Sign in to follow this  
Cowke

Sheikh Sharif Speaks Out On Galkacyo Accord. Official

Recommended Posts

Cowke   

Sheekh Shariif oo ka hadlay heshiiskii Puntland

28 Sep 28, 2009 - 12:54:38 PM

 

Garowe Online

 

Madaxweyahja Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed oo socdaal ku maraya Mareykanka ayaa ka hadlay markii ugu horeysay heshiis dhexmaray DF iyo Puntland, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa talaabo horay loo qaaday.

 

Sh. Shariif ayaa gaashaanka ku dhuftay in heshiiska Puntland ay ka horyimaadeen wasiiro isaga xiriir la leh, wuxuuna sheegay in hadaladaas ay warbaahinta kasii daayeen xubo si khaldan wax u fasiray.

 

" Heshiiskii DF iyo Punland dhexmaray wuxuu ahaa mid lagu adkeynayo xiriirka dowlada iyo maamulada ka jira Somalia, mana jirto cid heshiiskaas jabisay iyo cid jabin karta " ayuu yiri Sh. Shariif oo saxaafada la hadlay.

 

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay heshiis ka dhacay dalka Jabuuti oo muranka saldhig u ahaa ayaa sheegay in taasi aysan heshiis ahayn, isaguna uu goobjoog ka ahaa, balse uu ahaa isafgarad dhexmaray 8-dal oo ay Somalia ay ku jirto.

 

"Ma jirin heshii ay DF la saxiixatay Jabuuti, wuxuu kulan dhexmaray wasiiro ka tirsan labada dal, wuxuuna ku saabsanaa xero lagu tababaro ciidanka badda oo laga dhiso Jabuuti" ayuu yiri Sh. Shariif oo xusay in isaga aysan la ahayn in taasi ay burburin karto heshiiskii Puntland lala gaaray.

 

Ra'iisul wasaare Sharma'arke ayuu ku tilmaamay mas'uul qaaday talaabo horumar leh oo wanaagsan oo lagu xoojinayo xiriirka Puntland iyo Dowlada Somalia, isagoo sheegay in haddii ay jiraan qodobo la dhaliilsan yahay oo heshiiska ku jira si hoose loo dhamehnayo.

 

"Waajibka saaran DF waa inay ka shaqeyso isku soo dhaweynta shacabka Somalia, heshiiskii aan la saxiixanay Puntland, wuxuu qayb ka yahay heshiisyada lagu adkeynayo amaanka xiriirka Somalia" ayuu yiri Sh. Shariif.

 

DGPL ayaa dhawaan sheegtay inay ka go'ayso Somalia haddii aan la fulin heshiiskii lagu gaaray Gaalkacyo [August 2009], kaasoo ka koobnaa 15-qodob, waxayna ka digeen in xukunka laga qaado Ra'iisul wasaare Sharma'arke oo gobolka kasoo jeeda.

Sh. Shariif oo la weydiiyay aragtidiisa ku wajahan Somaliland ayaa ku jawaabay inuu ugu hambalyeynayo amaanka ay deegaanadooda ka sameeyeen, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay, isagoo aan meesha ka saarin inay ka mid tahay Somalia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^

 

I guess he is working hard to appease Puntlanders in America, who he hopes will give him a warm reception when he visits Minnesota. I bet he is going renege on his remarks once he returns back to his small bunker in villa Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this