiqi lahaa Bacaha Beersolka Gawaarida ay ku dhentahay. Kulankan oo ka dhacayay xafiiska Duqa magaalada Qardho Cismaan Buux Cali ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo adag oo kuwaasi oo qabanaya cid alaala cidii iyagu ku xadgudubta awaamiirta maamulka ka soo baxay. Cismaan Buux Cali duqa degmada Qardho ayaa isagu arintan si kulul uga hadlay waxaana uu sheegay in la adkeyndoono xaalada Nabad geliyada gobolka gaar ahaan tan magaalada Qardho, waxaana uu uga digay dadweynaha in awaamiirta maamulka ka soo baxay adkeeyaan aysana fududeysan taas ayuu yiri waxay ka qeyb qadaneysaa amaanka iyo xasiloonida gobolka guud ahaan. Kulankaasi ayaa waxa goob jog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Police-ka DGPL Max’ed Siciid Jaqanaf taliyaha ciidamada Birmadka DGPL C/risaaq Jantal iyo laamaha Amaanka Degmada qardho waxana la isku afgartay in laqaado olole balaaran oo ku aadan arimahan laga wadahadlay iyo qodobada ay soo saareen Masuuliyiinta gobolka iyo Laamaha Amaanka. Degmada Qardho oo ah xarunta gobolka karkaar ayaa waxay tahay degmo marka la soo gaaro xiliyada bilahan oo kale mid ay u soo xagaabaxaan/ay soo gaaraan dad aad u badan oo kasoo baxa magaalada Boosaaso taas oo ay cilimiladeeda tahay mid aad u kulul aynan u adkeysan Karin . Maxamuud C/laahi Faarax SBCInternational- Qardho Source News: http://www.allsbc.co m/view.php?articleid =10814 Quote Share this post Link to post Share on other sites
IsseRiyole Posted June 7, 2009 My Ancestries Homeland, i love Qardho to death,Peace in Qardho means peace through all Puntland Peninsula. My Uncoditional Support to Qardho Peace Initiative. Love Qardho Quote Share this post Link to post Share on other sites
osman_nz Posted June 7, 2009 Yeah qardho my sub clan region..however my sub sub clan all live in nugaal tulada shire..so i relate to both nugal n karkaar...nugaal culturally, karkaar ancestory. Quote Share this post Link to post Share on other sites