Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Bugland Admin Vs Amin Amir

Recommended Posts

Kulan saxafdeed dhinacyo badan taabanaya oo 14 Feb,2009 si wadajir ah ay u qabteen Madaxweynaha DGPL Cabdiraxman Maxamad Farole & Wasiir ku-xigeenka Wasarada Warfaafinta Mud.Cabdishakur Mire Aadan ayaa waxa eedeeyn dusha looga tuurey ninka sameeya sawirada gacanta lagu xardho Amiin Camir.

 

Madaxweynaha DGPL Cabdiraxman Farole ayaa sheegey in ay tahay been abuur aan waxba ka jirin sawir gacmedkaan la xardhey kaas oo sida fariin ah in Puntland dib looga furey Warshada daabacda lacagaha Faalsada ah.

 

Mud.Farole ayaa ku tilmaamey sawirka Amiin Camir mid sidey dacaayad siyaasdeed kaas oo lagu dhabar jabinayo isbadalka siyaasadeed ee ka dhacey Puntland.

 

Mr.Farole ayaa saxaafada u sheegey in Sawir Xardhaha Amiin Caamir ay Xukumadiisu ku soo oogi doonto dacwad ka dhan ah madaama uu meel ka dhac shaqsiyadeed [ Defamation] sameyey, islamarkana uu yahay been abuur aan sal iyo raad toona laheyn oo laga faafiyey MGPL.

 

Dhinaca kale Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Warfaafinta ayaa sheegey in shir saxafadedka ay ugu yeereen sidii caalamka ugu sheegi lahaayeen been abuur

saxaafada qaarkeed ka sameysay Puntland.

 

" Waxaa halkaan idinka muuqda sawir gacmeed uu sameeyey Amiin Camir kaas oo uu ku sheegayo in Puntland taalo Warshad sameysa lacag Faalso ah oo uu weliba iska leeyahay Madaxa DGPL, arintaan ayaa ah mid lid ku ah sharafta Madaxweyne Cabdiraxman Farole iyo weliba jiritaanka Puntland." ayuu yiri Mr. Mire oo kor u haya sawirkaan.

 

Wasiirka ku-xigeenka Warfaafinta DGPL Cabdishakur Mire Aadan ayaa sidoo kale sheegey in Wargeyska Jamuuhriye uuba si afdheer u sheegey isaga oo qorey in golaha Wasiirada Puntland go'aamiyeen in lacagaha Falsada ah la fasaxo si loo daabaco.

 

Mr.Mire ayaa ugu dambeyntii xusey in Amiin Camir uu joogo wadan sharci iyo kala dambeyn ka jirto maamulkiisana ku soo oogi doonaan dacwad ka dhan ah, Qareen howshaas qabtana qabsadeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Amin Amir has demonstrated his political support for the forceful partition of Somalia after he endorsed "Somaliland" and her claim over Sool and Sanaag.

 

And his depiction of Puntland has been extremely HARSH and mostly false.

Share this post


Link to post
Share on other sites

" Waxaa halkaan idinka muuqda sawir gacmeed uu sameeyey Amiin Camir kaas oo uu ku sheegayo in Puntland taalo Warshad sameysa lacag Faalso ah oo uu weliba iska leeyahay Madaxa DGPL, arintaan ayaa ah mid lid ku ah sharafta Madaxweyne Cabdiraxman Farole iyo weliba jiritaanka Puntland." ayuu yiri Mr. Mire oo kor u haya sawirkaan.

It is not about whether Mr Faroole ownes the said Money Factory Warehouse rather the truth about its existance that really matters to us all and of course to Mujahid Amin Amir.

 

Farta iyo meel bugta is og so lama dhihi jirrin, hadaysan waxba ka jirrin maxay la qaylinayaan?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this