Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Gabadhii ugu horeysey ee dil lagu xukumo Puntland oo noqotay gabadh reer Sool

Recommended Posts

Ifraax Cali Aadan oo ah gabadh ka soo jeeda gobolka Sool ayaa maxakamada Boosaaso ku xukuntay dil toogasho,taasoo ah markii ugu horeysey ee qof dumar ah lagu xukumo dil.Ifraax ayaa lagu soo eedeeyey inay dishay gabadh magaceeda la yidhaahdo Sucaad Maxamed Cabdi oo reer Boosaaso ah,oo uu dhalay ninka dilka ku xukumay Ifraax oo ah gudoomiyaha maxakamada Boosaaso,ninka lagu magacaabo Maxamed Cabdi Awaare.

 

Ifraax iyo gabadha dhimatay ee uu dhalay gudoomiyaha maxakamadu ayaa waxa wada qabay hal nin,taasoo keentay in marxuumada dhimatay ee Sucaad ay aad uga masayrtay in lala guursado Ifraax,taasina ay keentay inay weerar ku qaado Ifraax,kadibna Ifraax oo iska difaacaysa weerarkaas ayaa haleeshay mindi sababtay geerida marxuumadaas.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Boosaaso Maxamed Cabdi Awaare oo xabsiga ku haystey Ifraax mudo badan,isla markaana u qabtay ilaalo khaas ah oo ilaalisa,ayaa wax lagu sheegay maxakamad oo socotay mudo daqiiqado ah,waxa si sahlan xukun dil ah loogu riday Ifraax,iyadoon la weydiin wax su'aalo ah,isla markaana aanay eheladeedii xaadir ku ahayn madashaas.

 

Ifraax ayaa waxa lagu soo waramayaa inay xanuunsan tahay,isla markaana aan la geyn wax dhakhtar ah,iyadoo la filayo in dhowaan lagu fuliyo dil toogasho ah.

 

Waxaa horay uga dhacay magaalada Garoowe ee maamulkaas dilka ku xukumay inantaas,in xabsig lagu laayey rag maxakamad sugayaal ah oo ka soo jeeda gobolada Sool,iyo Buuhoodle,iyadoo ragii laayey la yaqaano,oo ay si xor ah ugu nool yihiin magaaladaas.Waxaa ka dhaca sidoo kale magaalooyinka kale sida Boosaaso iyo Gaalkacyo dilal aan xad lahayn,ilaa iyo hadana lama hayo cid lagu fuliyey dilkaas.

 

Hay'ada u dooda xuquuqda bini'aadamka ee Amnesty International oo dilka lagu xukumay Sucaad ka soo saartay qoraal ayaa waxay canbaaraysey dilka lagu xukumay Ifraax,iyagoo sheegay inaanay maxakamadaasi u dhicin si xaq ah,oo lagu xadgudbay xuquuqda inantaas,waxayna hay'adaasi ka dalbatay Puntland inay dhowrto shuruucda caalamiga ah ee xuquuqda bini'aadamka,inantaa sna la saaro maxakamad cadaalad ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Lool, JB reporting everything and anything to generate negative veiws, even if it had to be gabdho isdilay...

 

Adeer, twist as you like but waxyaabaha qaarkood waa laga xishoodaa... Rag baa la iska laayaa jidka dhexdiisa bilaa maxkamada, Allaaba wa gabar maxakabad xukun kuriday oo looga shakiyay inay dil gaysatay, of course the court could be right or wrong, laakiin this is hardly a big case unlike the gang rape case of your Vice President A Yaasim Fooxle...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

lol This is crazy! waxbaa la spin-gareeyaa bay maqleen walee soomalida way ka soo dareen

 

This women killed another pregnant women in broad daylight so it doesn't matte where she is from she should be killed!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this