Sign in to follow this  
General Duke

Opinions on tension between Hiiraale and Courts..

Recommended Posts

HANKA BARRE IYO HOWGALKA MAXAAKIIMTA

 

 

[12/09/06]

 

 

HANKA BARRE IYO HOWGALKA MAXAAKIIMTA.

FAAKADA TODOBAADKA www.wargal.com

 

Maamulka Maxkamadaha Midoobay oo iyagu kataliya Caasimada Muqdisho iyo Deegaano aad uga fog fogba ayaanan la dhacsaneyn Qorshayaasha uu damacsan yahay Maamulka Dooxada Jubba.

 

Arintan oo iyadu si hoosa ku socotay ayaa haatan umuuqaneysa in Maxkamadaha ay yihiin kuwa ukaba gashtay in ay kala fur furaan Maamulka ku dhisan Bah wadaagta kasoo ay uqorsheysan tahay in uu dhiso Dowlad goboleed ay yeshaan Gobolada Jubooyinka lagu daray Gedo.

 

 

Shalay ayey aheyd markii Nin ku fakara Maxkamadaha balse ka tirsan Maamulka Jubooyina Ciidamadiisa lagu xabadeeyey Xaafada Calanley iyadoo uu qof ku dhintay midkalana ku dhaawacmay,arintan oo uu ka hadlay Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cadow Cali "Sanka" ayuu sheegay in 80% ay Dooxada Jubba Maamulkeedu taageersan yihiin in lagu dhaqmo Shareecada Islaamka waxaana halkaa kasoo muuqday kala furfurid ku bilaabatay Dooxada Jubba.

 

Guuxada dadweynaha Kismaayo ku dhaqan oo ah halka ay si buuxda Maamulkan uu uga taliyo ayaa qaba in Nasriga Xamar uu soo gaaro Gobolkan walow ay umuuqaneyso in Maamulka midaa kaga hortagayo Bandow lagu soo rogay Magaalada, iyadoo ay hareer socoto dadka deegaanada Jubooyinka udhashay oo diidan in uu Barre hirgaliyo hamigiisa ah in uu mataaneeyo Gedo iyo Jubooyinka si abtirsiimo aanan cidna kaxigin uu uga helo Magaalada Kismaayo.

 

Guutooyinka ugu awooda badan ee Maxkamadaha kamida laguna magacaabo Shabaabka ama Dhalinyarada ayuu ka dhex sheegay Sheeq Xasan Turki oo ah wadaad kasoo jeeda Jubooyinka kuna leh Xarumo uu kataliyo in Jihaadka lagaarsiiyo Raaskanbooni ilaa Raascaseyr tasoo umuuqaneysa in Jubooyinka lagu soo wajahan yahay amaba si hoose ay uga wada hadleen arimihaa iyo sidii ku dhaqanka Shareecada lo gaarsiin lahaa Jubooyinka oo uu ka arimiyo Maamulka Hiiraale.

 

Durbaba waxaa soo baxay in Maxkamaduhu ka howlageen iyadoo deegaamo laga soo sheegayo ciidama uruurin tasoo aan ka xusi karno deegaanka Gaduuday oo lagu uruurshay Ciidama ujidbeysay Midowda maxkamadaha oo gaaraya ilaa 100 maleeshiyo waxa ayna tani ka dhigeysaa qorshaha cilmiyeysan ee balaarinta Maamulka Islaamiga ah mid kusii curanaya Jubooyinka walow dadbadani ogsoon yihiin in Maxkamaduhu wali aysan udhaqaaqin dhanka Koonfureed laga bilaabo Afgooyo tasoo Shacabku ku guuxayaan in sababta ka reebtay ay tahay in laba kamida Masuuliyiinta Tunka weyn ee Maxkamadaha katirsan ay Maleeshiyooyin ku heyba ay Jiidaa Tuban yihiin walow taasi Maxaakiimtu iska filqiyeen, hadana taasi ma mancineyso in ay gaaraan Jubooyinka oo la ogsoon yahay in laba Beelood oo kamida Maxkamadaha Midoobay ay Maxkamado leeyihiin sida Alnasri iyo Allhuda iyadoo Beelaha Daga Jubooyinkaa lafilankaro in Midowgu uyagleelo Maxkamado.

