Sign in to follow this  
Cowke

PSU Dean Calls Upon Students To Study In Puntland

Recommended Posts

Cowke   

XAAMUUD-300x225.jpg

 

Maamulaha Jaamacadda PSU oo ardayda dugsiyada sare ka baxday ugu yeeray in Jaamacadaha dalka wax ka bartaan

 

(Garowe) RBC: Maxamuud Shikh Xaamud oo ah Maamulaha Jaamacadda PSU ayaa sheegay xili uu ka qayb galayay Xaflad qalin jabin ahayd oo lugu qabtay dugsiga Gambool in waxbarashadu ay tahay mid aad muhiim ugu ah Bulshada .

 

Waxuuna sheegay Ardayda ka qalin jabisa dugsiyada sare ay intooda badabn jaamacada u radiyaan dalka dibadiisa hadii aay wayaana suura gal tahay ayuu yiri in ay saaqidaan .

 

Maamulaha Jaamacadda PSU waxa uu sheegay in 90% ardayda dalka dibadiisa loo diro aysan uga faadaysan sidii loogu talagalay wixii loo diray taana waxa uu tilmaamay in ay tahay mid khasaaro ku ah waalidka .

 

Dhaqaalaha aradaydaa dibada waxbarashada loogu diro ku baxa ayuu ku sheegay Maamulahaan in laba jibaar ka badan tahay kuwa ku baxa aradyda wax ka dhiganaysa jaamacadaha dalka ku yaala .

 

Waxuuna sheegay taa in ay dhibaata ku tahay ardayga maadama uusan jirin cid la xisaabtamaysa iyo waalid uu ka baqayo waxuuna sheegay in loo baahan yahay si taas aysan u dhicin in jaamacada dalka wax ku bartaan.

 

Maxamuud Shikh Xaamud ayaa sheegay in jaamacadda PSU ay la midoobay 8 jaamacood oo ku yaala Gobalada dalka Soomaaliya sida afar jamacadood oo ku yaala Maamulka Somaliland jaamacadda Muqdusho Jaamacadda Bariga africa iyo Jaamacadda Simba .

 

Waxa uuna sheegay in hehiiska 9 jaamacadood ay gaareen uu ka danbeeyay kidib kulan k a dhacay Dalka Swedan oo ay kuwada yesheen si loo mideeyo jaamacadaha ku yaala dalka Soomaaliya waxun ugu baaqay in aradyda ka soo baxda dugsiyada sare ay ka faadaystaan jaamacadaahas.

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this