Sign in to follow this  
General Duke

Asmara: Xasan Dahir Aways thinks he is bigger than companions of the Prophet ?

Recommended Posts

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

 

Tuesday, 21 October 2008 10:31

 

Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexeeya garabka Asmara iyo hogaanka Jabuuti ee Isbahaysigii kala qaybsanaantu ku timid.

Waxaa sidoo kale jiray waraysiyo ku aaddan khilaafka oo uu horey idaacado kala duwan u siisay oo qofkii islaamka iyo siyaasaddaba u dhuun daloola ay dhaliilo uga muuqanayeen. Waxaa sheeku uu marar badan isku dayaa inuu aayado usoo daliilsado khilaafka soo kala dhex galay Isbahaysiga iyo axaadiith, kuwaasoo mararka qaar aan u shaqaynaynin sida uu ku wado.

 

Waxaa ka mid ahaa aayad uu Alle ku tilmaamay ninamkii mushrikiinta quraysh mar uu Rasuulka (scw) iyo saxaabada kaga warramayey . Alle wuxuu tilmaamay inaysan nimankii gaalada ah mumuninta ku tixgalinayn ama cafinaynin ballan iyo qaraabanimo midna. Haddii aayadda laga saaro waqtigaa iyo qoladii ay tilmaamaysan ee sidaba ay yeelaan wadaado badan laga dhigo digniin furan oo gaalada waqti kasta joogta ka hadlaysa, una digaysa muslimiinta waqti kasta joogta, waxaa markaa imaanaysa su’aal sheekha iyo saaxibaddii ku soo laabanaysa, oo ah haddii gaaladu aysan ballan iyo isku hallayn lahayn, aayaduna ay la haydalayso muslimiinta oo idil, maxaa keenaya in garabkoodu aamino taliska Asmara oo isba gaal ah, Islaamiyiintii dalkaa u dhashayna cagta mariyey? Haddiiba ay muminiinta dalkooda qaraabonimo ka dhaafi waayeen oo dalka ka eryeen sow aayaddu iyagana ma qabanayso? maxaa dammaanad ah inaysan kuwa Soomaalidana uga bixi doonin haddii ay dantooda ka arki waayaan? Aayadduse ma u kala soocan tahay markaa gaalada kuwa uu Sheekhu u dan leeyahay iyo kuwa uu la joogo?!

 

Sheekhu wuxuu sidoo kale ka biyo diiday khilaafka isaga iyo ragga Jabuuti u dhexeeya ee ay hogaankii Maxkamdaha isla ahaayeen uu yahay khilaaf adduunyo iyo kursi jacayl. Wuxuu ku dooday in khilaafkii Cali iyo Macaawiye oo kale uusan ahayn oo kaasi uu ahaa khilaaf adduunyo!!! Balse khilaafkoodu uu yahay mid caqiido ama diin ah oo u eg kii khawaarijta lala galay ama kuwii zakada diiday ee dagaalladii Ridada uu Abuubakar la galay! Waa arrin laga yaabo inay ka hoos baxday ama laga xumaado inuu sheikhu u sawiro in Cali iyo Macaawiye adduunyo isku hayeen balse is khilaafka Isbahaysiga diin ama caqiido lugta ku hayo! Waxaaba dhici karta in dadka qaar u fahmaan is-taskiyeyn ama iska fadilid raggaa hore ee saxaabada ahaa.

 

Ugu yaraan haddii reer banii ummaya lagu tuhmay in khilaafka dhiiggii Cusmaan bin Cafaan salka ku hayey ay adduunyo u wehliso, ma maqal cid Cali bin abii Daalib adduunyo ku eedaysay!

 

Dhanka kale wuxuu horey sheekhu waraysi uu siiyey VOA laanteeda afka Somalaiga ku tilmaamay in khiaaflka Isbahaysiga iyo TFG-da ku dhaxeeya marka laga yimaado xabashida uu kursi iyo awood salka ku hayo! Taasoo dad badan ka yaabisay! Hadaba maxaa khilaafka Isbahaysiga dhexdiisa diin ka dhigay iyo caqiido? In Itoobiya wada hadal ku baxayso iy in iyadoo cabaadaysa xoog dalka looga saaro waaba hadiiba la karee maxaa khilaaf Caqiido ka dhigay?!