 

 

Dhawaan ayey aheyd markii uu ku dhawaaqay Wasiirka Gaashandhiga Mudane Hiiraale in Ciidamadii hore ee Xooga Dalka meelkasta oo ay joogaan ay isku uruursadaan Xafiisna ka furtaan taas oo Shaki galisay Maxkamadaha iyadoo la ogsoon yahay in Siyaasada Barre ay la Jaal tahay tan Madaxweyne Yuusuf.

 

 

Sadax Beelood oo ku Shiray London ayaa iyagu si bareera uga horyimid kuwa soo kale ah l.oo iyagu ku tilmaamay qorsha aanan la qaadan karin waxaa ayna ku qiimeeyeen in ay ka hor imaaneyso Nasriga Muqdisho kasoo bidhaamay iyagoo ugu yeeray Mudane Hiiraale in Dowlad Goboleedkaa uu isaga laabto ayna tahay mid aysna aqbaleyn dadka daga Gobolada, waxaa iyana taa la qaba Beesha Mushunguli oo Muqdisho ka sheegay in ay kasoo horjeedaan qorshaha Barre iyagoo ku tilmaamay mid ay abaabulayaan dad aan deeganka udhalan iyadoo la ogsoon yahay Beelaha Digil iyo Mirifle in ay Saxaafaad gaarsiiyeen diidmadooda qayaxan.

 

Maxkamadaha ayaa iyagu ka shaki qaba in Ciidamada IGADSOM ay xarun ka dhigtaan Magaalada Xeebta ah ee Kismaayo walow uu taa Wasiirku ka dhawaajiyey in uu kasoo horjeedo in ciidama lakeeno Soomaaliya hadana ma ahan mid ay isku haleyn karaan Midowga Maxaakiimta waxaa ayna soo da`dajineysa in ay qorsheeyaan in qaabkasta oo mudnaanta kowaad leh ay ku wiiqaan Hogaamiyaha Dooxada Jubba.

 

Dooxada Jubba oo usaldhiga Isbaheysi asalkiisu yahay Walaalaha Galguduud ayaa iyagu si xoog ah uga arimiya Jubooyinka iyadoo dadka udhashay ay ka yihiin Maamulkaa Marti waxaana la ogsoon yahay in kuxigeenka Dooxada Jubba Xilibaan Seraar uu isagu si bareera uga horyimid hanka Barre isagoo diidmadiis si toosa usoo bandhigay walow wakiilkiisa Xasan Qalaad oo kamida Asaasayashii Isbaheysi uu lajiro Barre Hiraale waxaase hubantiya in Midowga Maxkamaduhu iyo Isbaheysiga Dooxada Jubba aysan is hureyn isna jiirayaan hadey si dadban isku jiiri lahaayeen amaba si toosa, tasoo la filankaro in Maxkamaduhu ku kiciyaan dadka deegaanka kasoo lamida kacdoonkii Muqdisho ka dhacay iyadoo la ogsoon yahay dhulka qeyraadka badan uguna qabqabsiga badan oo ay Beelo aanan shaqa ku laheyn ka arimiyeen in badan ama damaaciyaan ay sugayaan dadka udhashay mar un in ay ka taliyaan dhulkooda xili Maxkamada iyo Dowlada Baydhaba Qariibka ku ah ay is bidhaansanayaan.

 

 

WQ Maxamed Barre Haji "Fiyoore"

 

Mohamed"

 

Wargal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^Here is another one...

 

Barre-Hiiraaloow! Kee Qumman Qaababkii ay Muqdisha uga Baxeen Qanyare iyo Qeybdiid

 

ASSALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATHU

 

BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM.

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed koriisa ha ahaato.

 

Mudane wasiir Barre waxaa muuqda guuxa dadweynaha Kismaayo ood mooddo iney rabaan iney sameeyaan kacdoonkii Xamar oo kale. Mar haddii shacabkii xigaaladaada iyo xulufadaada lahaa kaa soo horjeesteen, waxaan filayaa in arrintu ku fiicantahay inaad boorsadaada xirxirato ood caqliga isticmaasho.

