Sign in to follow this  
Jacaylbaro

CALANKA SOMALILAND OO MUQDISHO LAGA TAAGAY

Recommended Posts

Xaafada ka mida Magaalada Muqdisho ayaa laga taagay calanka Jamhuuriyada Somaliland iyadoo sidoo kalana mehradaha ganacsiga Muqdisho qaarkood lagu dhejiyay sawirka Madaxweynaha Somaliland Dahir Reyaale Kaahin.

 

Siyaasiga ****** Cabdilahi Sheekh Xasan ayaa amaan balaaran u jeediyay Shacabka iyo Xisbiyadda Somaliland,wuxuuna sheegay in beelweynta ****** u hayaan abaal aan la iloobi Karin,uuna ku faraxsan yahay in manta Muqdisho uu ku arko calanka Somaliland oo ka dul ba’banaya.

 

“ Beesha ****** waxay beesha Caalamka ugu baaqee in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland,mida ku saabsan calanka gurigeeyga suran waligii ayuu surnaa,waana xusnaa runtii maalintii ay gooni isu taagtay Somaliland,cidii calankeeda ka soo horjeedana waxaanu leenahay KA NAX OO NAFTA WAAY,beelweynta ****** waxay Somaliland u aqoonsan tahay Jamhuuriyad mana aqbali karto shalay xasuuqay Siyaad Barre,maantana uu Xasuuqo Cabdilahi Yusuf”sidaas waxaa yiri Hogaamiye Bashiir Raage Shiiraar oo u waramayay Waagacusub isagoo socdaal hoowleed ku maraya dalka koofur Afrika.

 

“ Somaliland waa dowlad aanu jaarnahay iyo dad aan walaala nahay sidaas ayaana u sababa inaan calanka Somalia iyo Somaliland is dhinac surno,waa dhab in reer koofureedka gaar ahaan beesha ****** hagratay Shacabka reer Somaliland laakiin jacaylka iyo kalsoonida ay noo hayaan walaalaheena Somaliland waxaa marqaati noogu filan sida qiimaha badan ee ay u qaabileen wiilashii laga celiyay Madaarka Gaalkacyo oo degaankoodii ah” ayay tiri Xalimo Sebriye oo ah hooyo aan wax ka waydiinay sababaha ay gurigeeda u dulsurtay calanka Somaliland

 

tilaabada dadka reer Muqdisho ay calamada ku suranayaan guryahooda ayaa ku began xilli odayaasha ****** guddi gaara u magacaabeen sameynta Puraposal ku socda beesha Caalamka oo ay ku dalbanayaan inaysan wax ka qabin in la aqoonsado dalka Somaliland.

 

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee taariikhda tan iyo markii Somaliland gooni isu taagtay lagu arko Muqdisho xaafado uu ka dul lalmanayo Calanka Somaliland

 

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

tilaabada dadka reer Muqdisho ay calamada ku suranayaan guryahooda ayaa ku began xilli odayaasha ****** guddi gaara u magacaabeen sameynta Puraposal ku socda beesha Caalamka oo ay ku dalbanayaan inaysan wax ka qabin in la aqoonsado dalka Somaliland

What a move ,,,,,,,,, ! ! ! !

 

 

Sudden development eh ???? ! ! ! ! !

Share this post


Link to post
Share on other sites

All sounds kind of desperate dont you think. Waagacusub has long recognise Somaliland..

Also was it not them who reported Villa Somalia fell a few days back?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hunguri   

loooooooooooooool@ Jacaylbro. Jacayl, waasoo dhawaynayaa Calanka Somali land oo Mogadisho laga taagay. War aad loogu farxo weeyo :D . Masha Allah, Calankii ayaa Rayaale iyo madaxdii ka dheereeyoo Mogadisho maraya. Laba lugood ;) !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Don't worry sxb ,,, meelo kele oo badanna waa laga taagi doonaa ,,, :D:D

 

 

Well, it is a desparate move runtii but good for Somaliland. Beelaha muqdisho were the most who were against somaliland when the ICU was on power ,,,,, they trying to get some support now when they lost everything ,,,,, anyway, we know how to deal with such situation

Share this post


Link to post
Share on other sites

hey this a true story!! this caused yeey to travel back from baido with new 3000 amxaaro elite soldiers!!

 

stay tune for more blood shed. his last horraay!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this