 

Wuxuu kaloo sheekhu tilmaamay in haddii waxa la isku hayo aragtiyo yihiin iyo ijtihaadaad ay markaasi tahay in hogaanka la adeeco ilaa gaalnimo cad laga arkayo sidaba uu xadiithka rasuulka scw uu tilmaamayo? Hadaba haddii khilaafka siyaasadeed la damco in axaadiith iyo aayaado mar walba looga gar baxo waxaa isweydiinta imaanaysaa ay tahay maxay tahay gaalnimada cad ee Sh Shariif ku dhacay ee ay tahay in looga baxo daacadiisii? Haddiise arrintu ay tahay dad wax ku heshiiyey, haday is fahmi waayaanna kala tagi kara ama dastuurkii ay dhigteen ku kala bixi kara saw ma fiicna inaan arrinta la diimaynin mar walba?! Xasuuso waxaa dastuurka Isbahaysiga ku qornayd in haddii gudoomiyaha 45 cisho xilkiisa ka maqnaado ama 2/3 damcaan oo eedaymo usoo jeediyaan xilka laga qaadayo, mana ahayn taasi mid gaalnimo cad ay shardi u ahayd?!

 

Mar wax laga waydiiyey arrinta raggii baarlamaanka xorta ahaa oo ragga Asmara u badan, halka rag Maxkamadahii ahaana ay Jabuuti jiraan wuxuu tilmaamay in raggii ay ka baqayeenna ay sugnaadeen halka raggii ay mshruuca ku waardiyeynayeenna ay noqon waayeen sidii laga filayey!

 

Wuxuu difaacay in Xuseen Caydiid oo aad wax looga sheego uu haatan qadiyadda meel fiican ka taagan yahay uuna tawbad keenay, isagoo weliba si kulul u inkiray ragga ku dheggan oo uu ko dooday “ Ma Takfiir baad noqoteen? Mase hilmaanteen wadadii Ahlu sunnaha iyo xadiiskii ahaa in Alle diintan ugu gargaari karo nin Faajir ah.

 

Hadaba waxaa isweydiin leh maxaa keenay in Xuseen Caydiid oo dad badani ku diiddan yihiin taariikhdiisii hore, hadana aan la hubin wuxuu ku danbayn doono loo qiil dayo, hogaankii maxkamadaha ee Jabuuti fadhiyana la yiraahdo ha la khilaafo oo yaan la adeecin iyadoo loo ekeysiinayo inay kufri bawaax ah ama cad ku dhaceen, balse aan la sheegayn waxa gaalnimada cad ah ee ay ku dhaceen, mase wuxuu la qabaa mawqifkii sh. Xasan Turki ee inay riddoobeen ku sheegayay ragga Jabuuti! Mase yahay Xuseen Caydiid nin awood iyo ciidan uu diin ugu gargaara leh si loogu soo daliiliyo xadiiska.

 

Waxaa ila quman in culimadu ka daayan adeegsiga ay aayadaha iyo axaadiista u adeegsanayaan sidii bareere siyaasadeed iyadoo ay mararka qaarna is burinayaan, mararka qaarna ay xad gudbayaan xag taskiyeyn ama gaalaysiinba. Wixii aragti siyaasadeed ama ijtihaad ee jiraa waa in talo iyo aqoon la rogrogay lagu qotimiyaa iyadoon Alle sw iyo Rasuulka scw loo saarin aragtiyo kuweenna ah oo ay dhici karto inay khaldamaan oo damac iyo ka hoosbaxba ka marnayn.

 

 

 

Waa in la helaa barnaamij siyaasadeed iyo aragti shacabka laga iibin karo sidii dalka dhibaatada looga saari lahaa, khilaafka hogaan siyaasadeedkana xal loogu heli lahaa oo talada lagula kal wareegi karo si xalaal ah oo aan dhiig lagu daadin, tan oo ah caqabad hortaagan shucuubta Muslimka ah, gaar ahaanna Ahlu sunnaha oo ilaa iyo waqtigii khilaafkii Cali iyo Macaawiye ay noqotay wadada talada lagula kala wareego xoog iyo dhiig daadin taasoo xasilooni iyo horumarba u diidan dhulka Muslimka.

 

 

gureey2001@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekhu wuxuu sidoo kale ka biyo diiday khilaafka isaga iyo ragga Jabuuti u dhexeeya ee ay hogaankii Maxkamdaha isla ahaayeen uu yahay khilaaf adduunyo iyo kursi jacayl.Wuxuu ku dooday
in khilaafkii Cali iyo Macaawiye oo kale uusan ahayn oo kaasi uu ahaa khilaaf adduunyo!!! Balse khilaafkoodu uu yahay mid caqiido ama diin ah
oo u eg kii khawaarijta lala galay ama kuwii zakada diiday ee dagaalladii Ridada uu Abuubakar la galay! Waa arrin laga yaabo inay ka hoos baxday ama laga xumaado inuu sheikhu u sawiro in Cali iyo Macaawiye adduunyo isku hayeen balse is khilaafka Isbahaysiga diin ama caqiido lugta ku hayo! Waxaaba dhici karta in dadka qaar u fahmaan is-taskiyeyn ama iska fadilid raggaa hore ee saxaabada ahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this