 

Anigu waxaan kugula talinlahaa inaad doorato qaabkii Qanyare uga baxay Xamar oo kale. Qanyare, iyadoo in badan oo Xamar ka mid ah ayna maxkamaduhu gacanta ku dhigin iska daa Shabbeelayaasha, Hiiraan, Galgaduud iyo in badan oo Mudug ka mid ahe ayuu iskaga baxay Dayniile si uu u kala badbaadiyo tolkiis iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxay ahayd taladii ugu fiicneyd ee dagaalooge sameeyo. Arrintaas darteed, ma filayo wax Qanyare ka hortaagan inuu ku soo laabto Xamar oo dadkiisa dhinac ka raaco. Reer tolkiisna waxay hubkii Qanyare uga faa’iideeyeen iney ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed. Arrintaas darteed ayaa qabiilkii Qanyare waxaa u soo baxay rag kale oo diinna leh, dadnimana ku darsaday. Waxaa ka mid ah Sheekh Janaqoow iyo Abuu Quteyba. Halka uu Qanyare fadhinjiray oo ka taliniray Dayniile oo kaliya, imisa degaan baa hoos timaadda Janaqoow oo uu ku-xigeen ka yahay? Soow Abuu Quteyba mas’uul kama ah nabadda Xamar oo hadda ma fadhiyo sartii booliiska laga xukumay? Marka raaciddii uu qabiilkaasi raacay maxkamadaha ma wax baa u kordhay mise ka dhumay? Runtii wax badan baa u kordhay.

 

Mudane wasiir waxaan maqlayaa inaad ciidamo isku duwaneyso si aad uga hortagto ciidamo u badan qoloda aad isku halka wax ku qeybsateen ood dartood wasiir ku tahay. Waxaa intaas dheer waxaa ka buuxa jufadii aad ka dhalatay. Waxaa sii dheer xulufadaadii iyo shacabka Soomaaliyeed oo dhan. Mudane wasiir, dadka Soomaaliyeed gudo iyo dibadba ha joogeene waxay jeclaanlahaayeen in la arko Kismaayo ooy joogaan maxkamadaha. Marka macquul maaha inaad ka hortagikartid shacabka Soomaaliyeed.

 

Mudane wasiir, markii Cabdi Qeybdiid sheydaanku u hargolulayey ayaa la arkey isagoo tuute ku dhexgashan Xamar! Waxaa maqaalka ka qoray qoraa Amiin Khasaaro oo yiri: Cabdi Qeybdiid ka hor waxaa tuutahaas oo kale gashaday Caydiid waana la ogaa meeshuu ku dambeeyey. Dulucda maqaalka Amiin wuxuu ahaa inuusan Cabdi Qeybdiid wiilashiisana malgin sidoo kalana uusan dhib u geysan maxkamadaha iyo shacabka Soomaaliyeed. Fiicnaanlahaydaa hadduu Qeybdiid qaadanlahaa taladaas. Marka waa in aadan adiguna isku halleyn dhowrkaas tiknikada ah iyo boqolkaas wiil oo tolkaa ah. Hadda waxaa la arkey tuute-gashi qaab daran. Weligaa ma aragtay iyadoo Xabashi joogto Baydhabo iyo Gaalkacyo in la arkay madaxda halkaas joogta oo tuute gashan?! Soow tuutaha looma gashado in lagu difaaco cadowga Soomaaliyeed oo Itoobiya u horreyso? Mise iyagaa lagu soo dhoweeyaa? Tuutaa ba’ay.

 

Mudan wasiir, naacoowdaan Xamar ka bilaabatay waxay ku fiicantahay in qof walba neefsado oo iska nuugo. Marar badan baa reer tolkaa ku dhaheen: Barroow kaalay oo maxkamadaha la shaqee waxba waayimeyside laakiin waad diidday. Maxkamaduhu waa soo dhoweynayaan qof kasta oo wax tar ah. Waxaa weerar soo ah cadowgii Soomaaliyeed ee Itoobiya marka ninkii ah sarkaal fiican waxaan filayaa in maxkamaduhu u deynayaan meeshiisa. Hadday run noqoto in ay baxeen ciidamo ay wataan Jananka Moorgan iyo Xasan-Turki waxaan shaki ku jirin iney tahay horumar, dhowr siyaabood darteed:

 

Haddee markii diinta loo noqdo waxaad arkeysaa cajaa’ib badan. Bal fiiri maanta Moorgan iyo Xasan-Turki oo isku saf ah!

 

Haddey arrintaas run noqoto waxaa la arkayaa in Islaamku uusan qofka booskii uu joogay uusan dib uga dhigeyn. Marka haddii Moorgan maxkamadaha raacay wuxuu noqondoonaa hogaamiye safka hore ah. Khasab maaha inuu mar kale Kismaayo xukumo laakiin wuxuu ahaandoonaa nin heybad leh haddii Ilaah idmo.

 

Wax badan baa Barre la lahaa la noqo maxkamadaha xulufo; haddaad rabtana ka sii tali Kismaayo laakiin waxaan suurtogal ahayn inaad u ol’oleyso keenid ciidamo shisheeye.

