Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: President Yusuf talks to a full parliment we are moving forwad

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo Baarlamaanka hortiisa uga hadlay iscasilaada Ra'iisul Wasaaraha

Last Updated::2007-10-29 13:44:57

 

Baydhabo(HRNet):- Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed ayaa khudbad uu ka hor jeediyey Baarlamaanka soomaaliya uga hadlay iscasilaada Ra'iisul Wasaaraha DFKMG.

 

Madaxweyne Yusuf ayaa sheegay inuu ka aqbalay codsiga Ra'iisul Wasaaraha iyo qoraalka iscasilaada ah ee uu soo gudbiyey.

 

Prof.Geedi ayaa sidoo kale Baarlamaanka Maanta kahor sheegay inuu ka tanaasulay xilkii Ra'iisul Wasaarenimada kadib markuu eegay danta ummada Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed oo kulankan Baarlamaanka maanta ka hadlay ayaa sheegay in Prof.Geedi uu wax badan kasoo qabtay dowlada Soomaaliya isla markaana uu yahay Xildhibaan kamid ah dowlada Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowlada hawsheeda sii wadan doonto,isla markaana dhamaan Xildhibaanada, xukuumada, saraakiisha, hawlwadeenada dowlada ay wadaan hawlahooda, illaa iyo inta laga soo magacaabayo Raíisul Wasaare Cusub.

 

Madaxweyne Yusuf ayaa ugu baaqay dhamaan mas'uuliyiinta dowlada in ay tusaale ka qaataan go;aanka uu qaatay Ra'iisul Wasaaraha, asagoo mar uu khudbadiisa sii wato yiri "...meeye ragii Xildhibaanada ahaa Qanyare meeh, Muuse Suudi meehe, Cusmaan Caato meeh,....", wuxuuna yiri Madaxweynaha waa in sida Geedi uu dowlada iyo dalka ugu adeegay ay mudan tahay in tusaale laga qaato.

 

Wuxuuna Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata sheegay in Prof.Geedi wax badan soo qabtay si habsami ahna uu xilkiisa u wareejiyey asagoo sheegay in danta ummada ay tahay mid laga shaqeenayo isla markaana uu hawsha u hayey Prof.Geedi.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka Soomaaliya xiligan u baahan yahay in la badbaadiyo isla markaana Ra'iisul Wasaare Geedi uu kasii wadi doono Baarlamaanka hawshii ahayd badbaadinta dalka iyo u shaqeynta ummada.

 

Madaxweynaha DFKMG ayaa sheegay inuu hada bilaabayo wadatashiyo muhiim ah oo kusoo magacaabayo Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka.

 

Khudbadihii ay Baarlamaanka kasoo jeediyeen Ra'iisul Wasaaraha xilka ka degay, Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayey xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka kusoo dhaweeyeen sacab.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, oo oggolaaday is-casillaaddii uu Ra’isul-wasaare Cali Maxamed Geeddi u soo gudbiyey

 

Muqdisho Isniin , October 29 2007 SMC

 

Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa waxa uu maanta oggolaaday Warqadihii Is-casilaadda ee uu Ra’isul-wasaare Cali Maxamed Geeddi saakayto u soo gudbiyey.

 

Madaxweynaha ayaa arrintaasi ka sheegay Fadhi gaar ah oo ay Xildhibaaanadda Barlamaanka Federalka Somalia duhurnimaddan ku yeesheen Hoolka Shirarka ee Xarunta ADC ee magaalladda Baydhabo, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay inuu oggolaaday Is-casilaadaasi, kadib, markii uu tixgeliyey:-

 

· Xaalladaha siyaasadeed ee qallafsan ee xilligan dalka ka jirta

 

· Markii uu qiimeeyey dhibaatadda dadka haysata.

 

· Markii uu fiiriyey khilaafkii saddexda Toddobaad soo taxnayd.

 

Madaxweynuuhu, waxa uu sheegay inuu Ra’isul-wasaare KMG magacaabi doono, tan iyo inta Ra’isul-wasaare cusub laga magacaabi doono, wuxuuna ugu baaqay xubnihii ku fekerka ahaa ra’isul-wasaaraha in la is-cafiyo, lagana shaqeeyo Danaha dalka Somalia.

 

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Geeddi, ayaa isagana Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka hortooda ka sheegay inuu is-casilay, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo danaha Qaranka.

 

Ra’isul-wasaare Geeddi, waxa xilka Ra’isul-wasaarenimadda markii ugu horreysay loo doortay bishii Okt 20-dii ee sannadkii 2004-tii, iyadoo uu labo jeer ka badbaaday Moshinka Cokda Kalsoonidda ee Barlamaanka Federalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha ayaa kula kaftanmay xildhibanadii ku fikirka ahaa Gedi "Aaway Maxamed Qanyare iyo Muuse Suudi, Cusmaan Caato xagee buu galay, Cabdullaahi Sh. Ismaaciil waa kaa.. Yaa, hadii shalay khilaaf uu jiray waxaan idiin caddeynayaa cafis iyo isa-saamaxaad iyo inaan Soomaali u wada shaqeyno" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo muteystay sacab fara badan oo ay u garaaceen xildhibaanada.

 

"Aaway dhinicii kale ma doonayo inaan hal dhan u bato xildhibaanadii kalena waa sidaa oo waa inaan xiligan wixii ka danbeeya si wada jir ah iyo isku duubni ah aan ugu shaqeyno shacabka Somaliyed, kuwii dhinacaa jiray iyo kuwii xagaa joogay waa inaan iska ilownaa murankii jiray oo aan wada dhowrno dastuurka Federaalka ee noo yaal" ayuu yiri Madaxweynaha oo balan qaaday intii la soo shaqeysay Geeddi ha ahaadeen mas'uuliyiin, ciidan iyo howlwadeeno kaleba in ay cafis yihiin oo aan waxba loo raacan doonin oo la ilaawayo wixii dhacay mudadii khilafka jiray iyo wixii ka horeyayba taasoo keentay jawi mashraxad iyo sacab iyo taageero ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this