 

Waxey fursad u tahay Xaabsadaha Baydhabo. Si uusan Xaabsade u marin waddada la filayo in Barre maro waa inuu haddeer si cad ugu dhawaaqaa inuu maxkamadaha la shaqeynayo oo ka tirsanyahay sidoo kalana uu shacabka Baay u tusaa horumarka ay sameynayaan maxkamaduhu. Marka si uusan gobolkooda dagaal uga dhicin sidoo kalana ay kaalin uga qaataan isku-soo- dhowaanta Soomaaliya waa iney la shaqeeyaan maxkamadaha.

 

Shacabka Kismaayo kacdoonka ka wada waxay sidoo kale isku hal wax ku qeybsadaan kuwa Puntland. Marka waxay keenikartaa iney soo dedejiso kacdoonka Puntland. Puntland waxay noqotay meesha si dadban looga maleego ka-hor-tagga kacdoonka shacabka. Waa meesha laga bixiyo lacagaha lagu biilo kuwii dadka ku laayey garoonka diyaaradaha ee Baydhabo iyo Cabdi Qeybdiid oo kale. Marka hadday reer Puntland arkaan xigtadii Barre-hiiraale, Xasan-Turki iyo Moorgan oo gacmaha is heysta waxaa meesha ka baxaya dacaayadihii raqiiska ahaa ee ay wadaan kuwa u shaqeeya Xabashida oo ka soo horjeeda kacdoonka dadweynaha. Markaan Puntland leeyahay kama wado shacabka Soomaaliyeed ee halkaas dega ee waa waxa horbooda.

 

Marba haddii dadweynihii Kismaayo ay bilaabeen kacdoonkii; waa waqtigii ugu fiicnaa ee dadka ka soo jeedaa degaannadaas ee maxkamadaha ku jira ay wax ka qabanlahaayeen arrintaas. Mar kasta oo waqtigu sii dheeraado waxaa dhicikarta in dagaaloogayaashu isku maaweeliyaan iney soo socdaan ciidamo shisheeye; iyagoo arrintaas dugsanayana ay badiyaan cabburinta iyo dhibka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Arrimahaas dartood, waxaan wasiir Barre kula talinayaa inuu boorsadii ka qaato. Waxaan sidoo kale ka codsanayaa inuusan la bixin hubka Kismaayo yaal si loogu isticmaalo difaaca dalka. Waad ka qaadankartaa wax kuu noqda waardiye ilaa aad tageysid meeshaad rabtid laakiin haddaad hubkaas u geysid Xabashi ama Xabashi-raacyo haddee taariikhdaa ku qoridoonta.

Ugu dambeyntii waxaan kaa codsanayaa xitaa inaad raacin siduu Qanyare sameeyey ee aad sameysid siduu falay Cumar-filish. Marka waa inaad inta maxkamadaha ku soo dhoweyso Kismaayo aad hubka iyo magaaladaba ku wareejisaa. Haddaad diidid, haddee waad aragtaa meeshii Maxamed-dheere iyo Cabdi Qeybdiid mareen.

 

Asalaamu calaykum

 

cabdulwaaxid Khaliif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Il-Generaale

 

Sow wax lagu qosla maaha raga Cadde Muuse Axmaaraduu Gaalkacyo keenay ku faano inay Barre diin iyo Maxaakiim kala dardaarmaan? :D

 

Adeer I told you and I will tell you again, Barre and the Islamic Courts are not enemies nor where they enemies and the Islamic Courts has no reason to show Barre aggression nor vice versa.

 

Xulafooyin shar iyo shaydaan isu bahayste weeye dhibaatadu iyagauna labada qoloba (Barre iyo Maxaakiimtu) wey uga go'an tahay inay ka hortagaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Horn dont get me wrong, I did not writte the articles. The two dudes are supporters of the courts and once hailed Barre as a leader of courage. Times have changed huh..

 

Its all about Jubaland I tell ya, they wont let Barre do his job..

 

As for Puntland, Xasan Dahir gave up a long time on Hobyo let alone the state proper.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Il-Generale

 

Sxb honestly everything is back to normal there. Ragaan opiningka wado waa rag dhibaata iyo dagaal u raba Kismaayo iyo Jubooyinka.

 

The real source for indepth opine should be on Baidoa! I truly think Baidoa is in a worst state towards instability and war then Mogadishu, Kismaayo or anywhere else are!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this